• Soomaalida Atlanta oo Dahabshiil ku amaantay kaalinta dhiiri-gelineed ee Sportiga

Waxaa sanadkaan Magaaladda Atlanta lagu qabtay Tartamo Isbooorti oo ay ka soo qeyb galeen Halyeeyo Isboortiga Soomaaliyeed magac iyo maamusba ku leh,waxaana ka soo qeyb galkooda tartankaasi ka dhigay mid muhimad gaar ah u leh Bulshadda Reer Atlanta oo sanadkaan uga soo qeyb galay si aad u sareysay,waxaana Guddiga Isboortiga uu aad iyo aad ugu mahad celinayaa Hay'ado suurto geliyey najaxintaa Tartamadaasi kuwaa oo runti u huray wax alla waxii awoodooda ah oo fududeyn kara in lagu guuleysto qabashadda Tartankaasi,waxaana shirkadaha qeybta libaax ka qaatay ka mid ahaa DAHABSHIIL ATLANTA oo uu hogaaminaayey Mudane MAXAMED SUUFI ABASHIIKH.

Waxa guud ahaan ka warbixiyey waxyaabaha ku kalifay in sanadkaan ay DAHABSHIIL ATLANTA ay hormuud u noqoto MUDANE MAXAMED S. ABASHIIKH,oo marka hore ka hadlaaya Siyaasadda Guud ee DAHABSHIIL,waxaana uu carabka ku dhuftay tilmaamayna in markii ay dhaceen Dagaaladii Sokeeyey,ay DAHABSHIIL u istaagtay in la isu raadiyo dadkii Soomaaliyeed oo ka soo bara kacay meelahii ay Dagaaladda halakeeyeen,waxayna ay ku guuleysteen in dadkaasi ay u kala gudbiyaan akhbaaraha,isla markaana ay kala gaarsiiyaan lacagaha si loo badbaadiyo Ummadda Soomaaliyeed ee Dagaaladda ka soo baracay,

“ DAHABSHIIL siyaasadeeda ayaa waxaa qeyb ka ah in mar kastaba la takuuleyo meelaha ay ka dhacaan aafooyinka sida Fatahaadda Wabiyadda,Abaaraha,taakuleynta Masaajidadda iyo sidoo kale arrimaha Bulshadda gaar ahaan Waxbarashadda iyo Isboortiga” ayuu yiri.

Madaxa DAHABSHIIL ATLANTA Mudane MAXAMED SUUFI,ayaa sheegay in sanadkaan si hufan uga qeyb galay Tartankii Isboortiga ee lagu qabtay Magaaladda Atlanta oo ay soo qabanqaabiyeen Guddi Isboortiga iyo Dhaqanka ee Atlanta oo ay ka soo qeyb galeen Ciyaartoy ka kala socotay Goboladda kala ah, OHIO,TENNESSE,ATLANTA,NORTH CAROLINA IYO MINEAPOLIS,

“waxay aheyd FESTIFAL runtii aad u ballaraan oo ay dadweynaha reer Atlanta si wacan uga soo qeyb galeen,mana noqon doonto sanadkii noogu horeeyey oo aan ka qeyb galno Tartamadda Isboorti ee Atlanta lagu qabanaayo,waayo waxaan aad iyo aad aan u garaneynaa waxtarka Isboortiga uu u leeyahay Dhalaanka soo koraayo,waxaana sii wadi doonaa dhiirigelinta dhadhaqdhaqaaq kasto oo lagu hormarinaayo Bulshadda Soomaaliyeed guud ahaan,gaar ahaan Sportiga”ayuu kusoo xiray Maxed Suufi.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Atlanta Mudane INJ. CUMAR SHEKHEY iyo GUDOOMIYAHA ISBOORTIGA DR. CALI CUSMAAN ayaa dhankooda si wadajir ah ugu mahadceliyey Madaxa DAHABSHIIL ATLANTA mudane MAXAMED SUUFI doorkii shariifka ahaa oo ay sanadkaan 2013-ka qaateen abaabulkii Tartamadii Isboortiga ee lagu qabtay Atlanta,iyagoo xusay in bulshada Soomaaliyeed ee reer Atlanta aysan iloobi doonin kaalintaasi wacneyd eek u dayashada mudan.

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line