• Ciyaarihii Kismayo

     

Akhristayaasha qiimaha lahoow waxaad halkan ka arkeysaan garoonkii kubadda cagta ee Waamo Stadium ee gobolka Jubbada Hoose gaar ahaana magaalada Kismayo.Waxaa ka muuqda burbur aad u baahsan oo dhamaanba saameeyay dhismihii garoonka uu ka koobnaa wareegii darbigii weynaa ee ku wareegsanaa tarabuunkii ay dadweynuhu fadhiisan jireen iyo waliba albaabkii waaweynaa ee laga soo gali jiray garoonka. Iyadoo haddaba uu burburkaasi weyn asiibay garoonka ayeey haddana bahda isboorti ee heer gobol iyo mid degmaba wali ka quusan in ay ciyaaraha ku sii wadaan oo waliba tartamo koobab lagu qabto.

Mar dhow waxaa magaaladda Kismayo ka bilowday tartamo lagu kala saarayay kooxaha ka dhisan magaaladda kuwaasoo looga gol lahaa in loogu kala qeybiyo kooxaha heerka koowaad iyo kuwa heerka labaad. Waxaana tartamadaasi lagu kala saaray lix iyo toban naadi kuwaasoo u kala qeybsamay siddeed kooxood oo ka ciyaara heerka koowaad iyo siddeed ka ciyaara heerka labaad. Hadda waxaa si habsami leh u socda tartanka kooxaha heerka koowaad.

Mar aan Jimcihii booqday garoonka ayaa waxaa ka socotay ciyaar adag oo dhexmaraysay labada naadi ee kala ah HIMILO iyo WAKAALADDA kuwaasoo ka wada dhisan xaafadda Faanoole. Ciyaarta labaddan naadi dhexmartay ayaa waxay ahayd mid lagu soo gabagabaynayay tartankaasi socday afartaasi bilood. Ciyaarta ayaa waxay ku bilaabatay weerar iyo weerar celin ay is dhaafsanayaan labadda kooxood taasoo qaybtii hore ee ciyaarta ay ku soo idlaatay eber iyo eber. Qaybtii labaad markii la isugu soo noqday ayeey labadda naadiba wax isula harin waxayna gabi ahaanba ku dhammaatay isla eber iyo eberkii. Waqtigii dheeriga ahaa ee lagu darayna labada naadi nasiibku wuu saacidi waayay. Waxaana lagu kala baxay rigoorayaal taasoo SHAN iyo SADDEX ay guushu ku raacday naadiga HIMILO.

Mar aan wax ka waydiiyay habsami u socodka tartanka ayaa Mudane Axmed Farax Taqal "TimoJilic" oo ah xoghayaha Xiriirka Kubadda Cagta ee gobolka waxa uu ii sheegay in ay hadda soo gabagabaynayaan Heerka Koowaad iyagoo tartanka xigana ay billaabi doonaan Tartanka Heerka Labaad. Sidoo kale waxaa ku sugnaa garoonka Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Gobolka Mudane Cabdulaahi Ducaale "BIG" ayaa isagana waxaa uu tibaaxay in ay u baahan yihiin taageero ay la soo garab istaagaan bahwayntii ciyaaraha ee Gobolka.


Mudane BIG ayaa sheegay in ay ciyaaraha ku wadaan garoon eber ah. Waxaa xusid mudan Dr. Abdisamed Haji Abiikar iyo Macalin Saanjo oo runtii ah laf dhabarta Sport ga Gobolka. Waxaan mahad gaar ah u soo jeedinaynaa akhyaarta Sport ga ee dibadaha ee ka qayb qaatay taakuleynta ciyaarahan.

Maalin kasta ayaa waxaa daawashada ciyaaraha isugu taga dadweyne aad u fara badan oo kala taageera haddaba labadda naadi ee garoonka ku jirta. Kubadda Cagta ayaa hadda ah tartanka kaliya ee ka socda Kismayo iyadoo gabi ahaanba aan la hadal hayn tartanadii kale ee kala duwanaa sida tartanadii kubadda Koleyga, Laliska, Dabaasha, Miiska, Tennis ka, Feerka, Lagdinta, Fudud, iwm.

Waxaa Diyaariyey,

Mohamed Deeq Abdiwahab

Xiddigaha-Kismayu-Jubbaland

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line