• ILAAHAYOW I KICI OO HA I KALA REEBIN !!

Ku: Guddoomiyaha ururka SSIFO.
OG: Guddoomiye ku xigeenka ururka SSIFO.
OG: Xoghaynta ururka SSIFO.
OG: Guddoomiyaha Dhaqaalaha ururka SSIFO.
OG:Madaxa ururka Haweenka SSIFO.

Maalinimadii ay taariikhdu ku aadanayd 05 April/2009, waxaa xarunta ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota (SYDOM),lagu qabtay shir ballaaran oo ay ka soo qayb-galeen xubnaha sare guddiga fulinta ee ururka.

Shirkaasi isaga ah ayaa lagu dhagaystay laguna falanqeeyay warbixino ay soo jeediyeen Macallimiinta qaranka ee dhawaanahan uu soo magacaabay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga C/qaadir Xaaji Daahir (Shiikha) iyo Axmed Daahir Axmed ,waxaana looga hadlay arrimo faro badan oo ay ka mid ahaayeen:

.Ciyaarihii Diasporada ee lagu qabtay Jabuuti iyo natiijooyinkii ka soo baxay.

.U diyaargarowga ciyaaraha toddobaadka Soomaalida ee Minnesota (Somali National week).

Casuumadaha u yaalla kooxaha Kubbadda koleyga ee Minnesota .

Ururka SSIFO maamulkiisa ku sugan Uk , iyo qaar ka tirsan xubnihiisa oo iyagu Marin habaabiyay hadafkii loo abuuray ururka oo ahaa horumarinta kubadda Koleyga Soomaaliyeed.

Ugu Horrayntii waxaa halkaasi lagu dhagaystay warbixin dheer ay soo diyaariyeen macallimiintii xulka qaranka oo iyagu ka qayb galay ciyaarihii saaxiibtinimo ee ka dhacay dalkaasi Jabuuti kaasoo magaca ururka SYDOM ay uga qaybgaleen ciyaartooy ka socotay gobolka Minnesota oo iyagu casuumaad ka helay ururka Somali Diaspora ee ka dhisan London.

Dhallinyaradii ka qayb gashay cayaarahaasi waxaa ay soo bandhigeen cayaaro xiiso badan oo aad u raalli galisay dadweynihii cayaarahaasi daawananay..Labo ciyaarood ayay la yeesheen kooxda qaranka jabuuti iyo koox ka tirsanayd heerka 1aad, labadii cayaaroodba waa ay ku guulaysteen, waxaana loo soo jeediyay hambalyo ku aadan ciyaar wanaaggii ay soo jeediyeen.

Dhanka kale waxaa iyaduna ahayd guul aad u wayn, iyadoo dhallinyaradii ka socotay gobolka Minnesota ay halkaasi ku soo arkaan dhaqanka reer jabuuti oo Soomaali ahaan ay aad isugu dhaw yihiin, wax wayna ay ka soo kororsadeen inay arkaan bulshad soomaaliyeed ee jabuuti noloshooda iyo dhaqankooda intaba.

Toddobaadka cayaaraha soomaalida (Somali national week) oo nagu soo fool leh ayuu guddiga isla gartay in loo diyaargaroobo cayaarahaasi oo tartamo K/koleyga loo qabto caruurta da'doodu u dhaxayso 8 sano ilaa 16 sano.

Sidoo kale waxaa halkaasi lagu soo bandhigay casuumaad tartan kubadda koleyga oo ururka uga timid ururka la magac baxay SOMBAS Sweden,waxaana xubnihii guddiga ay go'aamiyeen in cayaarahaasi oo ka dhici doona Sweden inta u dhaxaysa July 15keeda ilaa 28 keeda si midaysan looga qay-galo iyada oo laga jawaabayo casuumaddaasi qiimaha ay xambaarsan tahay.

Ugu dambayntii waxaa halkaasi lagu lafa guray arrimaha ururka SSIFO iyo aflagaadada aan loo meel dayin ee lagula kacay macallimiinta Cusub ee xulka qaranka C/qaadir Xaaji Daahir (Shiikha), iyo Axmed Daahir Axmed iyada oo la adeegsaday qaabab aad u foolxun oo aan ku habboonayn asluubta isboortiga Iyada oo ay ummadda Soomaaliyeed ka wada dharagsan tahay kaalintii macallinimo iyo xubinimadii xulalka qaranka ee cayaartoynimo oo ay dadkaasi ku lahaayeen horumarinta kubadda koleyga. Waxaana ujeedadu ay ahayd oo kaliya inaan qaranka Soomaaliyeed waxba loo qaban.

Dood dheer oo xubnihii guddiga ay ka yeesheen arrintaasi ka dib, waxaa la isla go'aansaday in Ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota (USA),gabi ahaanba uu kalsoonidii kala noqday ururka SSIFO (Somali Sports International Friendship Organization), oo ay ku midaysnaayeen ururada Europe, iyo North Amerika.

Waxaa kale oo uu ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota (Somali Youth Development Organization In Minnesota, SYDOM) uu isla go'aansaday:

 1) Taageeridda iyo Taakulaynta xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga iyo kan Olimbikada.

2) Horumarinta iyo sare u qaadida kubadda koleyga Soomaaliyeed gudaha iyo Dibaddaba, iyada oo hiil iyo hooba loo fidinayo cayaartooyda Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka.

3)Abuuritaanka cayaartooy d'a yar oo mustaqbalka matasha qaranka Soomaaliyeed.

Talo:Waxaan talo ku soo jeedinaynaa in dhammaan bahwaynta isboortiga soomaaliyeed oo looga bartay anshax iyo asluub , bulshada soomaaliyeedna ay u aragto kuwa ugu macquulsan  19 kii sano ee la soo dhaafay,ay nadiif ka ahaadaan hadalada aan looga baran ee micna darada loogu hadlayo.
Ururka SYDOM, wuxuu xushmad iyo qadarin u hayaa xubnihii ku midoobay ururka SSIFO, wuxuuna mar kasta tixgalinayaa oo qadarinayaa talooyinkooda wanaagsan ee ku aadan arrintan. 
 

Bayaankan isaga ah waxaa ku saxiixnaa guddiga fulinta ee ururka oo kala ah:

Cabdi Cali Macallin

Cabdulqaadir Xaaji Daahir(Shiikha)

Axmed Daahir Axmed

Idiris ibraahim Suleymaan

C/qaadir Yuusuf Ciise(Madaxey)

Maxamuud Ciise Faarax

Abuukar Bakar

Deeqo Cawil Axmed

Nimco Axmed Maxamed

Xaawo Cumar Cali (Xaawo Hiiraan)

Gani Xasan Nuur iyo

Fartuun Maxamed Cismaan ( Cali dheere)

Cabdi Cali Macallin (Board Chairman)

Guddoomiyaha Guddiga sare ee Ururka Somali Youth Devel. Org in Minnesota (SYDOM)

 

 



 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line

  ;