• HALYEEYO ISBOORTI OO BOOQDAY MADAXWEYNE KUXIGEENKII SOMALIA

     

Waxa dhawaan laguu qabtay magaaladda Virginia ee cariga Mareykanka Tartan Sanadeedkii Isboorti oo ay ka soo qeyb galeen Ciyaaryahano caan ku ah Isboortiga oo ka kala yimid Goboladda kala duwan oo uu Mareykanka ka koobanyahay,waxa sidoo kale ka yimid dalka Kanadda Halyeeyo caan ku ah Isboortiga noocyadiisa kala duwan,waxayna casuumad ka heleen Guddiga Isboortiga ee Virginia oo tartaanka noocaan oo kale ah so waday laga soo bilaabo 1983,iyago dhawaan u dabaaldegi doona 30Guuradii ka soo wareegatay markii shucladda tartankaasi la shiday,waxaana uu tartankaasi sanadkaan ku soo gabagaboobay si qiimo leh oo ay cid kastaba khasuucisay.


Bahda Isboortiga waxa ay caan ku yihiin in aysan waligood iloobin shaqsigii ama kooxdii ka soo qeyb gashay Abaabulka Isboortiga,kor u qaadidiisa,Dhiirigelintiisa iyo abaabinta dhaalanka soo koraayo,taa waxa ay ka mid tahay waxyaabaha lagu xusuusto shaqsiyaad badan oo ay Bahda Isboortiga waligood iloobi doonin kuwaa waxa ka mid ah Madaxweyne Kuxigeenkii Hore ee dalka Soomalia Mudane Jeneraal Maxamed Cali Samantar oo runtii aanu ku tilmaami karno shaqsi Isboortiga Soomaaliyeed qeyb libaax ka soo qaatay gaar ahaan Horumarinta Isboortiga Kooxdii Ciidamadda Qalabka sida ee Horseed oo ahey kooxdii dhanka Isboortiga ugu horeysay Kooxihii ka dhisnaa Dalka Soomalia,taa oo ay ugu wacantahay dhirigelinta uu mar kastaba uu u fidin jiray Jeneral Maxamed Cali Samantar,isagoo taa ku helay amaan iyo xusuus ay u hayaan dhamaan Bahda Isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan Bahdii Horseed.


Waxaan isku dayeenaa in aanu soo uruurino waxyaabihii ay caanka ku aheyd Kooxdii Horseed kuwaa oo loo tirinaayo dadaalka uu mar kastaba uu ula heelanaa Jenaral Samantart Kooxdaasi,waxaan xusuusanaa in ay soo mareen Tababarayaal ajaaniib ah kuwii ugu badnaa oo ay yeelato Kooxaha Soomaaliyeed,waxaana kuwaa ka mid ahaa Tababare Cali Muxsin oo Yamani ahaa,Serjo Del Pinto oo u dhashay dalka Talyaaniga,Axmed Cabulna oo u dhashay Masar,Tababare Groda oo u dhashay Ruushka,Wander Morera oo u dhashay Brazil,Ibrahim Ibrahim oo u dhashay Dalka Masar,kuwa oo dhamantood ahaa tabarayaal Kubadda Cagta,waxa kaloo in la xuso mudan in uu Tababare u soo noqday Kooxda Kubadda Cagta ee Horseed Tababare Ibraahim Suudaani oo ka mid ahaa Tababarayaasha Soomaaliyeed kuwooda ugu fiican,madaama uu Dalka Jarmalka ku soo qaatay Tababar Tababarnimo isago ka galy kaalinta Koowaad,waxa kaloo Tababare Ibraahim Suudaani uu Tababare ka soo noqday Dalka Sacuudi Caraabia iyo Dalka Qatar,haddana waxa uu ka mid yahay Aqoonyahanadda Isboorti ee ku nool Dalka Mareykanka,waxa Kaloo Kooxda Horseed ee Kubadda Koleyga soo maray Tababare Ruush ah oo magaciisa la oran jiray DIIMO oo Kooxdaasi horumar aan la dhayalsan karin gaariiyey.


Kooxda Ciidamadda Qalabka sida ee Horseed waxay laheyd garoon uu u dhanyahay wax alla waxii tashiilaad ah oo ka qeyb geli kara horumarinta Isboortiga.waxayna lahaayeen Ciyaaryahanadda ugu sumcad badnaa qaranka Soomaaliyeed.kuwa waxa ka mid ahaa,Saciid Ducaale,Kiler,Saciid Ismaaciil,Jeylaani KHaliif.Iskood.Shaah,Aweys Fuundi,Sharkey,Saciid Ceyrow,Cabdiladiif,Cabdi Kuus,Marxuum Cusmaaney,Cabdinasir,Khiliifaani,Maxamed Ismaaciil,Cafiif,Xamaama,Baani,Xuuti,oo dhamaantood ka tirsanaa Kooxda Kubadda Cagta ee Horseed kana qeyb galay Xulka Qaranka Soomaaliyeed tiro aan la koobi karin,sidoo kale Kubadda Koleyga waxay lahaayeen Ciyaaryahano Magac iyoo Maamus ku lahaa sida Cali Cigaal Afrax,Cali Faarax Siyaad,Isaaq Axmed Isaaq,Marxuum Garaad,Axmed Daahir Axmed,Farqajaan,Dhooley,Bile iyo qaar kale,waxa iyana in la xuso mudan in ay lahaayeen Gabdho Ku caan baxay Kubadda Koleyga oo ay ugu horeyso Sucaado Cabdulaahi Maxamed

