• Eng. Bana & Mr Wensonga oo lagu martiqaaday British Basketball League

FIBA Africa Commissioner Mr Agina Wesonga iyo Head of Marketing & Media for East and Central Africa Eng Bana Ali ayaa casumaad ka helay British Basketball League iyagoo ka wada hadley sidii cayaaraha kubada kolayga ee wadanka boqortooyada UK iyo SOMALIA laysugu xiri lahaa,iyadoo ay ku tilmaameen Somalia in ay tahay meel laga heli karo cayaaryahno kuwa Afrika iyo aduunka ka qeyb qaadan kara hadii ay helaan tababar fiican iyo dhaqaale.


Eng Bana Ali ayaa warbixin buuxda ka siiyey BBL sida FIBA AFRIKA ay ula shaqeyso dib u soo nooleeynta cayaaraha kubadda kolayga ee gobolada Somalia,isagoo xusuusiyey in BRITISH BASKETBALL LEAGUE ay gacan siiyaan XSKK,iyagoo si toos ah oo gooni ah ula xiriiri kara maamulka si ay u siiyaan wixii taakuleyn ah ee lagu hormarin karo SOMALI BASKET.

Kulanka ka dib waxaa marti sharafta lagu casuumay cayaar aad u xiiso badan oo dhex martay kooxaha heerka koowaad ee horyaalka Ingiriiska – LONDON LIONS iyo LEEDS FORCE,cayaartaasoo ahayd mid aad u xiisa badan oo daawadayaashii ka soo qeyb galay ay aad ula dhaceen, iyadoo lagu soo gaba gabeeyey 78 iyo 70 oo guushii ay ku raacdey kooxdii ku cayaareysay magaca caasimada UK.


Cayaartii ka dib Eng Bana wuxuu casho sharaf qaas ah u sameeyey Mr AGINA iyo qaar ka mid ah cayaaryahanda kubadda kolayga Somalia ee ka cayaara wadanka Ingiriiska,iyadoo Mr Agina uu u mahad celiyey Eng Bana isla markaana aad ula dhacay cayaaryahanda tayada leh ee ka cayaarta wadanka Ingiriiska iyo sida ay u hormareen.

Mr AGINA oo hadalkiisa sii wata ayaa u sheegay marti sharaftii in waqti aan sidaa u soo fogeen lagu qaban doono magaalo Somalia ka mid ah cayaaraha INTERCITYGA,isagoo ogaadey Somalia in ay yihiin dad aad u jecel cayaaraha kubadda kolayga,isla markaana ay guulo la taaban karo ka keenaan,sidii aan ku aragney kooxda GAROOWE CITY,xiligii ay ka qeyb galeen cayaarihii INTERCITYGA ee ka dhacay magaalada DAR U SALAAM ee wadanka TANZANIA.

Waxaa hubaal ah ayuu yiri in ay jiraan magaalooyin Somali ah oo 100% nabad ah oo FIBA hadii la hordhigo u ogolaan karta ku qabashada tartan caalami ah,isagoo xusuusiyey in Somalia ay iminka ku jirto xiligii kabsiga,loona baahan yahay isboortiga in uu qeyb libaax ah ka qaato.

Wuxuu kaloo xusuusiyey in sanadka 2015 lagu qaban doono magaalada NAIROBI cayaarihii INTERCITYGA,iyadoo la filayo magaalooyin badan oo Somaliya ah in ay soo codsan doonaan ka qeyb galka.

Ugu dambeyntii wuxuu mahad gaar ah u soo celiyey Eng Bana iyo dhamaan bahda BASKETKA oo mar walba London si sharaf iyo qiimo leh ugu soo dhoweysa,isagoo balan qaadey in mar walba sidii BASKETKA SOMALIA loo hormarin lahaa uu ka shaqeyn doono.

Qore: Mr L Roone “Award Winning Investigative Journalist

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line