• Garowe oo usoo gudubtay Final Kadib markii ay 81-54 ku Xasuuqday Sudan

Maantay ayaa la ciyaaray tartanka magaalooyina bariga iyo bartamaha africa inter city Game ciyaartii la wada sugayay ee same finalki tartanka magaaliyinka bariga iyo bartamaha africa inter city Game.

Ciyaartaan oo ka duweyn ciyaarihii hore ayaa aheyd ,id aad u adag oo ay wada ciyaareen *CITI ZENS SOUTH SUDAN* magaalo madaxda labaad ee South Sudan iyo magaalo madaxda Puntalnd ee Garowe Soomaaliya.

Tartanka ayaa aha mid aad u adag waxaana aan la isku reeban labada dhinacba madaama kooxdii lagabadiiyo ay hareeyso, labada magaalo ayaa ciyaar wanasgan soo bandhigay oo dad weyniihi ka soo qeeb galay aad ugu raaxeysteen ciyaar wanaagooda, kadib si xarage leh weer iyo weerar celin aad u quruxbadan ay madashii ka dhacday.

Gaba gabadi ciyaarta ayaa guusha waxay ku soo dhamaatay Garowe 81 CITI ZENS SOUTH SUDAN 54 halkas waxa finaal u gudubtay magalada caasumada Puntland ee Garowe Guusha ay gaartay magaalada Garowe waxa aad u soo dhaweeyay dhamaan Jaaliyada Soomaaliya iyo Puntalnd madaama magaci Soomaaliya iyo Puntland oo mudo ka badan 23-sano la arag ay maanta koor u qadeen dhalinyarada matalaysay Garowe.

Gudoome ku xigeenka xirirka kubada cagta ee Soomaaliya Mudane Abdirashiid Hassan Hirse (Baki) oo *hogaaminayey teamka Garowe* ayaa tariikh ku tilmaamay guush ay gaareen hadi aan nahay Soomaaliya.

Gudomiyaha ayaa fariin u diraay Jaaliyada Soomaaliyeed iyo kuwa Puntland in ay dhalinyarada dhirigalin u sameeyaan madaama ay guul wanasgan oo tariikh ah u soo hoyeen, waxay mudan yihin sharaf iyo dhirigalin wanagsan ayuu yiri mudane Baki

Gudoomiyaha ayaa u mahad celiyey Cabdulqadir Cadday oo ka mid ah bahda Sports Soomaaliya oo dhalinyarada ubalan qaaday hadi ay final yimaadan mid walba $100 in u soodirayo asago joga Dalka UK magalad manchester city waana shaqsigi ugu horeeyay oo dhirilagin wax ku ool ah u sameeyay.

Gudoomiayaha ayaa Abdulqadir Caday ku amaanay ugana mahadceliyay dhirigalinti ugu horeeysay ee dhalinyarada loo sameeyay.

Dhinaca kalena mudane Baki ayaa fariin diiran u diraya Jalaaliyada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland in ay dhalinyarada dhirigalin u sameeyan asagoona sidoo kale Dowladda iyo shacabka reer Puntland ka codsay in ay kaalmo u fidiyaan Ciyaartooyda dhaqaale la'aanta ugu dagaalamaya magaca Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale mahad balaaran u diraya Jaaliyada reer Daarasaalam sida wanasgan ee uga qeeb qateen soo dhaweeynta iyo Daawashada tartan,wuxuuna xusay in aan la iloobi dooni gacal nimada iyo Soomaali nimada ay la garab taagnaayeen ciiyaartooyada, taas qeyb ka ah heerka ay soo gaareen dhalinyarada.

Gudoomiyaha ayaa hadalkisa ku soo gaba gabeeyya mahad balaaran u diraayo dhalinyarada iyo macalinka teamka Garowe sida wanagsan oo ay uga soo baxeen masuuliyada saarneyd madaama ay huwan yihin magaci Soomaaliya iyo magaci caasumada Puntland ee Garowe team

Ciyaar tooydan ayaa ah kuwa aad isku fahansan waqti dheerna ku bixiyay tawabar ay maanta mirihiisa guranayaan, si ay guulo wanagsan u gaaran wayna gaareen ayu ayuu Baki hoosta ka xariiqay.

Baki " hada waxan taganahay final waxan rajeenayna in aan koobka qaadno, kadiba Soomaaliya iyo Garoowe keeno´.

Wabilaahi Towfiq
Abdiqani Khalif Ahmed ( Carabey )
Tel: +25290621638
Galkayo Somalia
Email:cabdiqani0903@gmail.com

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line