• Doorasho Xalaal Ah Oo Markii Labaad Ka Dhacday Magaalada Kismayu

Waxaa maalinimaddii Khamiista ee ay taariikhdu ahayd 25ka December, 2014 ka dhacday magaaladda Kismayu ee caasimadda Gobolka Jubadda Hoose Doorashadii Xiriirka Kubadda Cagta ee gobolka oo lagu qabtay Hotel Qiil-mawaaye ee ku yaal xeebta quruxda badan ee Calanley.


Waxaa soo xaadiray dadweyne aad u tiro badan oo xiiseynayey natiijadda ka soo baxda doorashadda loo balansanaa lana sugayey muddo hal bil maada guddoomiyihii hore xilkaa loo igmaday sannad kaliya uuna ku ekaa November 26, 2014.
Waxaa sidoo kale soo xaadiray Xoghayaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya Hassan Farey oo goobjooge ahaan uga yimid caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdishu.

Waxaa xafladda doorashadda lagu furay ayaadaha Quraanka oo uu akhriyey Sh. Khadar ka dibna waxaa daadahayntii munaasabadda la wareegay Eng. Abdisamed Sheik-Qasim oo ahaa Xubin Guddiga Qabanqaabadda Doorashada isla markaasna ah Wakiilka Sports ka iyo Dhallinyaradda Ee Jubaland State, isagoo ku soo dhaweeyey masraxa Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabadda Doorashadda ciyaartooy hore Abdiwahid Ahmed Mohamud Elmi oo si faahfaahsan dadka ugu sharxay qaabka ay doorashaddu u dhacayso.


Waxaa sidoo kale xaadir ku ahaa xafladda Guddoomiyaha Degmada Kismayu jaalle Timo-Jilic iyo Ku-Xigeenadiisa oo aad ugu dheeraaday muhimadda uu u leeyahay Sports ka isdhexgalka bulshadda isla markaasna uu gobolkani ahaa mid aad loogu qadariyo Kubadda Cagta loona baahan yahay in dib loo soo celiyo lana gaarsiiyo J/Dhexe iyo Gedo oo ka mid ah maamulka Jubaland. Guddoomiyaha Degmadda wuxuu cadeeyey in cidii loo doorto jagadda Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta uu taageero buuxda ka helayo maamulka Jubaland.


Waxaa goobta lagu soo dhoweeyey Guddoomiyihii hore ee Xiriirka Kubadda Cagta G/J/Hoose haddana ah Agaasimaha Sports ka iyo Dhallinyaradda Laalle Burhan Kukuyu si uu warbixin kooban ugaga bixiyo waxqabadkii Xiriirka dabadeedna waxaa halkaas lagu soo dhoweeyey musharixiintii buuxiyey shuruudihii laga raba oo kala ahaa Musharax Abdulahi Du’ale Big iyo Suleyman Abdi Beddel oo min 3 daqiiqo la siiyey si ay u soo jeediyaan taariikhdooda oo kooban iyo waxa ay ka damacsan yihiin inay ka qabtaan kubadda cagta gobolka.
Waxaa loo guda galay doorashaddi Guddoomiyaha waxaana waraaqihii doorashadda u qaybiyey wakiiladda Sports ka 5 ta degmo ee kala ah Kismayu, Afmadow, Jamame, Badhadhe, iyo Xagar Guddoomiyihii Qabanqaabada Abdiwahid Ahmed. Haddaba waxay 4 degmo soo doorteen Abdulahi Du’ale Big halka hal degmana ay dooratay Suleyman Abdi Beddel.

Guddoomiyaha Qabanqaabadda doorashadda, Abdiwahid, ayaa si buuxda ugu dhawaaqay natiijaddii doorashadda isagoo markhaati ka dhiganaya dadweyne kor u dhaafay laba boqol (200) oo isugu jiray rag iyo dumar in Abdulahi Big uu yahay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta G/J/Hoose muddo saddex sano ah isla markaasna uu muddo sitimaan ah ku soo dhamaystiro maamulkiisa, waxaa la cadeeyey in cidii ka hortimaada natiijadan loo aqoonsan doono kuwo ka soo horjeeda ammaanka iyo waliba horumarka sports ka gobolka iyo Soomaaliyaba.

Waxaa sidoo kale taageero iyo gubaabo halkaas ka soo jeediyey Xoghayaha SFF jaalle Xasan Farey oo halkaas ka qiray inay doorashadani tahay sax, sharcigana ay waafaqsan tahay loona baahan yahay in goboladda kalena ay ku daydaan.

Xoghayaha Olympic ka Soomaaliyeed Jaalle Duraan ayaa sidoo kale hambalyo iyo dardaaranba isugu daray Guddoomiyaha cusub isla markaasna si qoto dheer ugu sharxay dadweynihii tiradda badnaa GOS iyo sida ay u wada shaqeyn karaan G/J/Hoose iyo waliba Zone 4 oo ka kooban 3 da gobol ee Jubaland. Xoghayaha iyo madaxa horumarinta Gobolka Banaadir
Tani waal guul usoo hoyatay guud ahaan Kubadda Cagta Soomaaliya oo runtii u dhutinaysa ciyaartooydii heer qaran ee uu gobolka J/Hoose u soo saari jiray sidii warshad lagana sugayo maamulka cusub inay masuuliyadoodii qaran dib u hantaan Allana la garab galo.
Waa markii labaad ee ay degmooyinka Gobolka Jubadda Hoose si xor ah u doortaan Guddoomiyahooda Xiriirka Kubadda Cagta ee Gobolka Jubadda Hoose.
M D Abdiwahab
Xiddigaha/Kismayu

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line