• Dekedda Oo Wacdarro Ka Dhigtay Jabuti

Ciyaar K/Koleyga ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa dhex martay dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, waxaana ciyaartaasi daawashadeeda ka soo qeyb galay madax ka kala socotay labada dal, oo ay kala matalayeen mas'uuliyiin ka kala socotay Soomaaliya iyo Jabuuti, sida C/raxmaan Xuseen Cabdi (Kolly) oo ahaa wakiilka Maareeyaha Dekedda Muqdisho Eng. Cabdi Jiinow Calasow ahna Guddoomiyaha Naadiga Isboortiga Dekedda Muqdisho.

Sidoo kale Dalka Jabuuti, gaar ahaan Dekedda Jabuuti waxaa ka socday Maareeyaha Ganacsiga Dekedda Jabuuti Jaamac Ibraahim Dharar, iyadoo madaxda kale ee ka qeyb galay daawashada kulankaasina ay ka mid yihiin: Gudd. Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga ahna hoggaamiyaha wafdiga Isboorti ee hoggaaminaya kooxda K/Koleyga Dekedda Muqdisho.

Xubnaha kale ee iyagu ciyaarta galabta daawanayay waxaa kale oo ka mid ahaa: Xoghayaha Naadiga Isboortiga Dekedda Muqdisho C/llaahi Macallim Abuukar, Xiriiriyayaasha labada Naadi ee Soomaaliya iyo Jabuuti C/qani Jenyo iyo Mudane Axmed Daahir God iyo dadweyne iyagu si gaar ah u xiiseynayay daawashada ciyaartaasi, kuwaasi oo soo buux dhaafiyay dhismaha garoonka.

Ciyaartan oo ahayd mid saaxibtinimo, ayaa waxay markii hore ku bilaabatay jawi aad u degan, waxayna labada kooxood soo bandhigeen ciyaar wanaag aad u soo jiitay daawadayaasha oo isugu jirtay madax iyo dadweyne, hase yeeshee waxaa goolkii ugu horeeyay ku hor marayay kooxda Dekedda Muqdisho, iyadoo daqiiqado kaddibna goolkii labaad ka dhalisay dhigeena Dekedda Jabuuti.

Daqiiqadihii ay socotay ciyaarta 20-ka daqiiqo ee hore waxay labada kooxood aad u dardar geliyeen heerkooda ciyaareed, sidaasoo ay tahayna waxaa mar kastaba horeeyay kooxda K/Koleyga Dekedda Muqdisho, balse maxaa dhacay 10-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay.

Ciyaartoyda Kooxda K/Koleyga Jabuuti tobankii daqiiqo ee ugu dambeysay waxay isbedel ku sameysay ciyaarteedii, iyadoo bedeshay dhowr ciyaaryahan hase ma jirto wax ay soo kordhiyeen, waxaana kooxda Dekedda Muqdisho ciyaartoydoodii ay la soo baxeen xeelado cusub oo runtii la oran karo waxay ku soo kordhiyeen ciyaarta Basked-ka, taasi oo natiijada ciyaarta ay ku soo gabagabowday 61—42 oo guusha ay ku raacday ciyaartoyda kooxda Dekedda Muqdisho.

Mudadii ay ciyaarta socotay, gaar ahaan tobankii daqiiqo ee ugu dambeeyay dadweynihii ciyaarta daawanayay waxay qaadayeen heesta "Soomaaliyeey Toosoo, Toosoo isku tiirsada, hadba kina tag daraneey taageera weligiin", iyadoo ereyada dadweynaha Jabuuti ay qiiro wadaniyadeed gelisay madaxda labada dale ee iyagu ciyaarta daawanayay.

Gabagabadii ciyaarta waxaa khudbado kooban ka jeediyay C/raxmaan Xuseen Cabdi (Kolly) oo ah Guddoomiye K/Xigeenka Naadiga Isboortiga Dekedda Muqdisho wakiilna ka ahaa Guddoomiyaha Naadiga, isagoona Warbaahinta ka hor caddeeyay in ciyaarta galabta dhex martay labada dal ay astaan u tahay xiriirka walaaltinimo ee labada dal, isagoona sheegay in walaalahooda Jabuuti ay u fidiyeen casuumaad la mid ah midda ay reer Jabuuti u sameeyeen.

Dhinaca kale xaa halkaasi khudbad ka jeediyay Xiriiriyayaasha labada Naadi ee Soomaaliya iyo Jabuuti C/qani Jenyo iyo Mudane Axmed Daahir God oo labaduba sheegay inay ku faraxsan yihiin ciyaarta ay iyagu soo qabanqaabiyeen

 

 



 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line