• Xilliga la qabanayo Cayaaraha Soomaalida ee HIRDA AFT Amsterdam oo la shaaciyay

Hey'adda HIRDA ee fadhigeedu yahay Magaalada Amsterdam ee dalka Holland ayaa sanadkii 2-jeer qabata Tartamo Cayareed Isboorti oo isugu jira Kubada Cagta, Futselka iyo Kubada Koleyga, iyadoona tartamadaas ay dhacaan Xilliyada Kuleelaha (Summer) iyo Xilliga Qaboobaha (Winter), waxaana xilligaan la isku diyaarinaya Tartanka Xiisaha Badan ee sanad waliba Bisha December ka dhaca Magaalada Amsterdam ee dalka Holland.

Tartankaan oo ah mid dhinaca Wiilasha ay ku tartamaan cayarta Futselka, Halka Gabdhaha ay ku Tartamaan Cayaarta Kubada Koleyga, ayaa waxaa ka qeyb gala Kooxo kala gedisan oo ka kala yimaada Jaaliyadaha kala gedisan ee wadamada qaarada Yurub, iyadoona Hey'adda HIRDA ay shaacisay in tartankaan uu dhici doono 20, 21, 22 December 2013.

Sanadkaan ayaa la filaya in uu wax weyn kaga duwanaado sanadihii hore ee Tartanka HIRDA AFT , iyadoona sanadkaan uu yahay Sanadkii 9-aad ee Cayaaraha HIRDA AFT, waxaana la filayaa in ay tartanka kasoo qeyb galaan marka dhinaca Kooxaha Wiilasha laga reebo illaa iyo 3-kooxood oo Gabdho Kubada Koleyga Soomaaliyeed ah, iyadoona dhinaca Wiilasha Futselka la filayo in ay kasoo qeyb galaan illaa iyo 24-kooxood oo ka kala socda jaaliyadaha kala gedisan ee Wadamada Qaarada Yurub.

Madaxda Hey'adda HIRDA ayaa shaaciyay in Kooxaha ka qeyb galaya Tartankaan ay fursad is diiwaan gelin heystaan illaa iyo 10 November 2013, xilligaas oo uu ku egyahay is qorista kooxaha. waxa ayna kooxaha iska diiwaan gelin karaan Bogga Cayaaraha Hirda ee http://amsterdam-tournament.hirda.nl/index.php/inschrijven/ Fanaaniin Caan ah, Cayaartoy Magac ku leh Isboortiga Soomaaliya, Madax Isboorti iyo Marti-sharaf kale ayaa kasoo qeyb gali doona Tartanka inta uu socdo.

W/D Salah Dheere



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line