• Soomaaliya oo dib ugusoo laabatay Fagaarayaaha Kubada Laliska

Waxaa sii korordhay rajada laga qabo in Soomalaiya ay soo ceshato awoodii ay ku dhex lahayd kubada laliska caalamka kaddib markii xiriirka Soomalaiyeed ee kubada laliska uu kasoo djhex muuqaday shir weynaha ururka kubada laliska eebariga iyo Bartamaha Afrika markii ugu horeysay tan iyo markii dalku bur biray sanadkii 1991-kii, shirkaas oo ka dhcay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sidaasi waxaa war saxaafadeed uu maanta soo saray kus heegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Laliska Mudane Maxamed Abuukar Xiirey oo xilkaasi loo doortay bishii Maarso ee sanadkan.

Soomalaiya waxaa shirkaas ku matalay guddoomiyaha Xiriirka Soomalaiyeed ee kubada Laliska Injineer Cabdul qaadir Cumar Abuukar oo kulanka ka sheegay in gudigiisa cusubi uu ahmiyad weyn siinayo in kubada laliska hoos lagasoo dhiso.

Xoghayaha guud ee Xiriirka Soomalaiyeed ee kubada Laliska Mudane Maxamed Abuukar Xiirey waxaa uu war saxaafadeedkiisa ku sheegay maanta oo isniin ah in ka qeyb galka shirka noocan oo kale ah ay Soomaaliya u tahay talaabo weyn oo horay loo qaaday maadaamabuu yiri Soomalaiya ay ka maqneyd fagaarayasha kubada laliska caalamka muddo ka badan22 sanadood oo dalku soo maray dagaalo sokeeye kuwii ugu xumaa ee caalamka ka dhacay.

“Marka si loo fiiriyo kubada lalisku way jirtay waxaana jiray dhaq dhaqaaqyo aan sidaa usii xoogbadneyn oo dalka ka socday laakin waxaa Soomalaiya ay ka maqneyd fagaareyaasha caalamka, talaabadan ugu dambeysaay waxaa ay si weyn u farxad gelisay umada Soomaaliyeed oo dhan gaar ahaana taageerayasha kubada Laliska---Tan iyo markii uu gudoomikyeheenu kasoo muuqday shirka CAVB Zone 5 boqolaal dhambaal oo hambalyo ah ayaa xafiiskeena kusoo shubmayay, sababtoo ahshacabka Soomalaiyeed aad ayay ugu faraxsanyihiin dib usoo noqoshada sharaftii kubada laliska ee dalkeenu lahaan jiray”ayuu war saxaafadeedkisa ku yiri xoghayaha guud ee Xiriirka Soomalaiyeed eekubada Laliska Maxamed Abuukar Xiirey.

War saxafadeedka waxaa kaloo lagu xusay intii shirku socday14-15-kii bishan in guddoomikyaha Xiriirka Injineer Cabdul Qaadir Cumar Abuukar uu kulamo kala duwanla yeeshaymadaxdii shiirka kaso qeybgashay oo uu ka mid yahay gudoomiyaha ururka kubada Laliska Qaaarada Afrika Dr.Amr Elwani kuwaasoo dhamaantood balanqaaday inay Soomalaiya ka taageeridoonaandhanka horumarinta kunafarxay dib usoo laabashada Soomaaliya.

“Kaddib talaabadan guusha leh waxaanu qorsheyneynaa in aan ka qeybgalno shir weynahay ururka k ubada Laliska Afrika oo ka furmi doona dalka Masar 9-ka bisha September ee 2014-ka iyo kancaalamiga ah oo isnalagu wado in uu dalka Poland ka furmo 21-ka isla September sanadka dambe”ayuu war saxaafadeedkiisa ku yiri xoghayaha guud ee xoiriirka Soomalaiyeed ee kubada Laliska Mudane Maxamed Abuukar Xiirey maanta oo isniin ah.

War saxaafadeedka waxaakaloo lagu sheegay in xiriirkan dhowr-ka bilood jira ay qorshaha ugu jirto in uu culeyska saaro dib usoo nooleynta kubada Laliska dugsiyada dalka, qabashada horyaalo xoog badan iyo in kubada laliska hoos agasoo dhiso oo caruurta lagu barbaariyo kubada laliska.

Somali Sports Press Association

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line