• TABABARE GIFTIN ISBOORTIGA SOOMAALIYEED MARNA KU ILOOBI MAAYO

Waxaan dhawaan Magaaladda Atlanta ee Cariga Mareykanka lagu qabtay xaflad heer sare loo soo agaasimey oo lagu sagootinaayey Tababare Maxamed Xaaji Giftin oo si rasmi ah uga fariistay Isboortiga gaar ahaan Kubadda Cagta oo uu ugu yaraan 60 sano ka soo shaqeynaayey isago soo layliyey dhalinyaro badan oo ugu dambeyntii ka mid  noqday kuwa lagu qadariyo kubadda cagta kana qeyb galay xulka Qaran Soomaaliyeed oo lagu daafacaayey calanka buluuga ah.



Tababare maxamed Xaaji Giftin waxa uu ka mid yahay tababarayaasha ugu taarikhda dheer oo ay ummadda Soomaaliyeed ku faanto waxaana uu dhalinyaranimadiisa ka mid ahaa kooxaha Kubadda Cagta ee Masar laga qadariyo isagoo ka mid ahaa weraaryahanada Kooxda Kubadda Cagta ee AL-AHLI isagoo illa iyo haataan laga xushmeeyo Dalka Masar gaar ahaan Kubadda Cagta ee reer Masar,waxaana safari badan oo lagu kororsanaayey ku soo qaatay dalal badan oo isboortiga ku hormarsan isagoo soo qaatay shahaadooyin kala duwan oo loogu aqoonsanaayo xirfadiisa Tababarnino,waxaana uu Somalia dib ugu soo noqday dalka Somalia horaantii todobatameyadii isagoo halkaa ka bilaabay in uu xirfadaha kala duwan u kordhiyo dhalinta Soomaaliyeed.



Tababare Giftin waxa uu ugu horeyntii Tababare u noqday Kooxdii la oran jiray WAGAD(FIAT) isagoo ka dhisay dhanka Farsamadaha kala duwan siiba isu-dhiibka gaagaaban,aragtida Garoonka,Difaaca iyo is caawinaada marka kubadda si wadajir ah loo weeraraayo ama si wadajir ah loo daafacaayo,waxa uu kaloo Ciyaartoyda Naadiga ku abaabiyey Kontrolga Kubadda,iyo isu dhiibidda kubadda iyadoo la ordaayo,waxaana farsamadahaasi casriga ah uu ku helay qadarin ay u hayaan Dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan bahda isboortiga ee Kubadda Cagta oo u dhuun daloola Farsamooyinka casriga ah ee Kuubadda Cagta,

Maxamed Xaaji Giftin waxa sanado ka bacdi uu ku biiray Naadigii Kubadda Cagta ee Naadiga Madbacadda Qaranka halkaa uu mar kale ka bilaabay in uu soo saaro Ciyaartoy la mid ah kuwii uu hore magaca ugu yeelay,waxaana uu markaa gacanta ku dhigay Ciyaartoyd da'dooda ay aad u yareyd,waxaana muddo gaaban uu ka soo saaray Ciyaaryahano looga dambeyo Kubadda Cagta sida Nuur Amiin,Muridi oo nayneys looga dhigay Maradoonihii Soomalia,Eenow oo markuu qabsado Kubadda khal khal gelin jiray difaaca kooxda ka soo horjeeda,Goolwale Dhagey,Difaacii khatarta ahaa ee Argentiina,Ciyaaryahan Shiikha iyo kuwa la mid ah.

Tababare Maxamed Xaaji Giftin waxa kaloo lagu xusuustaa shaqooyinkii uu ka qabtay Goboaladda Soomaaliyeed qaarkood sida Gobolkii Baydhaba Janaay,Gobalada Sool iyo Sanaag oo uu dhamaan Goboladaasi gaarsiiyey horuma la taaban karo ee Kubadda Cagta,waxayna tartamadii Goboladda ka muujiyeen Ciyaar wanagaag iyo in ay u jajabanyihiin Ciyaarta Kubadda Cagta.



