• Hambalyo Eng.Baana Cali iyo Xoghaye Siciid Faarax

     

 

‘’Heybad waxaad ku leedahay dalkaada hooyo,Waa lama huraanee, hagarli wax ugu qabo, heybad waxaad ku leedahay dalkaada hooyo,

’Waa lama huraanee, hagarli wax ugu qabo’’

Qormada todobaadkan waxaan uga hadlayaa shirweynaha guud ee FIBA Afrika ee ka furmay magaalada Qaahira wadanka Masar oo ay sanadkaan si wadajir ah uga soo wada qayb galeen labo nin oo Soomaali ah. kuwaasoo xifaaltan weyn ka soo dhaxeyn jirey.

Eng.Baana Cali oo ka socdey FIBA Afrika Zone 5 iyo mudane Siciid Faarax oo ka socdey XSKK ahna Xoghayaha Xiriirka ayay ahaayeen labadaasi qofood.

Run ahaantii shabakada turxaanbixinta waxay u aragtey guul weyn oo wadanka Soomaaliya u soo hoyatey, halka dad badan ay ka bixinayeen waxyaabo raqiis ah oo aanan dooneynin inaan halkaan kaga hadlo waayo muhiimad iguma fadhido.

Markii hore shirarka XSKK markasto waxaa wadanka uga qayb gali jirey Eng.Baana Cali, shaqo wanaagsana waa uu ka soo qabtey, hadane wuxuu ka mid yahey masuuliyiinta FIBA Afrikada Bari (Zone5), in horumar ka sameeya xulka qaranka Kubadda Koleyga ka qayb galka cayaaraha carabta iyo Afrika ninkii hormuudka ka ahaa sida ku cad sanadihii uu ka shaqeynayay uuna ahaa xoghayaha XSKK.

Markii GOS ay dhaceen dhaqaalihii OS ay ugu deeqeen XSKK inuu uga qayb galo cayaarihii Rwanda oo aan u bixiyay fadeexadii Rwanda Gate, Baana Cali oo loolan adag kale hor yimid GOS, ayaa waxaa ugu dambeyntii looga guuleystey kadib markii cumulada XSKK ku qoran inay madax u yihiin ay la safteen GOS, markaas wixii ka dambeeyay Baana shaqadii ayaa laga casiley, islamarkaana waxaa geed dheer iyo mid gaaban loo korey in looga dabo tago xubinta uu ka yahey FIBA Zone 5.

Isku daygaasina wuxuu noqdey mid ku soo dhamaado fashil iyo ceeb, waxaana xaruunta Zone 5 ee Kenya lugihiisa ku tagey Jaalle Duraan Faarax Gudoomiyaha ku meel gaarka GOS, waxaa warqad loo qorey FIBA Afrika iyo Zone 5, warqadaas oo ay qoreen XSKK,kuwaasoo ku sheegay in Baana Cali uusan matalin xiriirkooda islamarkaana xubina ka noqon karin Zone 5, balse waxaas oo dhan waxay noqdeen kuwa aanan shaqeynin madaama aysan sharciyad ku saleysneyn dacwadooda,balse iska ahaa xaasidnimo iyo maseer looga soo horjeedo shaqsi wanaagsan oo daacad ah oo meeshaas is gaarsiiyay, islamarkaana soo saarey lunsashada dhaqaalaha isboortiga Soomaaliyeed lagu hayo,Eng.Baana shaqadii uu ka hayay Afrika Zona guul ayuu ka gaarey sida runta ah, tusaale waxaa kugu filan inuu ku adkeystey inuusan shaqadiisa qofna ka hor istaagi karin.

Docda kale Xoghayaha cusub ee XSKK mudane Siciid Faarax, inkastoo xili adag loo magacaabey inuu shaqadaas qabto, hadane howlo fiican oo wadanka waxter u leh ayuu qabtey ilaa iyo hada, sida cayaarihii lagu qabtey wadanka Qatar oo gabdhaha Qaranka Kubadda koleyga ay guulo wax ku ool ah ka soo hoyeen,hadane labo shir uga soo qayb galey.

Markaan kulanka Qaahira oo ay si wadajir ah uga soo wada qayb galeen,islamarkaana iyadoo wada jooga sawiro noogu soo direen, tani waxay muujineysaa in wax dhibaato ah aysan dhex oolin labadan masuul, balse dad kale ay jeclaan lahaayeen inay isku mashquulaan shaqo iska dhigtaan, madaama ay faaido u arkaan.

