• Koobka Maalinta Nabadda Ee Hamilton

     

Waxaa magaalada Hamilton si rasmi ah uga furmayo hor yaalka cayaaraha kubadda cagta,
Sanadka 2012-2013 ee dhalinyarada da’doodu ka hooseeyso 18 jirka , koobkaan ayaa loogu magic daray, MAALINTA NABDDA.
Tartankaan waxa ka soo qeeybgelayo afar kooxood oo kal ah:

  1. HORSEED   2- JEENYO 3 HAMILTON 4 MUGDISHO

Waayahana danbe waxay dhalinyarada ku nool Hamilton ee waddanka Canada ka gaareen kubadda cagta hurumar aad u wanaagsan, anshax iyo isku duubni wadajir ah oo aay muujiyeen dhalinyaradaas iyo waalidiintooda, taasoo keentay in aay sameeystaan tartan noocaan oo kale.

Anigoo ah Tababare Cabdulqaadir Yuul ahna qoraaga iyo fikradda abaabulkaan cayaareed aay waxaan u arkaa tani ney tahay mid noqon karta horumar aad u wanaagsan, hawal la qabtaana waxa ugu wanaagsan tan wadajir loo qabto si ubadkeena mustaqbal wanaagsan ay ugu gaaraan waddankaan aan ku nool nahay ee Canada.

Waxan si gaar ah mahad ugu soo jeedinayaa Coach faadumo Maxumed Cali oo ah hooyadii abaabushay kooxda Hamilton lions oo soo qaadatay sanadkaan seddex koob oo waaweyn.

Horumarkaan iyo mirahan macaanta badan ee la gaaray maanta ayaa waxana oron karaa waa hooyo geesinimo iyo dhabar adayag muujisay, haddii wanaagan manta aan haaysano ayada aysan ahayn lama heli lahayn, waxana ku leeyahay alaha kaa dhigo tii jirto oo joogto.

 Haddaba tartankaan waxa uu ka furmi doonaa garoonka indoorka ee dugsiga sarre Sir John A.Macdonald (S J A M) Hamilton Canada.

 Cayaarahan waxay dhici doonaan isbuucii hal mar waana maalinta sabtiga ah saacadda 7:00 fiidnimo waxayna soconeeysaa cayaarta nus saaca.

Haddaba waxan ka codsanayaa waalidiinta iyo inta jecel cayaaraha in aay ka soo qeeyb galaan daawashada cayaarahan horyaaalka ah, isku aadka kooxahaan dib ayaan idinkuugu soo sheegi doonaa hadduu alla idmo.

Eid-Al-Adha Cup

Sidoo kale waxaan Maalitna Khamiista oo ay bishu tahay October 25,2012 ayaa waxaan qaban doonaa koob aan ugu talo galnay in lagu maasmuso Eid-Al-Adha. Kooban ayaa waxaa wada ciyaari doonaa kooxda Horseed iyo Muqdisho

W/D Cabduqladir Yuul




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line