• Koob lagu taageerayay dowlada cusub ee Soomaaliya oo lagu qabtey wadanka Kuwait

     

Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Kuwait ayaa caawa ciyaar saaxiibtinimo ugu qabatey garoonka Sulibkhat Football Club oo ku yaal duleedka magaalada Kuwait City, ciyaartaas oo ay isaga hor yimadeen koox ka socotey Qurbajoogta reer London (SIYD) iyo Kooxda Jaaliyada Soomaaliyeed ee degan dalka Kuwait.
Safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwait, Danjire Cabdulqaadir Amiin ayaa u sheegay labada kooxood iyo marti sharafkii ka soo qayb galey in koobkan caawa la dheeli doono u yahey mid ay ku muujinayaan taageeradooda dowlada cusub ee Soomaaliya ka dhalatey sida Madaxweynaha, Raisal Wasaaraha, xukumada cusub, Gudoonka Baarlamaanka iyo Golaha shacabka.


Waxaa sharaf noo ah marti sharafka iyo kooxda nooga timid London iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee degan wadankaan in markii labaad aan ku kulano halkaan islamarkaana is dhexgalka labada jaaliyood ee degan Ingiriiska iyo Kuwait uu noqdey mid miro dhala, sidaa daraadeedna caawa koobka aad dheeli doontaan, kooxdii ku guuleysata, waxaan ku bixin doonaa xaflada habeen dambe oo Jimco ah ay safaarada Soomaaliya ugu qabaneyso magaalada Kuwait, xafladaas aan ku aayideyno dowlada cusub ee wadankeena ka dhalatey, waxaan rajeynayaa in ciyaar wanaagsan aad soo bandhigtaan muujisaana walaalnimo iyo kale gacayl Soomaalinimo, waad mahadsan tihiin dhamaantiin ayuu yiri Danjire Amiin

.
Waxaa kale sharaf noo ah in caawa ciyaartaan uu nagala soo qayb galo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Libya Danjire Cabdi Qani M. Waceys iyo qunsulka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Libya mudane Awees Amiin.


Danjire Cabdiqani oo isna wareysi kooban na siiyay ayaa noo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahey ka soo qayb galka munaasabadaan qiimaha badan, islamarkaana uu aad ula dhacey howshatan ay hormuudka ka tahey safaarada Soomaaliya ee ku taal wadankaan Kuwait, waxaa ku nool Soomaali badan dalka Libya, marka anagana waan daneynaynaa inaad halkaas timadaan aragtaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee jooga wadankaan si aad isku barataan waxyaabo badan u kale faaideysataan ayuu yiri danjire Waceys.


Waxaa kale ka soo qayb galey kulankaan odayaasha Soomaaliyeed, culumaadudiinka, haweenka iyo dhalinyarada jaaliyada ku dhaqan dalkaan, kuwaasoo qaarkood meelo fog fog uga yimid inay daawadaan ciyaartaan.


Qunsul Abiib Muuse Faarax oo isna ka mid ahaa masuuliyiintii howshatan gacanta weyn ka geystay ayaa noo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahey kulamada jaaliyada UK & Kuwait dhaxmarayay labadii sanadood ee la soo dhaafey, waxaan jeclahay in sanadaha soo socdo la balaariyo oo aad tagtaan wadamada Qaliijka oo dhan, si isku xirka Soomaalida dibadaha ku nool loo balaariyo ayuu isna yiri, mar aan kula kulaney garoonka ciyaarta ka dhaceysay.


Ciyaartii waxay ku bilaabatey xamaasad weerar iyo weerar celin ay labada kooxood muujinayeen, inkastoo daafaca labada naadi ay muujiyeen dadaal fara badan qaybtii koowaad ee ciyaarta waxay ku soo dhamaatey barbar dhac eber iyo eber.
Ciyaarta waxaa dhex dhaaxidanayay garsoorayaal ka kale socdey labada jaaliyadood, kuwasoo kale ahaa Maxamed Soomaali, Xuseen Abati iyo Cabdullaahi Yusuf.


Qaybtii dambe markii la isku soo laabtey ciyaarta waxaa moodaa in kooxda jaaliyada Kuwait sanadkaan ay qidadooda ay wax badan ka badaleen, marka loo eego ciyaartii sanadkii hore, halka kooxda London tabar daro iga muuqatey badan, hadane markii ay ciyaarta ka hartey wax yar 10 daqiiqo ayay heleen goalkoodii ugu horeeyay, waxaana u dhaliyay ciyaaryahan Romario, halka wax yar kadibna uu goal qurux badan u dhaliyay weeraryahanka ugu qatarsan kooxda SIYD ciyaaryahan Cali Caano, oo run ahaantii 3 ciyaarood ay dheeleen kooxdiisa u saxiixey 5 goal, waxaa kooxda Kuwait ka maqnaa laacibka xulka Qaranka dalka Soomaaliya looga yeeray inuu u dheelo cayaaraha bariga iyo bartamaha Afrika ciyaaryahan Maxamed Al-Hariri.


Daqiiqadii ugu dambeysay kooxda jaaliyada Kuwait waxay heleen rigoore, taasoo goal-hayaha kooxda SIYD ciyaaryahan Kevin aka Keynaan uu ka qabtey weeraryahan Cabdi xakiim Qadar Tubeec, ciyaartiina waxay ku soo dhamaatey in 2 goal ay ku badiyaan kooxda SIYD, halka Jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Kuwait aysan dhalin wax goal ah.


Hadii Eebe idmo habeen dambe waxaa xaflada taageerada dowlada cusub ay ka soo qayb gali doonaan safiirada dalalka Carabta iyo dalalka Afrika ay safaarada Soomaaliyeed ugu qaban doontaa hoyga safaarada Soomaaliyeed ee Kuwait.


Xafladaasi waxaa kale ka qayb gali doono dhamaan martida Qurbajoogta Soomaaliyeed, kuwaasoo isugu jira ciyaartooy magac ku leh dalkeena iyo fanaaniin Soomaaliyeed oo caan ah, kuwaasoo ku soo bandhigi doono xaflada heeso wadani ah, docda jaaliyada Soomaaliyeed ee degan dalkaan ayaa iyana si weyn uga soo dhex muuqan doono munaasabadatan.


Intii maalmood aan joogney kuwait waxaa hotelka aan deganahey nagu soo booqdey qunsulka dalka Jabuuti u fadhiya wadankaan Qunsul Faarax.
Qormadeena dambe ayaa uga soo warami doonaa cayaaraha kale ee noo harey iyo xaflada taageerada dowlada Soomaaliyeed ee lagu qaban doono wadankaan Kuwait hadii Eebe idmo.

 


W/D: Yusuf Yusuf
SSPAMEDIA.COM
mrsomalia@hotmail.com
Kuwait City




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line