• Etob Oo Ku Guuleystay Wiish Cup 2012

 

Waxaa magaalada Toronto lagu soo gaba gabeeyay tartankii kubadda koleyga ee koobkii Wiish Koobkan ayaa waxaa si qurux badan usoo qaban qaabiyay Naadiga Ilamos.
Tartankan oo in muddo ah socday ayaa waxaa ciyaarta finalka isaga hor yimid kooxda Dahabshiil, iyo Etob Restaurant.
Labdan kooxood ayaa waxay soo bandhigeen ciyaar aad iyo aad u xiiso badan oo dadweynihii ka soo qeybgalay ay aad ugu riyaqeen.
Waqtigii loogu talo galay ciyaarta ayaa labadan kooxood isla dhaafi waayey 42-42 bar bardhac.
2 daqiiqo dheraad ah ayaa loogu daray si ay u kala badiyaan.
Daqiiqadahan dheeraad ah ayay mar labaad bar bardhac ku noqdeen iyagoo isla gaaray 53-53
Markii seddaxaad oo ay wada ciyareen ayaa kooxda Etob ay guusha raacday.

W/D Mohamed Busuri

Sawir Qaade: Mohamed Ganey




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line