• GOS oo xarunta Olympafrica Muqdisho ku qabtey tartamo Ciyaaraha fudud ee Dugsiyada

Hey’adda ugu sareeysa Sportiga dalka ee GOS ayaa iyaga oo ka duulaya baadi goobka iyo Horumarinta noocyada kala duwan ee Ciyaaraha dalka iyo ciyaaryahanada waxaa ay qabteen Tartamo Ciyaaraha Fudud oo ay ka qeybgaleen ilaa 5 dugsi ciyaartoy ka socotey,kuwaasi oo da’doodu u dhexeysay 13/15 sano jiro.


Ciyaartoyda tirada badneyd ee ka qeybgashey tartanka ayaa isugu jirey wiilal iyo gabdho,waxaana lagu tartamayey noocyada kala duwan ee ciyaaraha Fudud sida Orodka,Waran tuurka,Boodada hoose oo ay ardeyda dugsiyadu ka wada qeybgalayeen.
Tartanka oo ka dhacay xarunta Olympafrica ee Soomaaliya gaar ahaan dugsiga Jabuuti ayaa waxaa uu socdey mudo sadex maalmood,iyadoo dhamaan ciyaartoyda dugsiyada ee ka qeybgalay wejiyadoodu ka muuqatey farxad iyo sida ay u jecel yihiin tartamada Spors ee Olympafrica iyo GOS ay qabtaan.


Mudadii sadexda cisho ee uu socdey tartankaasi ayaa waxaa u daawsho tagayey Madaxda GOS,Madaxa Olymafrica ee Soomaliya iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xiriirada Sport ee dalka.


Xoghayaha GOS Duraan Faarax oo gebo gebadii halkaasi ka hadlay ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin Barnaamijkan IAAF ee ay ku tartameen ciyaartoyda ardeyda shanta dugsi oo uu u mahadceliyey dhamaantood.


“Barnaamijkan waxaa uu qeyb ka yahay howlaha Horumarinta ee GOS oo u mareysa Olymafrica ku dooneyso inay lagu dhiso laguna soo saaro Ciyaartoy mustaqbal ku leh noocyada ciyaaraha,gaar ahaan ciyaaraha fudud oo aynu la socono in meesha laga helayo ay ugu horeeyso dugsiyada”ayuu raaciyey.


Ugu dambeyntii waxaa halkaasi lagu bixiyey Hadiyado la kala gudoonsiiyey ciyaaryahanadii da’da yaraa ee kaalimaha fiican ka galay tartankaasi.
C/xafiid zaciimka
Nocsom Media Dep.


 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line