• Man. United Oo Hanatay Horyaalka Ingriiska Premier League

Kooxda Manchester United ayaa ku guuleysatay horyaalka Ingriiska"Premier League" iyadoo hore u qaaday sannadihii 2006/07 iyo 2007/08. Horyaalkan 2008/09 ayaay haddana la hooyatay kasoo ka dhigaya horyaalkii seddaxaad ee isku xiga oo ay qaadato.

Man United ayaa horyaalkani uu yahay mid taariikhi ah waayo waa horyaalkeedi 18aad tasoo la simeysa Liverpool oo iyadu hore u qaadatay 18 jeer.

Iyadoo ay weli dhamaan tartanka horyaalka ayaa kooxdan United ay u suurogashay in loo caleemo saaro hoyraalka Ingriiska waayo ilaa iyo imminka waxay leedahay 87 dhibcood taasi oo ka dhigeysa in aanu jirin koox intaa dhibic yeelan karto. Liverpool oo ku jirta kaalinta labaadna waxay taagan tahay 80 taasi oo aan marna u suuro gelineyn iney gaadho 87 xitaa haddii ay badiso inta horyaalka ka harsan.

Ciyaartan ay kooxda Manchester ku guuleysatay horyaalka ayaa waxay foodda is dareen Arsenal. United oo ogeyd inuu ku filan yahay hal dhicab oo keliya ayaa garoonka la soo gashay iney bar bardhac halkaasi kala hooyato sidaa ayaayn noqotay ciyaarta oo 0-0 ayaa lagu kala tagay.

Kooxdan Man United ayaa hadda waxay isu diyaarineysaa iney mar labaad hanato koobka Champions League oo ay bishan May 27keed ciyaarta Finallka ay la yeelan doonaa kooxda Barcelona.

W/D: Mohamed Busuri
mbusuri@xidd igaha.ca
Toronto, Canada


 


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line