• Hall of Fame & Xiddigaha Oo Final Isugu Soo Haray

Waxaa Magaalada Toronto si xiiso leh uga socda tartankii Ramadan Cup 2013.

Affarta kooxood ee ku loolamayaya koobkan ayaa shalay yeeshay kulankoodi ugu dambeeyay.

Ciyaarahan ayaa ahaa kuwo aad u kulul waayo koox waliba waxay rabtay iney usoo gudubto ciyaarta kama dambeynta "Final"

UBK Seniors 2-2 Hall of Fame

Ciyaarta 1aad waxaa wada ciyaaray kooxaha Hall of fame oo iyadu 6 dhibcood ku hogaamineysay koobkan iyo UBK Seniors oo lahayd 1 dhibic.

Bilowgii ciyaarta kooxda UBK Seniors ayaa weerar badan ku qaaday goolka Hall of Fame, hase yeshee difaaca Hall of fame ayaa iska caabiyay weerarkii UBK Seniors.

Kooxda Hall of fame ayaa markeedi si lama filaan ah weerar ku soo qaaday goolka UBK Seniors, halkaana ay Rigoore "Penalty" ku heleen.

Rigoorahan ayaa waxaa si qurxoon shabaqa kubadda ugu hubsaday Burhan Boqorka.

Kooxda UBK Seniors kama niyad jabin goolkani oo waxay halkoodi kasii wadeen weerarkii. Testo ayaa kubad qurxoon usoo dhigay Maxamud Dhoore oo isaguna kubadda ku hubsaday goolka.

Ugu dambeyntii labadan kooxood waxay ku kala Afur doonteen 2-2.

Hall of fame ayaa sidaa ku yeelatay 7 dhibcood una soo baxday Finalka. Halka UBK Seniors ay 2 dhibood ku hareen.

Kooxda UBK Seniors inkastoo ay hareen hadda Amaan ayay mudan yihiin waayo labadii kullan ee ugu dameeyay ciyaar wanaag ayay muujiyeen.

Xiddigaha 2-1 Al-Aruba

Ciyaartii labaad ayaa waxaa wada yeeshay kooxda Al-Aruba oo lahayd 3 dhibcood iyo Xiddigaha la soo jiitameysay 1 dhibic.

Al-Aruba waxaa ku filnaa oo keliya bar bardhac si ay ugu soo gudubto Finalka. Halka Xiddigaha ay ku qasbaneyd iney badiso.

Ciyaatan oo ku bilaabantay jawi qurxoon ayaa dhowr daqiiqo markii ay socotay uu Deeq Xalen gool qurxoon u dhaliyay kooxdiisa Xiddigaha.

Al-Aruba ayaa markeed weerar qaaday waxayna halkaasi ku heleen Rigoore. Rigoorahan ayaa waxaa u saxiixay Liban Gacmey.

Xiddigaha ayaa iyaduna markeedi loo dhigay Rigoore, waxaana u dhaliyay Qasaaye.

Ugu dambeyntii kooxda Xiddigaha ayaa 2-1 ay guusha ku raacday, sidaana ay ciyaarta Finalka ula yeelan doontaa kooxda Hall of Fame.


 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line