• March Break Cup Toronto 2014

Waxaa magaalda Toronto lagu soo gaba gabeeyay tartan kubadda cagta oo ay ku loolamayeen kooxaha Xiddigaha, Hilac, Horseed, SYL Hamilton iyo Semcy oo sannadkan iyada marti qelisay.

Qeyba dhallinta ay da’dooda ka yar tahay 11 jir (U11) ayaa waxaa loo qeybiyay laba qeybood (Group) Qeybta 1aad waxaa ku wada jiro Semcy, Xiddigaha iyo SYL.
Qebybta 2aadna waxaa foodda daray Horseed, Hilac iyo koox loogu maga daray Afro-Can.


Ciyaartii kama dambeynta finalka waxaa isugu soo haray kooxda Semcy iyo Xiddigaha oo la filayo iney goor dhow wada ciyaari doonaan

Dhanka Ciyaartooyda ay da’dooda ka yar tahay 13 jir(U13) waxaa wada ciyaaray affarta kooxood oo kala ah Semcy, Xiddigaha, Hilac iyo Horseed.

Qeybtani ayaa waxaa Final isugu yimid Hilac oo aan marnba laga badin iyo Horseed oo iyadu wacdor ka dhigtay tartankani,iyadoo xiddigaha ku dhufatay 5 gool.

Sidoo kale waxaa iyaguna wada ciyaaray ciyaartooyda ay da’dooda ka yar tahay 15 (U15).
Laba kooxood oo ka socday Hamilton ayaa iyaguna maalintii Jimcaha la ciyaaray kooxihii reer Toronto oo xul ah. Ciyaartii kowaad waxay guusha racday kooxda Toronto, middi labaadna bar bar dhac ayaa lagu kala baxay.



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line