• Xafladii Mudane Osman Aden Dhuubow

Waxaa magaalada Toronto lagu qabtay Affur iyo casho sharaf lagu soo dhaweynaayey wasiir ku xigeenka Sportiga Mudane Osman Aden Dhuubow.

Xafladani oo aad loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qaban qaabiyay bahweynta sportiga ee Toronto oo ay hor kacayeen Abdulkadir Nuuraye, Abdinasir Al-Gore iyo faris.

Ugu horeyntii waxaa halkaasi aayadaha quraanka ka aqriyay Sheekh Idris.

Intaa ka dib waxaa loo guda galay xafladii iyadoo ay halkaasi ka hadleen dhowr qof oo magac ku leh sportiga Somalia.

Ugu dambeyntii Mudane Dhuubow oo ka faa'iideysanaya fursadan ayaa halkaasi shahaado ku guddoonsiiyay Abdirashid Hersi "Bakin" oo loo aqoonsaday inu yahay halyeey Sporti.

Abdirashid Bakin ayaa ah shaqsi goor kasta u taagan sidii loo hormarin lahaa sportiga Somalia, isagoo dhow jeer ciyaartooy u kaxeeyay Tartanka Inter City basketball.

Xafladan oo maqal iyo muuqaal ah ka daawo xagga sare




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line