• MADAXDA QURBA-JOOGTA SPORTS KA G/J/HOOSE OO HAWL U TAGAY KISMAYU

Xoghayaha qurba-joogta sports ka G/J/Hoose iyo Mohamud Abshir - M Yare iyo Afhayeenka qurba-joogta Abdi Mohamed Ahmed - A Xaq oo ka kala yimid Marekanka iyo Australia ayaa booqasho dheer ku joogaya magaaladda Kismayu iyagoo halkaas geeyey qalab sports oo tiro badan isla markaasna u qabanaya tababar heer sare ah oo la siinayo tababarayaal kubadda cagta ah ee 5 ta degmo ee uu gobolku ka kooban yahay.

Abdi Xaq iyo Mohamud Yare waxaa lagu xasuustaa wacdarihii ay ka dhigi jireen ciyaaraha goboladda xilligii barisamaadka. Abdi Xaq wuxuu ahaa goolhayayaashii soo maray wadanka kuwii ugu fiicnaa wuxuuna caan ku ahaa rigooradda halka Mohamud Yare uu ahaa difaacyaddii soo maray gobolka kuwi ugu fiicnaa.

Waxay booqasho ku tageen garoonka Waamo Stadium oo uu dhammaaday dhismihiisii lana furi doono dhowaan iyadoo ay qayb ka ahayd booqashadooda Kismayu iyagoo matalaya qurba-joogta gobolka. Waxaa horay sidan oo kale shaqo ugu tagay gobolka Guddoomiyaha Qurba-Joogta gobolka Eng. Abdisamed Sheik-Qasim oo laba jeer iskaga daba noqday hawshan lagu horumarinayo sports ka gobolka.

Waxaa ammaan mudan madaxda Jubaland, maamulka gobolka, iyo ka degmadda oo aad usoo dhaweeyey madaxda qurba-joogta sports ka. Waxaa kaloo mahad leh madaxda sports ka ee gobolka, guddoomie Burhan iyo xoghayihiisa Timo-jilic iyo waliba Dr. Abdisamad Abikar oo ah dhakhtarka gobolka iyo bahda sports ka.

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line