• Madaxa suuq-geynta FIBA AFRICA oo la dardaarmay Jaaliyada Isboortiga UK

     

 

Xaflad lagu Mideenayay Ururada Isboortiga SSAUK iyo Somaliweek oo iyagu ahaa Labo Urur oo siyaabo kala gedisan Tartamo Isboorti ugu qabanayay Magaalada London ayaa waxa ay ka dhacday galbeedka London ee dalkan UK, kaasi oo ay kasoo qeyb galeen xubno Magac iyo sharaf ku leh Saaxada Isboortiga Soomaaliya, iyadoona xafladaasi ay noqotay mid ay si aad ah ay usoo dhaweeyeen Bahda Isboortiga London.
Munaasabadaan ayaa waxa ay ka danbeesay ka dib dadaalo ay Muddooyinkii ugu danbeeyay dalka UK ka wadeen Odiyaal Isboorti, taasi oo salka ku heysay sidii la isugu keeni lahaa SSAUK iyo Somaliweek, taasi oo ugu danbeyn lagu guuleestay in labada Urur la mideeyo, isla markaana hogaanka labada Urur lagu dhawaaqo.


Howlka Xaflada ay ka dhaceesay ayaa waxaa buux dhaafiyay Bahda Isboortiga London, iyadoona khudbadihii halkaasi laga jeedinaayay ay dhamaantood aheyd kuwo xanbaarsanaa dar-daaran ku wajahan bahda Isboortiga London, inkastoo dar-daaran micno badan Xambaaran uu halkaasi ka jeediyay Madaxa suuq-geynta FIBA AFRICA, Eng. Baana Abdalla Ali.


Eng. Baana waxa uu ka sheekeeyey sida uu khilaafka ka bilowda bulsho hal meel wada degan ama shaqsiyaad, uu saamayn ugu yeelan karo horumarinta Isboortiga, Asigoona Tusaale usoo qaatay qiso ka dhacday cayaarihii Olompikada Adduunka ee sanadkii 2008 ka dhacday Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.


"Safaarada Soomaaliya ee Shiinaha ay qoraal u direen Guddiga Olimpikada Shiinaha oo ayagu qabanqaabinayey cayaarahaasi, kaasoo uu ku sheegayey in Guddiga Olompikada Soomaaliyeed aysan ahayn kuwa sax ah sidaasi darteedna aysan aqbalin ka soo qaybgalkooda" Ayuu yiri Eng Baana oo Sheegay in Arrinkaasi ay salka ku heysay Khilaaf u dhaxeeyay shaqsiyaad gaar ah taasi oo qatar gelisay in Magaca iyo Calanka Soomaaliya halkaasi laga waayo.


Inkastoo Waraaqdaasi iyo dadkii ka danbeeyay falkaasi uusan carabaabin Eng. Baana ayaa hadana dadka daraasa Isboortiga waxa ay xaqiijiyeen in ay Arrinkaasi ay ka danbeeyeen dad ka tirsan Bahda Isboortiga Soomaaliyeed ee ku nool Wadanka UK, kuwaasi oo xilligaas khilaaf kala dhaxeeyay Qaar ka mid ah Guddiga Olompikada Soomaaliyeed.


Khilaafyada Shaqsiyadeed ayuu ku tilmaamay Eng. Baana, in ay sababi karto bur burinta Magaca Qaranka Soomaaliyeed, taasina loogu gudbi karo ka shaqeynta isboortiga Soomaaliyeed iyo sidii bahda Isboortiga Soomaaliyeed ay u midoobi lahaayeen Meelkasta oo ay dunida ka joogaan.


Waxa Eng. Baana mahad gaar ah u celiyay dadkii kasoo shaqeeyay dadaalkii dheeraa ee lagu bixiyay Midowga Labadaan Urur, Asigoona wax lagu farxo ku tilmaamay Tanaasulka ay sameeyeen Ururka Soomaali Week oo u Tanaasulay Dhigooda SSAUK.
Munaasabadaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxa Ururka Mideynta Qurba joogta Soomaaliyeed Axmed Nuur (Sayga Ruushka), Wasiir kusigeenkii hore ee Wasaarada Maaliyada Mukhtaar Shuute, Avv Xuseen Diiriye Afrax, Guddoomiye Cabdi-dheeg, Muriidi Zein, Axmed Shell, Dr Cunaaye, Macalin John, Xaawo Taako, Maxamed Ismaaciil Macalin Aadaamo, Muriidi Abati Abanuur, Macalin C/raxmaan Matiite, Biyooleey, Axmed Sheegow, Cadde Suufi, Digeeye, Miski, Zamzam, Diib, Xaaji Macow, Daahir Ali Kulmiye iyo Maxamed Buuwe, oo dhamaantood ka mid ah Macalimiintii hore, Ciyaartoydii hore, Bahdii Isboortiga Qaranka iyo Qaban qaabiye-yaashii kulanka.
Ugu danbeyntii Waxaa Munaasabadaasi ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Maamuli doona cayaaraha xagaaga ee sanadkaan isla markaana Hogaamiye u ah Labada Urur ee Midoobay Macalin C/raxmaan Guhaad oo loo yaqaan [Shiino Guhaad].


Macalin Shiino Guhaad oo horey u ahaa Guddoomiyihii ururka SSAUK oo xilligaan la Midooway Ururka Soomaaliweek ayaa sheegay in uu ku dadaali doono sidii uu u gudun lahaa waajibka loo xilsaaray, asigoona wax lagu farxo ku tilmaamay Midowga labada Urur ee Soomaaliweek iyo SSAUK.
Munaasabadaan Ayaa waxaa Shahaado Sharaf lagu guddoonsiiyay Daahir Ali Kulmiye oo asiga hormuud u ahaa dadkii kasoo shaqeeyay xafladaan Mideynta Labada Urur, iyadoona dhinaca kale uu Munaasabada goob joog ka ahaa Ciyaartoygii hore ee xulka Qaranka Xaaji Macow oo ka yimid dalka Mareykanka.
Waa Markii ugu horeesay Howl ay isugu yimaadaan Bahda Isboortiga London lagu arko wajiyo kala gedisan oo in muddo ah garabyo kala gedisan ka tirsanaa, iyadoona dhamaantood isku wada baraarujiyay sidii loo hor marin lahaa Isboortiga loona midoobi lahaa.
Salah Hassan Omer "Salah Dheere"
Email: s.dheere@hotmail.com




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line