• Hambalyo dhallinta cuslaatay ee Virginia iyo Atlanta

Tartankii cayaaraha ee loogu magacdaray Thanksgiving day ayaa habeenimadii ay taariikhdu ku beegnayd 12/31/2014 si xamaasad badan loogu soo gabagabeeyay garoonka k/koleyga ee Atlanta , iyada oo ay xusid mudan tahay in sannadkan cayaaraha ay ka soo qaybgaleen tiro faro badan oo ka mid ahaa cayaartooydii cuslaatay ee barisamaadkii ka qayb qaadan jiray noocyada ciyaareed ee k/cagta, k/koleyga gabdho iyo wiilal ,teeniska dheer, cayaaraha fudud, macallimiintii naadiyada, garsoorayaal,iyo mas’uuliyiintii naadiyada intuba isugu jiray, sidoo kale waxaa tartanka ka qayb qaadanayey dhallinta yaryar oo iyaguna ku baratamayay cayaarta k/cagta kuwaasi oo iyaguna aad u soo jiitay indhaha daawadayaashii sida joogtada ah uga soo qayb galayay daawashada ciyaarahaasi.

Ciyaarahan oo sanad kastaaba la qabto ayaa waxaa la isaga yimaadaa North America oo idil, waxaana uu ka mid yahay isu imaatinka ugu weyn oo ay isku arkaan halgamayaashii isboortiga ee barisamaadka iyo dhalinta qurbaha ku koraysa ee ku hawlan horumarinta isboortiga, waxaana mahaddaasi iska leh guddiga Isboortiga ee Atlanta oo iyagu dhexda u xirtay inay sannad kastaaba waqtigooda qaaliga ah u huraan qabashada tartankaasi.

Haddaba tartankaasi oo scday saddex maalmood oo xiriir ah ayaa dhanka kubadda cagta waxaa ka qayb qaadanayay lix kooxood oo kala ahaa: Ohio, Atlanta Stars , Atlanta Midnimo ,Virgina, Charlotte,iyo Minnesota , waxaana ciyaartii kama dambaysta ahayd isugu soo haray charlotte iyo Virginia... Ciyaartaasi oo loo saadaalinayay in ay guulaysanayaan Charlotte oo ay ku jireen tiro dhallinyaro ah oo da’doodu ay yarayd ayeysan u rumoobin riyadooda, waxaana dhallinta cuslaatay ee Virginia oo uu hogaaminayay Khabiir isboorti Khaliif Shire Muuse (Khaliif Riiko), ay afka ciida u dareen kooxda Charlotte waxaana ciyaartaasi ay ku soo idlaatay 5 gool oo guushu ay ku raacday Virginia,halka kooxda charlotte ay ka keensadeen 3 gool.

Dhanka Kubadda Koleyga ayaa iyaguna cayaarahaasi waxaa ka qayb qaadanayey cayaartoydii cuslaatay oo ka kala yimid Ottawa, Toronto, Minnesota, Virginia, Seattle Washington,Atlanta,Vancouver, Waxaana loo kala saaray labo kooxood oo ku cayaarayay Minnesota iyo Atlanta…Cayaarahan oo la cayaaray 2 habeen ayaa guushii ay kala qaybsadeen labada kooxood oo kooxba habeen dhulka lagu jiiday, hase yeeshee markii la isku celceliyay dhibcahii la kala dhaliyay ayaa kooxda Atlanta ay sannadkan 2014 ku guulaysteen tartankii dhallinta cuslaatay ee K/koleyga.

Dhanka caruurta yaryar ee K/cagta oo iyagu kala ahaa U8 iyo U12 ayaa waxaa ku tartamayay saddex kooxood oo kala ahaa Ohio youth, Minnesota Sayec iyo Jubba oo aheyd koox ka socotay Atlanta, waxaana dhallinyaradan da’yarta ay soo bandhigeen cayaaro aad loo jeclaystay, aadna u farsamo sarreysay.

Ugu dambayntii,mas’uuliyiintii kala duwanayd ee halkaasi isugu timid waxaa ay hambalyo u direen dhammaanba kooxihii tartanka ku guulaystay ee Virginia iyo Atlanta iyo caruurtii yaryareyd oo iyaguna halkaasi ku tartamay, sidoo kalena waxaa ay halkaasi hambalyo iyo bogaadin uga gudbiyeen Jaaliyadda Soomaalida ee Atlanta iyo guddoomiyahooda Cumar Shiikhey iyo gudiga isboortiga ee Atlanta oo ay hor kacayeen Aweys Fuundi,Ali Osmaan, Caydiid Jeenyo,Jaamac Aadan (Jaamacey), Cabdirisaaq Ali Aar(Mataan), Cabdirashiid Balaastiko,Cabdikaafi, Cali Bay, Cali Yuusuf,Sidoo kalena waxaa iyaguna kaalin weyn iyo waxqabad wanaagsan muujiyey C/rashiid Dheere.C/qani Abuu, iyo Dhaaleey.

Diyaariye:Shiikha
 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line