• Madaxda Fiba Africa oo Amaanay Jaaliyada Isboortiga UK

     

Fiba Africa Commissioner and East & Central Africa Intercities Commitee Board Member Mr. Agina Wesonga, Ayaa Markii ugu horeesay la hadlay Jaaliyada Isboortiga Soomaaliyeed ee Dalka UK, ka dib Casho Sharaf Bahda Isboortiga UK ay ku lahaayeen bishac11/05/12 Hotelka Millennium ee Galbeedka London.
Mr. Agina Wesonga oo ka qeyb galayay Casho Sharaf Bahda Isboortiga UK ku yeesheen galbeedka London, ayaa waxa uu boogaadiyay sida wanaagsan ee loogu sharfay in uu kasoo qeyb galo Kulankaasi, Asigoona wax lagu farxo ku tilmaamay in uu la kulmo Tiradii ugu badneyd Ciyaartoy Soomaaliyeed oo xilligii bari-samaadka kasoo ciyaari jiray dalka Soomaaliya.
Mas'uulkaan ka socday Xiriirka Caalamiga ee Kubada Koleyga Africa oo uu Casuumadaan u fidiyay Eng Bana, ayaa sidoo kale wax lagu farxo ku tilmaamay in Xilligaan Xiriirka Caalamiga ee Kubada Koleyga Africa uu xubin muhiim ka yahay Shaqsi Soomaaliyeed, asigoona amaanay howsha uu Xiriirkaasi u Hayo Bana Ali.
"Soomaalida waan taageereynaa, waana ku Faraxsanahay in aan la kulmo Tiro intaan la eg oo ciyaartoy horey aheyd, mana soo koobi karo shacuurteeda, Wajiga hada muuqdana waxa uu sheegayaa in Soomaalida isku duuban tahay Ayuu yiri" Mr Agina Wesonga.
Waxa uu Mas'uulkaan sheegay in Soomaalida loogu baahan yahay in ay kasoo dhex baxaan shaqsiyaad la mid ah Eng. Bana Abdalla Ali, oo ka qeyb qaadan kara Xiriirada Caalamiga ah ee Kubada Koleyga, Cagta, iyo qeybaha Ciyaaraha kala gedisan, Asigoona ugu Mahad celiyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee UK sida weyn ey ugu muujiyeen Soo dhaweyntiisa.
Mr. Agina Wesonga ayaa ugu baaqay Bahda Isboortiga Soomaaliyeed in ay isku duubni Muujiyaan, isla markaana ka shaqeeyaan Hormarinta Isboortiga Soomaaliyeed, asigoona sheegay in Africa ahaan ay iyagu gacan siin doonaan Isboortiga Soomaaliyeed.




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line