• Dekedaha oo dhulka ku jiiday I.L.S

kooxda kubada kolayga Dekedaha oo ah kooxd aDifaacanaysa horyaalka kubadda kolayga ayaa ka hortagtay kooxda I.L.S oo marki ugu hoiraysay ka qayb qaadanaysa horyaalka kubadda kolayga, I.L.S oo dekedda ay kulmeen laba jeer ka hor kulankan ayaa guul ka gaartay
kulan ka tirsan koobkioi Gen.Da'ud iyo wareegii hore ee horyaalka.

Ciyaartan oo ahayd ciyaar darbi ah ayaa waxaa u soo daawasho m tagay madaxda Gos, madaxda Xirirada, ciyaartoydii hore ee qaybaha kala gedisan iyo taageerayaahsa labda koox oo garoonka soo buuxiyay.

kulkanka aya ku bilowday dardar ay labada koox la so galeen garoonka kooxda I.L.S ayaa ku gacabsraysay bilowga hore ee ciyaarta iyadoo da'yartooda soo bandhigheen ciyaar loo bogay.
kooxda Dekedaha oo ay ka guuxayso labadii guuldaro oo is xigay oo ay kala kulantay I.L.S ayaa kaabiga ku haysay markasta waxayna u diiday in ay hogaanka la fogaato xidiga namabarka ee dekedaha Mandella ayaa goolal iski xiga ka dhaliyay I.L.S hogaankana u dhiibay kooxda Dekeda
shanti daqiiqo ugu danbaysay ciyaarta.

kooxda dekedaha ayaa difaacday hogaankooda waxyna ciyaarta ku soo gabagabowday 60-56 oo ay guuhsa ku raacday kooxda Dekedaha.

FAAH FAAHINTA CIYAARTA :
Safka hore kooxda I.L.S Ayaanle Maxamed Aadan No:6. Yaxye C/laahi Axmed No:7, C/salaan C/risaaq C/salaan No: 9, Nuuradiin abuukar No:10 iyo Maxamed Axmed Max'ud No:12

Safka hore kooxda Dekedaha Aadan Maxamed Saalax No:6, Cabdirisaaq Axmed Dable(Mandela) No:8, Axmed Cumar No:9 , Siid Cali Kuukaay No:10, C/salan Axmed guuleed No:12 shan qalad waxaa galay oo garoonka laga saaray Aadan Maxamed Saalax Dekedaha iyo Nuuradiin abuukar I.L.S.
Dhibcihii ugu badnaa kulanka waxaa shabaqa soo taabtay Cabdirisaaq Axmed Dable Mandella oo kooxda Dekedaha No:8 u qaata waxuuna dhaliyay 25 dhibic isagoo soo bandhigay qab ciyaareed ay daawadayaashii ciyaarta ka maqsuudeen waxuuna sida ku noqday Xidiga ciyaarta,
ciyaartan waxaa garsoore ka ahaa Cabdi Cabdulle Axmed Baasaale iyo Maxamed Xasan Fiidoow , Saacad haye cumar Xasan , dhibco qore Mustaf Aadan , Xeer ilaaliye Saacid Axmed Abuukar.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow
Email: hadaafoow7@gmail.com

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line