• Dr. Cali Cusmaan:Hambalyo Madaxweyne Xasan Sheekh

     

Dr. Cali Cusmaan Cali oo ku hadlaayo Magacyadda Aqoonyahanadda hoos ku qoran oo kala ah:

1)Dr. Cali Cusmaan Cali

2)Idris Maxamed Cusmaan

3)Yusuf Cariif Qaasim

4)Cali Xaaji Aaden

5)Muse Maxamed Afrax

6)Maxamed Abukar

7)Cabdiraxmaan Kummi

8)Prof Xasan Jumcaale.

Waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Madaxweynaha Cusub ee dalka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed Mudane Dr. Xasan Shekh Maxamuud,waxayna Ilaah uga baryayaan in uu fulinta hawshaan weyn la garab galo(Aqonyahanadaas iyo Madaxweynaha waxay ka wada tirsanaayeen barnaamij aqoon sare(MASTER DEGREE MBA PRGRAME) ay iska kaashadeen STATE UNIVERSATY IN NEW-YORK(SUNNY ALBANY) IYO SIDAM 1989-9O.

Dr,Cali Cusmaan iyo aqoonyahannada Somtad oo u

hambalyaynaya madaxweyne Xasan Sheekh


Waxa kaloo aan doonayaa in aan maanta ifiyo qodob ka mid ah arrimaha bulshada oo door ka ciyaari horuumarinta iyo is dhexgalka bulshadda kaa oo ah ISBOORTIGA oo aan aniga ka mid ahay kabiiriinta lagu faani karo,wallow ay jiraan qaar aqoonta isboortiga looga dambeeyey oo ku soo dhexjiray arrimaha Isboortiga 50kii sano ee ugu dambeysay,kuwaa waxaan ka xusi karnaa,Cabdulaahi Xasan Tuke.Muse Naasir.Garsoore Qolof,Tababare Giftin,Tababare Ibraahim Suudaani,Amsador Caalin,Dr. Xusen Dirie,Cabdulqaadir Isoomarey,Abkow,Maxamed Xaaji Colow,Witig iyo qaar kale oo aan halkaan ku soo koobi karin,kuwaa oo aan maanta ku faani karno laguna kalsoonyahay in ay Isboortiga gaarsiin karaan horumar la taaban karo iyagoo adeegsanaayo dhalinta waxqabadkooda lagu kalsoonaan karo.

Dr; Cali Cusmaan oo la kulmay aqoonyahanno Isboorti

Isboortiga waa isha uu ka kaco ama uu ka kufo kor u qaadida sharafka iyo qiyamka uu leeyahay Qaranka Soonmaaliyeed,taa waxay waajib nooga dhigeysaa in waxa aan adareemeyno aanu u gudbino Dawladda Cusub oo hadda la filaayo in ay ka hanaqaado Dalka Soomaaliya,una gudbino talooyin lagu hormarin karo si wax loola qeybsado addunka intiisa kale.

Waxa hore Maahmaahyo Somaliyeed tiri CAMAN ABAAREED CANBA CAN TUHUN oo aan uga gol leeyahay in ay dadka qaar u arkaan in aanu nahay darajo doon,laakiin taa nagama celineyso in aanu taladeyna dhiibano kana qeyb galno dib u dhiska Qaranka Soomaaliyeed.

Xirfadda Isboortiga ma aha mid ku timaado hal habeen ama maalmo la tiriyo,laakiin waa arrin u baahan in aad ka qeyb gasho qeybahiisa kala duwan ookala ah Farsamo ahaan iyo Maamul ahaanba,taa oo aad ku kasban karto in aad mariso jidkii toosnaa oo kuugu ridaayo barta la tiigsanaayo.

Hadafka Isboortiga waa in Ciyaaraha lagu faafiyaa dhamaan qeybaha kala duwan ee Bulshadda iyado loo adeegaayo horumarinta jiilalka soo koraayo,diiradanna la saaraa unkidda bulsho saldhigeedu yahay nabadda iyo wada noolaasho iyo in la dhawro qiyamka uu leeyahay Bini'aadamka.

Dr; Cali Cusmaan oo la kulmay JAALIYADAHA KALA DUWAN iyo aqoonyahannada isboortiga EE KA SOO QEYB GALAY CASUUMAD LAGU QABTAy Atlanta Georgia

Ugu dambeyntii,anigoo daba joogo talooyinka ay hore u bixiyeen qubaro Isboorti oo ku nool addunyadda dacaleedeyda kala duwan kana dhex muuqday Isboortiga 50kii sano ee ugu dambeysay,ayaan waxaan soo jeedinayaa anigoo ka mid ah qubaradaas in magacaabidda Wasaaradda Isboortiga aan lagu saleynin qaab QABIIL,waayo Wasaaradda Isboortiga dabeecad ahaan waa ay ka duwan tahay waxayna salka ku haysaa una baahantahay aqoon Isboorti ,waayo aragnimo Isboorti iyo aqoon kale oo barbar socoto,anigoo rajeenaayo in taladaasi markaan fursad la siiyo.

Qoraalkaan qof ama qofaf,Hay'ad ama ha'ado,Duul ama Duulal oo aan si gaar ah farta ugu fiiqeyno ma jiraan,laakiin doorkeyga Soomaalinimo iyo dareenkeyga Wadaninimo iyo Isboortinimo ayaan ku cabiray,Haddi uu jiro qof u maleynaayo in farta aan ku gudaayo aan u hormariyo Cudur daar uuna sheego in arrintaani tahay mid qarameed aysan aheyn mid qoom lagu xumeynaayo.


W/ D DR. CALI CUSMAAN CALI

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line