• CAWO IYO MAALIN HORSEED

Waxaa Magaalada Toronto lagu soo gabagabeeyay tababarkii waqtiga qaboobaha (Winter) ee naadiga Horseed.


Gabagabadii tababarkani kubadda cagta ah ayaa ciyaartooydii ka soo qeybgashay waxaa loo dhigay xaflad aad u ballaaran.


Xafladan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxa xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay MPP Dr. Shafiq Qaadri, rag badan oo magac weyn ku leh bahweynta sportiga sida Xoghayaha XSKK Saciid Ducaale Faarax, Cismaan Abanur Macallim Bruno( Ex Batroolka iyo qulka qaranka), Cantar Jeenyo(Ex Jeenyo xulka qaranka), Cawad Budhi(Ex Badda iyo xulka qaranka), Mukhtar Cuti(Ex Batroolka iyo xulka qaranka), Maxamed Faarax (Ex Garsoore), Istar Cali Ganey, Cabdulqadir Nuuraye, Cumar Guumbe oo iyaguna ka socday ganacsatada. Sidoo kale waxaa goobtaasi soo camiray waalidiinta ciyaartooyda iyo dadweyne aad u tiro badan.


Ugu horeyntii waxaa halkaasi aayadaha quraanka ka aqriyay Sheekh Khalaafe. Intaa kadib waxaa abaal marrin dhowr ah halkaasi lagu guddoon siiyay qaar kamid ah ciyaartooydii loo soo xiray tababarka.
Ciyaartooydan ayaa waxay ukala helaan koobabka sida tan:Xassan Yaye MVP Under 14. Bilal Faarax MVP (Under 12). Cabdullahi Xassan MVP (Under 10). Mustaf Cabdicasiis Top scorers,
Cabdikariim Cali Nuur & Cabdullahi Nuur Most improved player.
Sidoo kale MPP Dr. Shafiq Qaadri ayaa halkaasi shahaadooyin howlkarnimo ah halkaasi ku guddoonsiiyay maamulka iyo tababareyaasha kooxda Horseed. Cumar Guumbe oo ah maamulaha HUD HUD ayaa isagana ablaal marrin la gudoonsiiyay isagoo had iyo jeer maalgelin ku sameeya kooxaha tababara caruurta soo koreysa


Dadkii shahadooyinkani la gudoonsiiyay ayaa waxay kala yihiin:
Hassan Harbi(Aas-aasaha kooxda), Mohamud Dhoore, Adan S. Awale,Fadumo Hassan,Abdiqani Mohamed Waheliye ,Abdiaziz Mohamud Hilowle, Abdihakin, Ayub Ali Addan, Iman Mohamud Nur, Ismail Abdi Gadid, Mohamed Siyad, Sadik Duale, Sahro Mohamed
Ugu dambeyntii waxaa halkaasi ereyo mahadcelin ah ka soo jeediayay Xassan Xarbi oo ah aas’aasaha kooxda horseed isagoo aad ugu mahdceliyay dhamaan dadkii soo qaban qaabiyay xafladan,dadkii kasoo qeybgalay, tababareyaasha kooxda iyo maaulka

Xafladan oo maqal iyo muuqaal ah iyo dhamaan sawiardii la soco goor dhow

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca
 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line