.
Waxa kaloo in la xuso u baahan in Ciyaartoyda Ciyaaraha Fudud ee Horseed ay ahaayeen kuwa ugu guulo badan Gudaha iyo Dibaddaba,waxaana ka xusi karnaa Marxuum Cabdulle Nuur Waasuge oo ka tirsanaa Ciyaartoyda Horseed in uu ahaa Ciyaaryahankii ugu horeeyey ee Bilad dahab ah u soo hooyiya Qaranka Soomaaliyeed,sidoo kale Cali dheere oo isna ka tirsanaa Horseed ayaa labo Bilad oo dahab ah ku guuleystay,sidoo kale Kooxda Kubadda Laliska ee Horseed waxa ay ahaayeen kooxda ugu guulal badan ee ku guuleystay Horyaalka iyo Koobka koobabka.
Waxa iyana in la xuso mudan in kooxda Horseed ay laheyd Taageerayaal caan ka ah Garoomadda kala duwan ee Isboortiga kuwa oo illa Maanta Bahweynta Isboortiga ay ku qiimeyso sidii hufneyd oo ay u soo taageereen Kooxda Horseed,waxaana ay kala Marxuum Madaxey,Marxuum Cabdow Caawo iyo Maalin Horseed,Mudane Qaadiri,Xasan Abukar Cali iyo Maxamed Diiriye iyo kuwa kale oo aad iyo aad u fara badan oo aan halkaan ku soo koobi karin.
Waxa la huubaa in si loo gaaro guul isla markaana aad Taarikhda ka gasho meelaheeda qiimaha badan waxay u baahantahay dadaal iyo in aad diirradda saarto waxa markaa aad mas'uulka ka tahay,waa taa midda keentay in Kooxdii Ciidamadda Qalabka Sida ee Horseed ay ku noqdeen Kooxdii ugu wanagsaneyd ee ka dhisneyd Dalka Soomaalia,waxaana arrintaa Abaalkeeda iska leh Jeneraal Maxamed Cali Samantar oo aad ugu dadaalay in uu ka haqabtiro wax alla waxii ay Kooxdaasi ku hormari karto,waxa kaloo Dadaalka Jeneraal Samantar keenay in Ciyaaryahanadii ka soo baxay Kooxda Horseed ay saameyn badan ku yeesheen Xuulalka Qaranka Soomaaliyeed iyagoo ahaa kuuwii ugu cadcadaa ee xulka Qaranka.Guuleyso Jeneraal Maxamed Cali Samantar.
Halyeeyadii Booqashadaasi ka qeyb galay waxay kkala ahaayeen:
1)Dr. Cali Cusmaan Cali..............(Xoghayahii Guddiga Olimpigadda Soomaaliyeed)
2)Cabdirashiid Blastiko................(Kooxdii Kubadda Koleyga ee Badda,Xulka Qaranka)
3)Aweys Muse Arbow...................(Kooxdii Horseed,Xulkii Kubadda Qaranka Soomaa.)
4)Caydiid Jeenyo...........................(Kooxda Jeenyo, Xulkii Qaranka ee K/Cagta).
5)Cabdulqaadir X.(Shiikha)...........(Kooxda K.Koleyga ee Badda,Xulka Qaranka)
6)Cabdulqaadir Madaxey..............(Kooxdii LLPP,Xulka Qaranka)
7)Maxamed Muslimiin...................(Kooxdii Muqdishu.Tababare heer Caalami ah)
8)Faarax Oday................................(Kooxdii K.Koleyga LLPP,Xulka Qaranka)
(Maxamuud Ciise............................(Kooxdii K/Koleyga LLPP,Xulka Qaranka).
Waxa ugu dambeyntii Magaca ka soo qeyb galayaasha ugu mahad celiyey Jeneral Samantar Mudane Aweys Muse Arbow(Aweys Fuundi)oo ka tirsanaa difaacii adkaa ee Caawo iyo Maalin Horseed,isagoo sheegay in ay Bahda Isboortiga Mahad balaaran ay kuu hayso,taarikhda Isboortiga Soomaaliyeedna aad ka gashay baal dahab ah,isla markaana aanu u gudbin doono waxqabadkaadii jiilalka soo koraayo,waxaana uu kulannkii ku dhamaaday si reyn reyn ah.

W/D Dr. Ali Osman




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line