• Juventus Oo Heshiis La Gashay Diego

ROME (AFP) – Kubad qaabeeyahay reer Brazil Diego ayaa qalinka ku doogay hishiis uu ku aadayo Juventus isagoo ka tagay Werder Bremen, sida laga soo xigtay warar ay faafisay saxaafada dalla Italian ee loo yaqaan news agency Ansa.

24-sano jirkaasi horey ugu ciyaari jiray kooxaha Santos iyo Porto isla markaana ka ciyaara weerarka iyo qadka dhexe ayaa wuxuu qalinka ku duugay 4 sano oo hishiis ah .

Warkaan laguma xaqiijin in la soo iibsaday iyo in ay kooxda Bremen ' ay iska iska gaday hayeeshee managing director Manfred Mueller ayaa wuxuu u sheegay German magazine Sport-Bild: "wali wada xaajood ayaa noo socda waxaana jira wax yaabo badan oo cadeyn u baahan ."

Diego ayaa lagu qiimeeyay 25 million euros isagoo mushaar ahaan u qaadan doona 3.5 million euros a sanadkii, sidaasi waxaa shaacisay wakaalada wararka ee Ansa.

Sidoo kale Juventus president Giovanni Cobolli Gigli ayaa beeniyay inuu hishiisku wali dhamaaday , wuxuu ku tilmaamay mid qabyo ah.

Diego oo 15 kulan u soo ciyaaray Selecao ayaa kooxda uu haatan la joogo ee Bremen waxey ka soo qaadatay Porto sanadkii 2006.

37 goal ayuu u dhaliyay Werder 3-dii xilli ciyaareed ee uu la joogay waxaana ku jirta 11 goal oo uu u dhaliyay xilli ciyaareedkaan , wuxuuna ku taqasusay laadadka xorta ah (he is known as a free-kick specialist).

W/D Sir Sunni Said Salah

sirsunni@gmail.com

 




 


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line