• DR. CALI CUSMAAN "BAHDA ISBOORTIGA ABAALKIINA MA ILOOBI DOONTO"

     

Bisha Feberaayo waxa dalka Mareykanka oo idil looga dabaaldegaa halgankii ay soo galeen Qowmiyadda Madaw oo ay kaga dhiidhinayeen cadaaladaradda lagu hayey(BLACK HISTORY MONTH),taa oo ay u geeriyoodeen Halyeeyo fara badan oo uu ugu horeeyo Dr. Martin Luther King .


Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka ee Atlanta ayaa sanadkaan waxa uu abaabulay xaflado looga qeyb galayo maalintaas qiimaha leh,waxaana lagu casumay qaar ka mid ah Macaalimiinta wax ka dhigta Jaamacadaha Magaaladda Atlanta,Xubno hore uga tirsanaa Guddiga Olimpikadda Mareykanka,qaar ka mid ahaa tababarayaasha wax ka soo leyliya Tartamadda Olimpigadda,gabdho ka socda dalka Kenya iyo marti sharaf badan oo ka kala socda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Atlanta degan.
Waxaa halkaa ugu horeentii ka hadlay.


Waxaa ugu horeentii halkaa khudbado xiiso leh ka jeediyey ee ku saabsan marxaladihii kala duwaan ay soo martay maalintaa iyada ah khubaro kala duwan ee u badnaa dadyooga Madawga ah ee ku nool dalka Mareykanka ooo qaarkood xafladaasi aad iyo aad ugu bogeen,waxaana ka mid ahaa Mr. Tim Richardson oo hore uga tirsanaa

Guddiga Fulinta ee Guddiga Olimpigadda Mareykanka haddana Madax u ah Ha'yadaha caawina bulshooyinka kala duwan ee ka jira Magaaladda Atlanta,waxa kaloo iyana khudbad qiima leh oo aad iyo aad loogu khashuucay halkaa ka jeedisay Ms Jaqueline Mattews oo wax ka dhigta Jaamacadda GEORGE STATE oo Atlanta ku taal,waxayna ka sheekeysay Taarikhda ay leedahay maalinta lagu magacaabo Black History Month,iyado aad iyo aad ugu mahadcelisay Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka ee Magaaladda Atlanta oo soo abaabulay Xafladaan qiimaha leh,kuwaa oo kala ah Dr. Cali Cusmaan ,Aweys Fundi,Caydiid Jeenyo,Cali Mataan iyo Jaamacey.


Waxa kaloo halkaa ka hadlay Dr. Maxamed Cali Nuur,Mike Spino iyo Cumar Shekehey oo ah Gudoomiyaha Jaaliyadda Atlanta,waxayna kuu dheeraadeen marxaladihii kala duwan oo ay soo martay Maalintaa qadarinta Mudan,iyagoo u hambalyeeye Qowmiyadaha Madaw ee dalka mareykanka.


Dr. Cali Cusmaan Cali Gudoomiyaha Isboortiga iyo Dhaqanka oo ka mid ah shaqsiyaadka Isboortiga Soomaaliyeed aad iyo aad ugu soo kifaaxay,ayaa waxa uu sheegay in maanta ay tahay mid aad iyo aad ugu dheer Bahda Isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Taarikhda ku leh Isboortiga,waxa uu sheegay in Abaalkii ay Isboortiga Soomaaliyeed u soo galeen Qawmiyadaha Madaw ee Mareykanka ay tahay mid geli doonta taarikhda baalasheeda qiimaha leh,waxaan soo qaadan karnaa MAL WHITFIELD oo bartamihii lixdamaadkii ka soo shaqeeyey dalka Soomaalia isagoo soo saaray Ciyaaryahano ku wanagsan Ciyaaraha Fudud taa oo markii dambe na dhaxalsiisay in aanu ku guuleysano Tartankii Boodada Sare ee ALL AFRICAN GAMES ee lagu qabtay Dalka Nayjeeriya oo Biladda dahabka ah uu keenay Marxuum Halyey Cabdulle Nuur Waasughe,ka dibna keentay in Halyey Cabdi Bile uu ku guuleysto Biladda dahabka ah ee 1500Mitir,waxa kaloo in la xuso u baahan booqashadii ay Somalia ku yimideen Ciyaartoyda Kubadda Koleyga ee NBAda ee KAREEM CABDULJABAA IYO OSKAR ROBERSON taa oo kenta in Kubadda Koleyga Soomaaliyeed ay hanaqaado meelo sareyna ay Tiigsato,waxa kaloo in la xuso u baahan Tababarihii Xulka Qaran Soomaaliyeed ee lagu Mgacaabi jieray HERBERT V.TOBAIS oo dardargeliyey Kubadda Koleyga Soomaaliyeed,sidoo kale RON DAVIS oo yimid Somalia horaantii sideetameyadii waxna ka tababare Ciyaartoyda Soomaaliyeed.iyo dambeyntii Feeryahankii Miisanka Culus ee addunka Mr. RIDDIK BOWE oo ku deeqay lacag aad u fara badan dadkii uu asiibay dagaaladii sokeeyey ee aafeeyey Soomaliya isagoo isla markaana la shiray Guddigii Isboortiga oo markaa daadihinaayey Guud ahaan Isboortiga,abaabalkaa ay u galeen Isboortiga Soomaaliyeed waa mid mar kastaba la xususan doono,ayuu Dr. Cali Cusmaan Cali yiri isagoo khushuucsan,waxaana halkaa loogu tumay sacab aaa iyo aad u balaaran,waxaana uu u diray dhamantood Hambalyo .


Dr, cali Cusmaan ayaa isagoo ka faa'ideysanaayo isu imaadkaa qiimaha leh,ayuu waxa uu ka codsaday ka soo qeyb galayaasha in ay Dawladda iyo Shacabka Mareykanka iyo Shacabkiisab laga gaarsiiyo Mahadcelin ku saabsan sida qiimaha leh oo ay u soo dhaweeyeen shacabkii Soomaaliyeed ee ka soo cararay Dagaaladii ahliga ahaa taa oo runtii mudan in mar kastaba la xusuusto,sidoo kale Dr. Cali Cusmaan Cali waxa uu mahad taa la mid ah u jeediyey isagoo ka tarjumaayo shucuurta shacabka Soomaaliyeed ka dib markii si xushmad leh loogu soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed Mudan Dr. Xasan Shekh dalka Mareykanka iyo aqoonsigii ay Dawladda mareykanka siisay Dawladda Soomaaliyeed,taa oo aan Mhad gaar ah uga hayno Madaxweyna Baraak Obama,ayuu ku soo gabagabeeyey warbixintiisii dheered Dr. Cali Cusmaa Cali,waxaana halkaa loogu tumay sacab aad u balaaran,waxayna xafladii ku soo gabagabowday si farxa
d leh.




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line