Waxaa farxad ah in Soomaaliya ay muhiim u leedahay in xiriirada caalamka dad ugu jiraan,islamarkaana xiriirada ay u arkaan faaido arinkaasi, hadii ay iska kaashadaan waxyaabo badana waxaan hubaa faaidada ka soo baxdo in wadanka ay u tahey horumar iyo wanaag, islamarkaana waxyaabo badan horumar laga sameyn karo oo markii hore adkaan lahaa.

Eng.Baana iyo Xoghaye Siciid Faarax waxaa muhiim inay meel iska dhigaan qaladkii hore soo dhacey maanta wixii ka dambeeya ay ka shaqeeyaan sidii loogu faaideyn lahaa dhalinyarada kubadda koleyga iyo macalimiinta ku howlan soo saarista iyo diyaarinta jiilka qaranka matali doono mustaqbalka, marka xiga waxaan jeclaan lahaa in umadda aragto iyagoo wada socdo oo ka wada shaqeynaaya howlaha horyaal isboortiga wadanka, waxaa ceeb ah in ajanabi wadamadood ka matalaya FIBA Afrika inaan isku dacweyno, xumaanteena u gudbino, la soco adiga markasto Soomaali baa u tahey adinka iskala saara hadaad rabto, tusaale u soo qaado dhawaan waxa ka dhacaya Nairobi.Gaarisa iyo South Afrika xasuuq loo geystey dad Soomaaliyeed, sababtuna waxaa weeye waa Soomaali, dambi ay galeen oo aan ka aheyn inay Soomaali yihiin ma jirto, qof ka qabanaya ma jirto iyo dowlad ka daafici karta, marka dadkii Qurbaha soo gaarey ka faaideystey inay hadane ku mashquulaan waxaan meel dheer jirin uma arko wax qiimo leh oo waqti lagu sii dhumiyo.

Dhanka kale dadka waxaa fiican inay sharciyada caalamka soo bartaan ku shaqeeyo, sababtana waxaa waaye Eng. Baana hada waa ka soo gudbey in la ciilo madaama uu xubin ka noqdey FIBA Afrika waxay ila tahey inaan waqti dambe lagu luminin, waayo safarka iyo shirarka inuu ka qayb galo Baana waxay u tahey sahal, marka hadii GOS ku fekeraan XSKK iyo Siciid Faarax ku mashquuliya si indhaha dadka isboortiga u arkin afduubka ay ku hayaan xiriirada iyo isboortiga dalka waxay ila tahey ma noqoneyso mid sii shaqeynaya, waayo shirkaan ayaa lagu kale baxay oo qof walbo shaqadiisa lagu kale arkey, mana ahan wax shaqo isku leh, iyagana waxaa laga rabaa is aqbalaan isna ixtiramaan hada kadib.

Eng.Baana waxaan u rajeynayaa shaqo wanaagsan iyo inuu ku fekero wadanka gacan siiyo, halka Xoghayahana laga rabo inuu howlihiisa si caadi ah u guto insha Allah, docda kale waxaa meesha ka soo baxdey sida wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada dalka Masar howsha marti galinta iyo nidaamka shirka ku biloowdey kuna soo gabagaboobey masuuliyadeeda ka qaateen hogaaminteeda, inkasto FIBA Afrika iyo wadamada ka tirsan xiriiradooda ay shaqadooda ku wateen sidii nidaamka ahaa, marka anaga maxaa noo diidey in dowlada iyo xiriirada wada shaqeeyaan, halka GOS aan su'aalayo maxay shirka uga qayb gali waayeen FIBA Afrika,madaama ay sheegtaan inay yihiin hay'adda ugu sareyso isboortiga dalka Soomaaliya, xiriiradana ay hoos yimadaan?.

Shabakada turxaanbixinta inta doorashada laga gaarayo waxaan diirada saari doonaa tashkiilinta xiriirada iyo bulshada isboortiga ah si aan u barno nidaamka iyo sharciyada isboortiga ay ku shaqeeyaan xiriirada isboortiga dhan, waayo xiriirada iyagaa doorta GOS, GOS-na waxaa loo sheegayaa inay u hogaansanto dastuurka isboortiga dalka u degsan oo ay ka soo baxaan howlaha marka laga qayb galaayo cayaaraha Olambikada Aduunka iyo kan Afrika.

Qormadeyda todobaadka waxaan ku soo gunaanadayaa cinwaanka kor ku xusan oo aan ku daarayo, waa lama huraanee, hagarli wax ugu qabo, heybad waxaad ku leedahay dalkaada hooyo..

By Yusuf Mohamed Abdi Yusuf




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line