• Manchester oo guul ka gaartay Cayaaraha Soomaalida ee LFT 2014

Waxaa Magaalada London ee cariga dalka Britian lagu qabtay Cayaaraha Kubada Futselka ee London Futsel Tournament (LFT 2014), kaasi oo sanadkii 2-aad lagu qabtay dalka Britian, iyadoona ay ka qeyb galeen illaa iyo 6-kooxood oo ka kala socday Magaalooyinka kala gedisan ee wadanka Britian.


Cayaarahaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madax kala gedisan oo ka tirsan bahda isboortiga iyo Wafdi ay Hogaamineesay Agaasimaha Guud ee Hey'adda HIRDA, Drs. Faadumo Faarax, kuwaasi oo ka yimid Magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands, iyadoona sidoo kale uu kasoo qeyb galay Afhayeenka Xukuumada Federalka Soomaaliya Ridwaan Xaaji C/weli.

Kooxaha: Manchester, Hillside, Banadir, Jubba, Nabada iyo Moss-side, ayaa ku loolamay koobka LFT 2014, waxaana Cayaarihii Semefinalka isugu soo haray 4-koox ee kala ah: Nabada vs Hillside iyo Jubba vs Manchester, iyadoona Cayaartii Finalka ay isugu soo hareen Kooxaha, Hillside iyo Manchester, waxaana koobka ku guuleestay Kooxda Manchester.


Agaasimaha Hey'adda HIRDA, Faadumo Faarax, ayaa koobkii Cayaaraha Futselka London 2014, Gacanta u gelisay Kooxda Manchester oo iyadu noqotay horyaalka Cayaaraha Futselka ee London, iyadoona u balan qaaday in Kooxdaasi ay kasoo qeyb galaan Cayaaraha Hirda Amsterdam Futsel Tournament 2014, kaasi oo bisha December ka dhacaya dalka Holland.


Afhayeenka Xukuumada Federalka Soomaaliya Ridwaan Xaaji C/weli, ayaa Koobkii Kaalinta Labaad ee Cayaaraha Ftselka London 2014, gacanta u geliyay Kabtanka Kooxda Hillside oo iyadu noqotay Kooxda Labaad ee Horyaalka Cayaaraha Futselka London, iyadoona Macalinka Kooxdaasi Maxamed Buuwe isagana loo aqoonsaday Macalinkii ugu wanaagsanaa ee LFT 2014.
Cayaaryahanadii hore ee Gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliya, Miski Cumar ayaa Abaalmarinta Cayaaryahanka ugu wanaagsanaa LFT 2014 (Best player) gudoon-siisay Cayaaryahan, Axmed Cali, oo u cayaarayay kooxda Manchester. waxaa isna goolhayihii ugu wanaagsanaa ku guuleystay C/qaadir (Biibaaye fara-gaab) kooxda manchester, waxaana Abaal-marintasi gudoon-siisay Shankaroon.


Guddoomiyaha Guddiga Cayaaraha London Futsel Tournament (LFT) Yuusuf Maxamed Cabdi (Yuusuf Yuusuf) ayaa u mahadceliyay Cadaay Family iyo Ururka Mother and Child oo iyagu responser gareeyay Cayaaraha LFT 2014, waxa uuna sidoo kale u Mahadceliyay Guddigii Howlwadeenka ka ahaa Cayaaraha oo uu hogaaminayay C/salan Muumin iyo Hey'adda HIRDA oo dhiira-gelin Wanaagsan ku sameesay Cayaaraha


Ugu danbeyn Guddoomiyaha Cayaaraha LFT waxa uu Amaan ujeediyay dhamaan bahda Isboortiga dalka UK, Guddoomiyaha Jaaliyada Isboortiga London Mudane Daahir Cali Kulmiye, Macalin Xasan Faarax Joon, Shiine, Yaasiin, Ururka Isboortiga SYID, Saciid Fadhaye Somalichanel iyo dhamaan intii gacanta ka geysatay Habsami u socodka Cayaaraha LFT 2014, iyadoona Cayaaraha London Futsel Tournament 2014, ay kusoo idlaatey sidii loogu tala-galay.

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line