• Kooxda I.L.S oo ku Bar baratay Kooxda Dekedaha


Kulankii koowaad ee semi finalka Koobka kubada Kolayga Gen’ Daa’uud ayaa galabta ka dhacay Gaonka Aadan Xaaji yabarow “Wiish Stadiom” waxaana fooda is darayn Kooxaha kubadda kolayga Dekedaha iyo I.L.S Kooxda Dekedaha kooxda Haysata Horyaalka Kubadda kolaygaDalka ayaa kaalinta koowaad kaga soo baxday kaalinta koowad Guruub A halka kooxda I.L.S, oo ay sanadkan ugu horayso in ay ka qayb gashao tartankii ugu horeeyay ayaa
kaalinta labaad kaga soo baxday Guruubka B .

Kooxda Dekedaha ayaa hankeeda waxuu ahaa in ay koobka Gen’ Daa’uud ku darsato Horyaalka oo ay horay u xiraysatay balse taas waxaa ka diiday kooxda I.L.S oo ku tiri aniga ayaa kaa baahi bada.

Kulamda koobka Gen’Daa’uud waxaa si wayn u bilay ciyaartoydii hore isboortiga qaybahiisa kala gedisan oo garoonka si wayn u soo daawasho tagaan kuwii dalka horay u joogay iyo kuwa qurba joogta oo ka qaybr qaadanaya hormarka isboortiga dalka .

Kulanka ayaa ku bilowday dar dar ay lasoo gashay kooxda I.L.S oo tobanki daqiiqo ee ugu horeeyay hogaanka u qabatay basle Dekedaha ayaa ku tiri taasi kuuma hirgalayso waxaana qaybtii hore Ciyaarta lagu kala nastay kooxda Dekedaha oo leh 37 halka kooxda I.L.S ay la
timid 35.

Marki laysku soo laabtay qaybti seddexaad ee ciyaara kooxda I.L.s oo ay garoonka usoo buuxdhaafsheen taageerayaal jidbaysan oo si waynu taageeray ay u suura gashay in ay hogaanka ciyaarta la wareegto waxayna sidaa ku difaacatay hogaanka ciyaarta.

Kooxda Dekedaha ayaa isku day samaysay gabagabada Ciyaarta waxayna rajo ka lahad in ay guul gaarto sida kulankii Horseed oo ay daqiiqadihi ugu danbeeyay guusha heshay balse taa uma suura galin
waxayna ciyaarta kusoo gabagabowday 76 dhibic oo ay la timid kooxda I.L.S iyo 66 oo ay la timid kooxda Dekedaha

Dhanka kale waxaa is la ciyaaray tartanka Tuurahsada Dheer” three Pointska” oo isna maraya heerka semi finalka waxaa maanta garoonka Wiish ku loolamay ciyaartoyda kala ah Saciid bootaale oo Dekedaha u ciyaara, maxamed talyaani, oo I.L.s u ciyaara iyo yuusuf maxamed oo
kooxda Halgan u ciyaara waxaana maanta fiinaalka usoo gudbay Saciid Botaale oo dhaliyay afar tuurasho waxuuna ka hormray Maxamad Talyaani oo seddex tuurasho saxay

Kulanka Labaad ee semi finalaka ayaa laciyaari doona beri oo talaado waxaan fooda is dari doona kooxda kubadda kolayaga Heegan oo ah kooxda Difaacanaysa koobkan iyo Kooxda Horseed sidoo kale beri waxaa la ciyaari doona semi finalak labaad oo tartana tuurasha dheer Three Pointska

W/D Hussein Mohamed
Xiddigaha, Muqdisho
hadaafoow7@gmail.com

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line