• Tababare Cabdullahi Xirsi – Socdaalkiisii Isboorti min Margaretta (Jamaame) ilaa Maine (Lewistonan)

     

 

Akhristayaashayadda qiimaha iyo qaayaha lahoow waxaa magaaladda Lewiston Maine ee carigaasi mareykanka booqasho gaaban ku tagtay shabakadda www.xiddigaha.ca iyo Somali Canadian Times waxayna halkaas kula kulatay tababaraha ciyaartooyda kubadda cagta ee Lewiston Maine Cabdullahi Xirsi oo ka mid ahaa jiray ciyaartooydii ciyaaraha fudud ee soo maray Somaliya kuwoodii ugu mustaqbalka fiicnaa intuusan shilka galin bartamihii toddobaatameeyaddii isla markaasna ka mid ahaa wafdigii hogaaminayey ciyaartooydii ka qaybgashay ciyaarihii Olympic kadda ee lagu qabtay carigaasi Mareykanka sannadkii 1996.


Tababare Cabdullahi wuxuu ka soo jeeddaa magaalo caan ku ahaan jirtay isboortiga gaar ahaan ciyaarta kubadda cagta, waa magaaladda Jamaame oo loo aqoon jiray Margretta. Ciyaartooydii ay magaaladdani soo saartay ayaa laga xusuusan karaa: Salad Shinno, Somaaliyow, Sabtow, Ali Cubeyd (AUN), Cumar Cali, iyo rag badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin.

Tababare Cabdullahi wuxuu sannadihii ugu dambeeyey gacanta ku hayaa caruur tiro badan oo ay da’doodu u dhaxayso 8-18 sanno. Waxaanu ku leenahay hawsha aad ummadda u haysid halkaas ka sii wad, waxaad kobcinaysaa rajo wanaagsana u yeelaysaa mustaqbalka bulshadda aad la nooshahay iyo midda aad ka timidba

 





Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line