Home|


Jawaabta Su'aalihii Sharciyada FIFA

 

S) Haddii Ciyaartooy la rabay in la beddelo uu diiday inuu garoonka ka baxo. Garsooraha ciyaarta maxaa ku waajib ah inuu sameeyo?

J) Garsooraha ciyaarta ayuu halkeedi ka wadayaa, kol haddii aysan aheen arrin isaga hoos imaaneysa.

S) Iyadoo ay wada ciyaarayaan kooxaha Horseed iyo Jeenyo, ayaa tababaraha kooxda Horseed damcay inuu ciyaartooyga Cali ku beddelo Cabdi. Cali ayaa garoonka ka soo baxay. Cabdi intii aanu galin garoonka ayuu laad ku qaaday ciyaartoy ka tirsan kooxda Jeenyo oo xariijiinta garoonka tagnaa. Garsoorihii ayaa calaamadda cas (Red Card) siiyay Cabdi. Haddaba su'aasha waxay tahay: Kooxda Horseed inta ka harsan ciyaarta ma 10 ciyaartooy bey ku dhameysanayaan, misse ciyaartooy kale ayay Cali ku beddeli karaan amaba Cali ayay ku soo noqon kara garoonka.

J) Kooxda Horseed waxay xaq u leedahay iney ciyaartooy kale ku beddesho ciyaartoga Cali ama uu isaga dib ugu soo laabto garoonka, waayo beddelkii ma dhameestirna. Beddelka wuxuu si buuxda u dhameestirmi lahaa haddii uu Cabdi garoonka soo geli lahaa.

S) Iyadoo ay wada ciyaarayaan laba kooxood ayaa, kabtannada labadan kooxood ku hashiyeen in ciyaarta qeybteedi dambe ay sii wataan iyagoo aan nasan. Ciyaartooy ka mid ah labadan kooxood ayaa isaga diiday arrintan, isagoo codsaday in la siiyo waqti uu ku nasto. Haddaba garsooraha maxuu sameynayaa?

J) Ciyaartooy kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu helo waqti nasasho ah inta u dhaxeysa ciyaarta qeybteedi hore iyo qeybta labaad. Sidaa awgeed garsooraha waa inuu taasi tixgeliyaa.

4)Kooxaha Juventus iyo Milan oo wada ciyaarayo ayaa Milan gool dhalisay. Goolkaa kadib ayaa garsoorihii wuxuu arkay calan wadahii oo calanka kor u taagaya. Markii uu u yimid ayuu u sheegay in goolhayaha kooxda Milan uu dharbaax madaxa kaga dhuftay ciyaartooy ka mid ah kooxda Juventus iyadoo lagu jiro xerada ganaaxa ee kooxda Milan . Haddaba garsooruhu muxuu sameynayaa?

J) Gasooraha wuxuu rigoore (Penalty) u dhigayaa kooxda Juventus, goolhayaha Milan wuxuu muteysanayaa in garoonka laga saaro. Goolkii ay dhalisay kooxda Milan waa wax kama jiraan.

5) Koox ka kooban 7 ciyaartooy ayaa mid ka mid ah ciyaartooydeeda qalad ku galay xerad ganaaxa. Garsoorihii ayaa kooxda kale u dhigay rigoore(Penalty), islamarkaan calaamda cas (Red Card) siiyay ciyaartooygan. Kol haddii ay kooxdan u soo hareen 6 ciyaartooy oo keliya. Garsooraha ma ogolaanayaa in rigoorahan la laado misse ciyaarta sidan ayuu ku dhameynayaa .

J) Garsooraha waa inuu ciyaarta halkaasi ku dhameyaa, waayo sharciga FIFA ayaa diidaya in koox ay garoonka ku jirto iyadoo heysata in ka yar 7 ciyaartooy.

Waxaa dhamaan su'aalahan is sax ah ugu so jawaabay dadka magacyadooda ay hoos ku qaran yihiin

Ahmed Abdalla, Saalax Cali, Mohamud Hashi, Ayan Kediye oo jooga London Uk. Muse Sheekh, Awes Haji, A/Qadir Idris, Nimo Farah, Saida Jamac oo iyaguna ka soo qoray Ottawa , Canada. Nur Ducaale, Faysal Ahmed, Yasin Bixi Toronto, Canada.

Waxaan u mahadcelineynaa dhamaan dadkii ka soo jawaabay su'aalahan, balse waxaan magacyadoodi soo qornay oo keliya kuwii si saxda ah ugu soo jawaaba dhamaan shanta su'aal.

W/D Mohamed Busuri