• The 2015 Annaual Labor Day Cup

Waxaa magaalda Toronto lagu qabtay tartan kubadda cagta ah ee lagu xusayey maalinta shaqaalaha ee Canada iyo USA.

Tartankani kubadda cagta ah ayaa waxaa wada ciyaaray kooxda Ottawa iyo kooxda Xiddigaha

.

Ciyaartani oo aad iyo aad u xiiso badnayd ayaa labadan kooxood ay soo bandhigeen ciyaar ay dadweynihii u soo daawashada tagay ay aad ugu riyaqeen.

Kooxda Ottawa ayaa bilowgii ciyaarta aad u gacan sareysay iyadoo weerar badan ku qaaday goolka xiddigaha. Goolhayahii Xiddigaha ayaana isaga dhowr gool ka bad baadiyay kooxdiisa.

Tababarayaasha kooxda Xiddigaha ayaa markey arkeen in kooxdooda dhowr jeer la sigay ay is beddel ku sameyeen qaab ciyaareedka kooxda , tasoo keentay iney markooda weear culus ku qadaan goolka Ottawa iyadoo 2 gool oo isku xigta halkaasi ka dhaliyay.

Ottawa ayaa iyaduna goolkoodi kowaad dhaliyay daqiiqadii 15aad.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa lagu kala nastay 4-1 oo ay ku hogaamineyso Xiddigaha.

Qeybtii labaaad ee ciyaarta ayaa labadan kooxood dar dar xoog leh garoonka lasoo galay iyadoo weerar aan kala go' lahayn leesku qaaday.

Wixii hadba koox la weerara goolna laga dhaliya ugu dambeyntii waxay ciyaarta ku dhamaatay 10-4 oo ay guusha ku raacday Xiddigaha halkaana ku qaataty koobkii The 2015 Annaual Labor Day Cup.

Koobka MVP Waxaa ku guuleystay Mohamed Ali "Aayow" oo inta badan kooxda Xiddigaha goolasha u dhaliyay.

Inkastoo kooxd Ottawa laga badiyay haddana waxay mudan yihiin ku dayasho iyo Hambalyo waayo waxay ciyaarta ku dhamesteen si aqlaal leh, oo haba yaratee wax caro(Xanaaq) ah halkaasi kama muujn. Sidoo kale waxaa Amaan mudan tababreyaasha Ottawa oo ay ka muuqatay sida edebta badan oo ay kooxdooda ula soo dar dararmeen iyagoo u sheegay in Guul iyo Guuldaraba ay ogoladaan. Mar labaad Hambalyo.

Tababareyaasha iyo madaxda kooxaha qaar ayaan fahamsaneyn mecnaha Sportiga, iyadoo aad maqleyso in marka kooxdooda gool lagaga hor maro ay yirahdaan DIL, LUGAHA ISUGU DHUFO iyo wax ka fog Sportiga.

Dhanka ciyaarooyda cuslaatay waxaa wada ciyaaray kooxda Ottawa iyo Toronto. Kooxda reer Toronto ayaa 9-8 ay guusha ku raacday.


 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line