Home|


Taariikhda Kooxda Horseed

<
Horseed (Stadium Muqdisho 1979)

Sannadihii lexdameeyadii ayaa waxaa jiray laba kooxood oo la oran jiray Xooga iyo Booliska . kooxda Booliska ciyaartooydii u ciyaari jirtay waxaa ka mid ahaa : Saciid Ducaale, Scott, Killer, Xassan Bani, Kabey,Saciid Ismaciil,Conka,Xuuti, Jeylani Khaliif ,Cabdi Kuus iyo qaar kale. Tababarena waxaa u ahaa Cabdixamiid.
Halka cayaartooyda kooxda Xooggana ay ka midka ahayeen: Ismaciil Gariile, Ibrahim Sudani, Xersi Wadi, Cismaaney, Suleyman Qambi, Muuse Qaambi,Caamir Cali Mansuur(KabtankaKooxda), Camey,Khalifani, Anwar Abkow, Axmed Yare Maxamud C. Jaamac, Batuun, iyo qaar kale. Tababarena waxaa u ahaa Ibrahim Waaberi.
Haddaba waxaa dhici jirtay in markii ay wada ciyaarayaan labadaan kooxood, ay rabshado badan dhici jirtay , iyadoo ay iska hor imaan jireen ciidamadda xooga iyo kuwa booliska.
Markii uu dhashay Kacaanka sannadkii 1969kii ayaa si looga hortago iska horimaadkan labadan ciidan, ayaa waxaa ay dowladdu go'aansatay in lesku daro cayaartooyda labadan kooxood, islamarkaana laga beddelo magaca. Iyadoo loo bixiyay 21 October iyo Independence. In yar ka dibna ayaa haddna laga beddelay magacyadan. Waayo taageerayaasha Indepence ayaa waxay dhihi jireen ha dhoco 21 Ocobar, Dawladduna arrintaasi ma jecleysan. Sidaa ayaan labdan kooxood loogu bixiyaya Dirir iyo Bakool. Nasiib darro tan xal ma noqon waayo cayaartooydii hore ugu tirsanaa kooxda Booliska sida Jeylaani Khaliiif, Scott, Ducaale iyo Killer ayaa isugu yimid kooxda Bakool iyagoo hore ugu tirsanaa kooxda Booliska. Sidaa awgeed boolisku waxay taageere uu noqdeen kooxda Bakool. Sidoo kale Ismaciil Gariile iyo cayaartooy kale oo hore ugu tirsanaa xooga ayaa iyaguna noqday Dirir. Sidaa darteet aya xooggana u arkeen in ay taageeraan kooxda Dirir .Haddaba xalka keliya ee lagaga hortagi karo iska horimaadka ciidamada Xoogga iyo Booliska ayaa loo arkay in ay tahay in lesku daro labada koox ee Dirir iyo Bakool lagana dhigo hal koox oo keliya . Sidaa ayaana Sannadkii 1970kii lagu aas'aasay kooxda Horseed oo ka koobneyd cayaartooydii kooxda Bakool iyo kuwa Dirir. Tababareyashii ugu horeeyey ee kooxdan waxey ahayeen Cabdixamiid iyo Ibraahim Waaberi. Cayaartooydii lagu aas-aasay kooxda waxaa ka mid ahaa Ibrahim Sudani, Saciid Du'caale, Ismaciil Garile, Skoot(Scott) Jeylaani Khaliif, Coonka, Xuuti, kabey, Xassan Bani, Cusmaney, Caamir, Cabdallini, Axmed Yare, Saleymaan Qambi, Saciid Ismaciil, Killer, Khalifani, Saciid Sunkar, Cabdi Kuus iyo qaar kale.
Kooxda Horseed ayaa islamarkiiba waxay ka mid noqotay kooxihii ugu awooda badnaa ee dalka Soomaaliya. Iyadoo weliba caan ka noqotay waddamada Africa iyo Carabta.
Kooxdan waxay dalka ku lahayd taageerayaal aad u fara badan. Taageereyaasheedi ugu caansanaa waxaa ka m id ah: Cabdalla, Sanyare, Khaadiri, Cumar Gheedi, Madaxey oo markuu garoonka soo galo la dareemi jiray, Cabdow Jiis oo isaga gaarigiisa ku qoray Cawo Iyo Maalin Horseed.
Horseed waxa ay soo saartay cayaartoy ka mid ah cayaartoydii ugu caansanayd ama ugu magaca waynaa xagga kubadda cagta dalkeena sida Saciid Ducaale, Jeylaani Khaliif, Scott, Killer,Cali Gurey,Khalifaani ,Ibrahim Shaash, Cafiif,Maxamed Ismaciil, Xamaama, Biyooleey, Macallim Khaliif, Aways Fuundi, Burci,Saciid Cayrow,Cabdilatiif, Shaarkey, Cuamra Ghede, Awees Elder, Cabdinaasir, iyo qaar kale oo aan la soo koobi kareyn.
Guulihii ay soo hooysay kooxda Horseed
Hoorseed waxay ku guuleysatay horyaalka Soomaaliya laba jeer oo isku xigta sannadihii 1971/72 iyo 1972/73. Haddana Affar jeer oo isku xiga kuwaasi oo kala ah sannadihii: 1976/1977, 1977/1978, 1978/1979 iyo 1979/1980. Kooxdan waxay kaloo ku guuleysaty 3 jeer koobka Jeneraal Da’uud. Iyadoo weliba hantiday koobkii ugu horeeyay ee Jeneraal Da’uud.
Sannadkii 1976 ayey sidoo kale ku guuleysatay Koobkii Militeriga oo ay ka soo qeybgaleen Kooxo ka kala socday Aljeria iyo Yemen, Horseed iyo Munishiibiyo(Municipio) oo iyaguna ka socday Soomaaliay.
Sannadkii 1977 Horseed waxey ku guuleysatay kaalinta 2aad ciyaarihii East and Central Africa iyadoo ciyaartii finalka si dirqi ah kooxda Gormahia ay 2-1 kaga badisay.
Sannadkii 1978 waxey soo gaareen semifinalka East and Central Africa Cup oo lagu qabtay Ugandha. Iyo 1979 oo lagu qabtay Soomaaliya.
Qaar ka mid ah tababareyaashii iyo cayaartooydii hore ee kooxda Horseed ayaa amminsan in horumarka ay gaartay kooxdan uu gacan weyn ka geestay Maxamed Cali Samatar.


Kooxda Xooga 1969

W/D Mohamed Busuri

mbusuri@sosca.ca