• Kismayo-CUP oo si rasmi ah uga bilowdey garoonka Waamo oo dayactir lagu sameeyey

Dadweyne aad u tiro badan ayaa kasoo qeybgaley daawashada xafladii furitaanka iyo kulankii koobaad ee koobka xaafadaha degmada KISMAAYO ee xarunta Jubada hoose,halkaasi oo sidoo kale qaar kamida madaxda hey’adaha Sportiga dalka ay goob joog u ahaayeen.


Tartanka oo ay soo agaasimeen Maamulka Ciyaaraha ee gobolka Jubadda Hoose oo gacan ka helaya Madaxda GOS ayaa waxaa ka qeybgalaya ilaa 5 kooxood oo ka kala socda xaafadaha degmadaasi,iyadoo dhamaan 5ta kooxoodba ay lebiskooda kusoo bandhigeen garoonka,taasi oo soo jiidatey daawadayaashii.


Sidoo kale waxaa bar bar socdey ciyaaryahano qeybta ciyaaraha fudud ee orodka ku tartamayey,waxaana KISMAAYO ku sugan wafdi GOS ay hogaamineyso oo isugu jira Macalimiin qeybta Tababarada,Khabiir Kubadda cagta,khabiir Ciyaaraha Fudud iyo waaxda warbaahinta ee Olombikada,


Furitaankii KISMAYO CUP ayaa waxaa ka Hadley Gudoomiyaha,iyo Xoghayaha kubadda cagta ee J/hoose oo si weyn ugu bahadceliyey heyadda ugu sareysa Sportiga dalka ee GOS kaalinta qalabeynta iyo tababarada ay gobolka ku dhiirogelisey,iyagoo ciyaaryahanada u sheegay in laga xuli doono xidigaha Gobolka meteli doona.


Xoghayaha GOS Duraan Faarax ayaa si weyn ugu mahad celiyey bahda sportiga Gobolka gaar ahaan Ciyaaryahanadii hore,maamulka degmada,kan Sportiga iyo hey’adda gacanta ka geeysatey dhismaha iyo dayactirka garoonka ugu weeyn gobolka ee WAAMO.


“Gudiga Olombikadu wey dhiiri gelineysaa dhamaan maamul ilaa ciyaartoy waxaadna nasiib u yeelateen in maalinta uu furmayo koobka aduunka ee 12ka bisha Juun uu idin bilowdey tartanka waxaad ogaataan in ciyaaryahankii kasoo muuqda halkan uu gaari doono heer Xulka qaranka u ciyaaro”ayuu ku dhiiri geliyey xoghayuhu.


Khabiirka dhinaca garsoorka Xasan M.maxamuud X/farey oo ah kaaliyaha xoghayaha XSKC ayaa isaguna dhamaan kooxaha iyo ciyaartoyda kula dardaarmey asluub wanaag iyo in la ilaaliyo waqtiga ay ciyaartu bilaabaneyso ee jadwalka ku qoran.


Waxaa halkaasi kulankii ugu horeeyey fooda isku darey Kooxaha CALANLEEY iyo SHAQAALAHA kulankooda oo ahaa mid adag ayaa waxaa qeybtii hore lagu kala nasty bar baro 1-1,markii lasoo laabtayse kooxda SHAQAALAHA ayaa gool labaad keensatey,iyadoo 10 daqiiqo keliya ka harsaneyd dhamaadka ayaa gool ku laad ay heleen CALANLEEY waxaa ka qasaariyey kabtankooda,hase yeeshee daqiiqadii ugu danbeeysay ayaa LAAD TOOS ah oo ay heleen CALANLEEY kaga dhigeen natiijada 2-2.


Waxaana kadib loo dhigey Gool ku laadyo maadaama kooxdii laga badiyaa ay hareysay waxaana 4-2 guushu ku raacdey CALANLEEY.
C/Xafiid Zaciimka

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line