Xafladaasi waxa qabashadeyda suurta geliyey Urur Haweenka ee Atlanta oo ay Hogaaminayeen Marwo Saciido Cabdiraxmaan Nuur iyo Marwo Madiina Xuseen oo runtii muujiyey dadaal biyo kama dhibcaan ah qeyb weynna ka qaatay suurtagalnimadda xafladaasi,waxa sidoo kalo dadaal muujiyey Guddiga Isboortiag ee Atlanta ee Kala ah Dr. Cali Cusmaan Cali iyo Cabdulqaadir Xasan Cadde(Caydiid Jeenyo),waxaan kaloo mahad aan la koobi Karin u jeedinaynaa Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomali-American Inj. Cumar Shiikhey oo ka geystay taakuleyn dhan kastaba leh oo horseeday taabagelinta Xafladaasi,sidoo kale waxaan halkaa khudbad qiimo leh ka jeediyey Maxamed Shiikh oo ka mid Guddiga Hogaamiyaha Jaaliyadda isagoo xusay taarkhda uu leeyahay Tababare Giftin.



Waxa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyey Tababare Maxamed Xaaji Giftin waxaana uu khudbadiisa ku bilaabay isagoo ay ka muuqato khushuuc iyo dareen aad u sareeya waxaana uu yiri.....Waxaan ka marqaati kacayaa in Ummadda Soomaaliyeed ay tahay shacabka addunka ugu mudan in loo shaqeeyo,waxa xaflado tan la mid ah la iigu qabtay Dalal badan ee Yurub ah,waxay taa ku tuseysaa in shaqada aan soo qabtay mabsuud laga yahay,waxaana uu Tababare Giftin sheegin aan waligey iloobi doonin shaqadda isboortiga ee baxaadda weyneyd oo aan ka soo qabtay Magaaladda Atlanta,waxaan ku bilaabay Ilmo aad u yar yar illa ay isboortiga qaarkood ku heleen waxbarasho,anigoo manta halkaan uga mahad celinaayo waalidiintii gacanta nagu siiyey,waxaana aan rajeynayaa in halkaa laga sii wado ku barbaarinta Isboortiga Dhalaanka soo koraayo isagoo ka helaayo waxyaabo aad iyo aad u wanagsan.



Waxaana xafladaasi goob jog ka ahaa Saciido Cabdiraxman,Madiina Xusen Ganacsade Maxamed Suufi Abasheikh,Cabdi Isaaq,Mursal Macalin Maxamed,Maxamed Cali Kamoole,Maxamed Gabeyre,Inj. Axmadey,Aweys Cadde,Al-Xubeyshi,Yusuf Carii,Agaasimaha Sagal Raadiyo Mudane Xusen Xasan,waxaana daadihinta Barnaamijkaasi si hamsami ah u waday Wariye Sare Cabdulqaadir Sagaar iyo Oday Jaamac.



Ugu Dambeyntii waxa halkaa khudbad loo khushuucay ka jeediyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Mudane Inj.Cumar Shiikhey iyo Saciido Cabdiraxman oo ka socotay Haweenka Atlanta,waxayna ku foogaadeeyn Taarikhda uu Tababare Giftin leeyahay iyo in uu manta ka galay taarkhda Isboortiga Soomaaliyeed baal dahab ah,mustaqbalka dhaw iyo kan fogba la xusuusan doono iyagoo sheegeen in ay Ummadda Soomaaliyeed ay u hayaan abaal maguuraan ah oo aan waligii ka tirtirmi doonin jiilalka soo koraayo,waxayna ugu hambalyeeyeen shaqadii wacneyd oo uu u soo qabtay qaranka Soomaaliyeed uguna duceeyey Caafimaad iyo Cimri dheer,waxayna xafladii ku soo dhamaatay si farxad iyo reyn reyn ay ku dheehantahay,waxaana halakaa laga qaaday heestii caanka aheyd ee Soomaaliyey Toosa oo qaar badan ee ka soo qeyb galayaasha ahaa shucuurtooda iyo daamiirkooda Soomaalinimo kiciyey.

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line