• Xiddigihii Shalay Oo Deeq U Fidiaya Xiddigaha Maanta

Gabdhihii hore ee Ciyaartoydii K/Kolayga Soomaaliya oo qalab Isboorti iyo taageero dhaqaale u diray Kooxo Isboorti oo ka dhisan Muqdisho

Gabdho dhowr ah oo ciyaari jiray xiligii beri-samaadka ciyaarta Kubadda Kolayga, ku nool Dalka Dibaddiisa ayaa waxay dhawaan gaarsiiyeen Kooxo Isboorti oo ka jira Magaalada Muqdisho lacag ay iska soo uruuriyeen.

Gabdhahan oo kala ah Xaawo Shiikh Axmed (Xaawo Taako), Miski Cumar, Luul Aadan, Samsam Geelle, Deeb Cabdi Jaamac, Safiyo Ilka-case, Shukri Dhalbaas, Safiyo Neero iyo Dahabo ayaa waxay gaarsiiyeen lacag ay iska soo uruuriyeen Gabdho iyana ciyaari jiray Kubada Kolayga oo gacanta ku haya Kooxo Isboorti oo iyana ciyaara Kubadda Kolayga, waxayna ugu talagaleen in ay niyadda u dhisaan Kooxaha Isboorti ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Tallaabadan ay gabdhahan qaadeen ayaa waxay tahay mid ku dayasho mudan, waxaana hubanti ah in Isboortiga Soomaaliya uu u baahan yahay in la garab istaago, isla markaana loo fidiyo taageero qalab iyo mid dhaqaale.Haddaba Gabdhaha ay deeqdaas lacageed gaartay oo kala ah Geeddiyo Cali Abshir, Faay Aweys Maxamed, Batuulo Xaaji Nuur, Khadiijo Axmed Yare, Khadiijo Aadan Daahir, Sahra Socdaal iyo Maryan Dheerey ayaa waxay si weyn ugu farxeen taageerada lacageed ee ay u soo direen gabdhihii ay Kubadda Kolayga wada ciyaari jireen ee nasiibka u yeeshay kadib burburkii ku dhacay Dowladdii hore in ay dalka dibadda uga baxaan.

Khadiijo Aadan Daahir oo ka mid ah Guddoomiye ku xigeennada Xiriirka Ciyaaradaha fudud ee Soomaaliya, isla markaana ay deeqdaas qalabka iyo lacagta isugu jirta ay wax ka soo gaartay ayaa iyadoo ku hadleysa magaca gabdhah deeqda la soo gaarsiiyay waxay u mahadcelisay gabdhaha taageerada u soo diray, waxayna ka codsatay in aysan taageeradaas noqonin middii ugu horreysay ugu dambeysay, hayeeshee ay taageerada sii wadaan.

Sidoo kalena Khadiijo Aadan Daahir waxay ka codsaday Dadka kale ee Isboortiga ehelka u ah ee iyana Dalka Dibaddiisa ku maqan in ay il gaar ah ku soo eegaan Dhaqdhaqaaqyada Isboorti ee ka socda Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, waxayna ugu baaqday dadkaas in ay ku daydaan gabdhaha kaalmada soo gaarsiiyay.

Dhanka kalena, Gabdhaha deeqda la gaarsiiyay ayaa waxay sheegeen in ay ka xun yihiin hadal dhawaan laga sii daayay warbaahinta qaarkeed, kaasi oo sida ay yiraahdeen lagu jaa’ifeynayay dad walaalo ah oo wanaag badan u haya bahda Isboortiga Soomaaliyeed, haddii ay ahaan lahaayeen kuwo ku dhaqan dalka gudahiisa iyo kuwo dalka dibaddiisa ku dhaqan.

Waxaan rajeyneynaa in walaalihii warkaas warbaahinta ka sii daayay aysan ka shaqeyn doonin wax kala dilaya dadka walaalaha ah, waxaana taasi bedelkeeda jeclaan lahayn in ay ka shaqeeyaan sidii la isugu xirmi lahaa, la isuna caawin lahaa”ayay yiri gabadhaha deeqda la gaarsiiyay ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis)


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line