Home|
Orodyahan Mustaqbal Ku Leh Ciyaaraha Fudud.


Orodyahan Mustaqbal Ku Leh Ciyaaraha Fudud.


Maxamed Cali Iyo Tababareyaas

Maxamed Mahad Cali wuxuu ku dhashay magaalada Mogadishu sanadkii 1986.Sannadkii 1991kii ka dib dagaaladii sokeeye ayuu Maxamed isagoo 5 jir ah ka soo qaxay waddankiisa Soomaaliya, soona gaaray dalka Jabuutii hakaasi uu joogay ilaa iyo 2003kii. Wuxuu waxbarashadiisa hoose ku soo dhameeyey Waddankaasi Jabuuti. Mohamed wuxuu orodada bilaabay sannadkii 2000kii kadib markii uu ka maqlay raadiyaha Jabuuti (RTD) iyada oo laga xayeysiinayo tartanka 15Km ee orodada dhaadheer ee dhallinta Jabuuti oo dhan.Sida aanu ka soo xiganay orodyahaynka wuxuu yiri, “ Waan iska dhexbooday”. Natiijo fiican oo ay da’diisu gaarin ayuu ka galay baratankaas. Markii uu orodku dhammaday waxaa isla markiiba ku soo kala cararay tababarayaashii goobtaas joogay oo ku martiqaaday inuu ka soo qaybgalo tartan loo dhigayey dhallinta da’da yar ee magaaladda Jabuuti ku nool. Waxaa lagu qoray orodada 1500m iyo 800m oo uu isagu ku guuleystay sanadihii 2001, 2002 iyo 2003 giiba.

Bishii May 2003 wuxuu magaaladda Addis Ababa ugaga qayb galay tartankii orodada ee Bariga iyo Bartamaha Afrika isaga oo matalaya Dawladda Jabuuti wuxuuna kaalinta afaraad kagalay tartanka 800m isaga oo ka cawday qabow tiro badan sababayna inuu sanka ka dhiigo. Xilligii uu tababarka Jabuuti ku sameynayey wuxuu ahaa kuleyle.

Haddaba markii la arkay awoodda tirada badan ee wiilkan da’da yar ayuu Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Dawladda Jabuuti go’aansatay inuu u matalo tartanka ciyaaraha dhallinta da’da yar ee adduunka ( 3rd IAAF World Youth Championships In Sherbrooke, Quebec 2003. July 9-13 2003). Wuxuu ka galy kaalinta lixaad tartanka 800m isaga oo sameeyey record ah (1:59) 1 minute & 59 seconds.

Ciyaarihii dhallinta adduunka ka dib Mohamed Ali wuxuu ku nagaaday waddanka Canada magaaladda Toronto oo uu halkaas ka sii watay tababaradiisi iyo waxbarashadiisiiba. Wuxuu markiiba ku biiray Naddiga weyn ee orordada ee“ Toronto Olympic Club.” Oo ka mid ah naadiyada ciyaaraha fudud ugu magaca dheer North America. Mohamed Ali waxaa markiiba gacanta ku dhigay tababare Dave Christian oo tababara qaybta dhallinta yaryar. Bishii April 2004, Mohamed Ali wuxuu ka qayb galay tartanka orodka 1500m isaga oo matalaya dugsigiisa sare ee “ Sir Sandford Fleming” wuxuuna galay kaalinta 2aad ka dib markii ninka kaalinta 1aad galay uu si lama filaan ah gacanta kagala hormaray iyadda oo uu Mohamed filiyeyba inuu line-kii gaaray.

Isla sanadkan 2004ka bishiisii May 12kii iyo 13kii tartan ka dhacay Jaamacadda York ayuu Mohamed Ali ka qayb galay isagoo ku baratamaya orodada 800m, 1500m iyo waliba 3000m, wuxuuna dhjamaantood ka galay kaalinta 1aad.

Mohamed Ali wuxuu hadda isku diyaarinayaa tartanka ciyaaraha fudud ee Ontario isaga oo ku hanweyn inuu ka soo hoyiyo guul.

Mohamed Ali wuxuu maskaxda ku hayaa guushii uu orodyahan Abdi Bile Abdi usoo hoyiyey Ummadda Somaliyeed wuxuuna ku taamayaa inuu wacdaro ka muujiyo fagaaraha ay ku baratamayaan ciyaaryahanadda adduunka mustaqbalka dhow.

wW/Q Maxamed Busuri

C