• Horseed Oo Ku Guuleysatay Eid Cup 2012

     

Waxa groonka dugsiga sare ee sir John A.McDonald ee magaalada  Hamilton dalka Canada ku wada ciyaaray labada kooxood ee Horseed iyo Muqdisho.


Labadan kooxood oo ku tartamayay koobka Ciid Al Adha ayaa halkaas ku soo bandhigay cayaar aad u kulul,oo tiknikadeedu aay aad u sareeyso,

Dadkweynihii ka soo qeybgalay ciyaartan ayaa aad ugu riyaaqeen habka aay iskula helayeen baaska, labada kooxood.

Wixii weerar iyo weerar celis leesku hayaba ayaa 13 kii daqiiqo ee ugu horeeysay gool ku hormaray kooxada hoorseed oo uu u dhaliyey laacibka qadka dhexe ugu ciyaara ee la yiraahdo Ayoow.

Qeeybtii hore waxa lagu kala baxay 1 iyo 0.

Markii leeysugu soo noqday qeeybtii labaad ayaa waxa dar dar culus la soo galay kooxda Muqdisho iyagoo halkaasi ku helay Rigoore "Penalty".

Rigoorahan ayaa waxaa gool ku hubsaday laacibka Muqdisho ugu ciyaara difaaca Maslax.

Runtii goolal badan oo aay dhalin kareeyn kooxda Muqdisho ayaa waxa u diidaya difaaca Horseed gaar ahaan wiilka la yiraahdo Xasan Turki oo ay mari wayeen.

Kooxda Muqdisho oo cayartoodu ay aad u sareeysay dhinaca isku dhiibka kubadda ayaa waxa taasi dharbaaxo kulal kaga hortagay kooxda horseed oo daqiiqadihii u danbeey ay dhaliyeen laba gool.

Goolashan ayaa waxaa u kala dhaliyey Ayoow iyo Sharma'arke oo maalmahan dambe la soo baxay farsamo aad u sareeysa .

Ciyaartan ayaa ku dhamaatay 3-1 oo aay guushau ku raacday kooxda Horseed, iyagoo halkaasi lagu gudonsiiya Eid Al-Adha Cup 2012

W/D Cabdulqaadir yuul

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line