Ururweynaha SEUKI iyo bahda Sportiga Sweden ayaa casho sharaf kusagootiyey cayaaryahanka xulka qaranka Soomaliya Ciise Adan Abshir oo uambabaxay dalka Jabuuti si uu uga qeybgalo cayaaraha bariga iyo bartamahaoo 31 bishan ka dhacaya dalka Ugandha Xaflad casho sharaf ah oo aad loo soo agaasimay soona qaabeeyeyururweynaha SEUKI laguna sii sagootinayey cayaaryahanka xulka qaranka Soomaliya cayaaryahan Ciise Adan Abshir oo isagu ku sii jeeday dalkaasiJabuuti oo haatan xaruun u ah xulka kubadda cagta dalka Soomaliya halkaanaku qaadanaya tababaro ay iskugu diyaarinayaan ka qeybgalka cayaarahabariga iyo bartamaha Cayaaryahan Ciise Adan Abshir ayeeysan aheeyn markiiugu horeeysay ee uu u safto xulka qaranka Soomaaliya isagoo xulka la sooqeybsaday cayaaro farabadan oo uuu xulku u tahay dalalka Afrika. Afrika oo31 ka bishan ka furmi doona magaalada Kampala ee dalka Ugandha . Cayaaryahan Ciise ayaa haatan u safta koox heerka koowaad ah oo ka dhisandalka Norway isagoo sidoo kalena hore ugu soo cayaaray kooxo Soomali ahiyo kuwo ajanabi ahba sida kooxda Elman oo ka dhisan dalkeeni hooyo ,kooxda Simba oo ka dhisan dalka Tanzania , iyo sidoo kale koox heerkakoowaad ah oo ka dhisan dalka Malta haatana wuxuu Ciise ku sugan yahaydalka Norway. Xafladan xalay oo uu soo agaasimay ururka SEUKI uu isagu bahda SportigaStockholm ku casuumay ayaa waxaa martida xalay halkaa isugu timidsagootinta Cayaaryahan Ciise waxaa ka mid ah Xaaji Faarax oo ah odaySoomaliyeed oo wax badan u soo qabtay dhalinyarada iyo waliba SportigaStockholm , Maamulaha shirkadda xawaaladda Dahabshiil Mudane MaxamuudSheekh Ibraahim , Isku dubaridaha shirkadda xawaaladda Qaran ee Yurubmudane Maxamuud Teetano , Ganacsade Axmadeey Xirsi oo ka socday shirkaddaLude Taxi , Rashiid Sabriye oo ka socday TV ga Horseed oo ah TV lagadaawado magaaladan Stockholm iyo waliba barta Internetka , CartanDhiblaawe oo ka tirsan ururka Rikiska Soomalida , Guddomiye Dhicis oo kasocday kooxda Qaran oo ka dhisan xaafadda Rinkeby , Cali Cadde oo ka midah caayaartoydii hore ee magaalada Stockholm oo qaar kale oo aan halkan kusoo koobi karin. Ugu horeeyn waxaa hadalkii furay guddoomiyaha Ururka SEUKI Mudane SheekhMuktaar Shuute oo ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay urur ahaan inuusagootiyo cayaaryahanka oo u socda inuu difaaco magaca qaranka Soomaliyaisagoo sidoo kale la dardaarmay cayaarhan Ciise una rajeeyey Guul in uuqaranka Soomaliya ka soo hoyo cayaarahan bariga iyo bartamaha Afrika. Waxaa sidoo kale halkaa ka hadlay Mudane Cabdi Cadde oo hore uga tirsanaanjiray xiriirkii kubadda cagta Soomaliya isagoo ka sheekeeyey taariikhdaCayaarahan Ciise iyo kooxihii uu soomaray isagoo halkaana ka jeediyeyhadalo dhiiri galin ah , waxaa kale oo halkaa ka hadlay Xaaji Faarax ,Axmadeey Xirsi , Rashiid Sabriye , Maxamuud Ibraahim , Maxamuud Teetanoiyo qaar kale oo aan halkan ku soo koobi karin. Sidoo kale waxaa erayo mahadnaq ah halkaa ka jeediyey cayaaryahan CiiseDheere oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soo dhaweeynta uu ururkaSEUKI u sameeyey iyo martida ka soctay bahda Sportiga Stockholm wuxuuna uballan qaaday inuu kaalintiisa ka soo bixi doono insha allahna isku dayidoono inuu cayaarahaa goolal ka dhalin doono . Isku xirka howshan ayaa waxaa xusid mudan ineey lahaayeen odayaasha ururkaSEUKI sida Sacad Cumar Geedi iyo Cabdi Cadde oo iyagu qeyb weyn ka qaatayxafladdan sagootinka ee xalay loo sameeyey cayaaryahan Ciise Adan Abshir. Xafladan ayaa waxeey u dhacday si aad u heersareeysa cayaaryahankuna wuxuumaanta u dhoofay dalka Jabauuti halkaasoo oo codsi ka helay xiriirkaSoomaliyeed ee kubadda cagta oo sanadkan muujiyey dadaal iyagoo iskudhafaya cayaartooda joogta Soomaliya iyo cayaartooy laga kaxeeyey qurbahawaxaana ka mid Ciise iyo Cabdirashid cadaay oo ka baxay Norway iyo seddexcayaartooy oo iyaguna ka baxay dalka UK. Xafladdan ka dib ayeey qeyb ka tirsan ururka SEUKI waxeey booqatayxafiiska shirkadda Lude oo uu ku casuumay mudane Axmed Xirsi kuna yaaldegmada Rinkeby halkaasoo oo ay la isku dhaafsanayey sheekooyin ku saabsanheerarakii uu soo maray Sportiga dalka Soomaliya. Shabakaddan Ceelbuurnet waxeey guul u rajeeyneysaa xulka qaranka Soomaliyaiyo ineey heer wanaagsan ka gaaraan cayaarahan ku soo aadan. |