• Legend Maxamed Xaaji Aden ''Uureey'' oo soo dhaweyn sare loogu sameeyay magaalada London

     

Waxaa todobaadkii dhawaa sidaan hore idin kugu sheegay magaalada London soo gaarey laacibkii weynaa kooxda Jeenyo iyo Xulka Qaranka dalka Soomaaliya ciyaaryahan Maxamed Xaaji Aaden oo ku magac dheer Uureey.

Xaleyto xaflad si weyn looga soo shaqeeyay oo ay soo agaasimeen dhalinyarada isboortiga xaafada Southall ayna wehliyeen madaxda jaaliyada Puntland ee London ayaa lagu qabtey maqaayada Savannah .

Ugu horeyntii waxaa barnaamijka daah furey xiriiriyaha caanka ah Sahal, kaasoo tix gabey iyo maaweelo ah ka tiriyay uu ku soo dhaweynaayo ciyaaryahankii weynaa xulka Qaranka dalka Soomaaliya Maxamed Xaaji Aaden ''Uurey''.

Kadibna barnaamijka waxaa furey Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Puntland Cabdulqaadir Jabriil, kasoo sheegay inuu ku faraxsan yahey ka soo qayb galo barnaamij lagu soo dhaweynaayo ciyaaryahan Qaran hadane shaqo muhiim ah oo isboorti ka wado gobalada Waqooyi Bari gaar ahaan Gobalka Mudug caasimadeeda Gaalkacyo, Maxamed Walaal ku soo dhawoow gacmo furan, munaasabadana waa furan tahey.

Dadkii halkaasi ka hadley soo dhaweeyaynta Maxamed, waxay u badnaayeen ciyaartooydii hore ee Soomaaliya wiilal iyo gabdho, ayna hogaaminayeen Cabdikariin Cabdulle Shiidle ''Black'' iyo Mustafe Suleyman Darwiish iyo Gudoomiyaha Isboortiga gobalada Puntland ciyaaryahan hore Bashiir Cabdulaahi Cali '' Bashiir Gureey'',Cabdi Wali Maxamuud Siciid. Yusuf Yusuf. Xoghayihii hore XSKK Eng.Baana Cali. Marwo Diib Marwo.Samsam Marwo.Safiyo. Marwo Muxubo iyo Marwo Aamino Daa'uud, kuwaasoo hadalo qiimo badan oo isugu jirey soo dhaweyn iyo taageerada u hayaan howlaha iyo dhaqdhaqaaqa isboorti ee uu ka wado xidigaan maamul gobaleedka Puntland ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina waxaa halkaasi ka hadley ciyaaryahankii Qaranka iyo kooxda Jeenyo Maxamed Xaaji Aaden '' Uureey. ''waad mahadsan tihiin walaalayaal dhamaantiin sida quruxda badan aad igu soo dhaweyseen magaalada London iyo caawa xafladatn, wuxuuna ka sheekeeyay nolashiisa isboortiga iyo hada howlaha baaxada weyn uu ka wado magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan maamul gobaleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.

Hoyga Horumarinta Isboortiga Puntland:

Waxaa magaalada Galkacyo ka shaqeeya hoyga horumarinta isboortiga Puntland, halkaasi oo ay ku bartaan caruur iyo dhalinyaro Soomaaliyeed isboortiga maamulkiisa iyo dheelistiisaba, waxaana ku heynaa kooxo kale duwan hadii ay ahaan laheyd kubadda cagta, Koleyga iyo Tenniska, waxaan kale ku qabanaa tartanka cayaaraha fudud, waxaan halkaasi ku yaal degaano la seexdo, lagu caweeyo dhalinyarada ay ku daawadaan, waxaan rabnaa in caruurta wadanka aad keentaan waana u heli karnaa meelo ay wax walbo isboorti ku dhan yahay ay ku yaalin, waxaana halkaasi noo dhisey Marwo Faadumo Aaden oo aan dhihi karo qof waqti iyo juhdi badan ku bixiyay horumarinta arimaha bulshada gobaladaas.

Dhanka kale wuxuu ka hadley arimaha isboortiga wadanka maamulkiisa iyo ka qayb galkiisa, waxaan qabaa in meel kasto isboortiga laga hirgaliyo oo Soomaaliya ah islamarkaana maamulka isboortiga iyo ka faaideysashadiisa, si siman looga wada faaideysataa iyadoo cadaalad iyo isboorti yahey saldhigeedu, aniga heer walbo isboorti waan ka soo gaarey maanta waxaan doonayaa inaan caruurta Soomaaliyeed aan heli karin fursadihii aan soo helnay ee aan ka soo faaideysanay inaan u raadino, caruurta Soomaaliya joogta oo dhan fursado waayo waxay u baahan yihiin inaan gacan siino wax u qabano, uga sheekeyno taariikhdeena isboortiga, ciyaartooydii wadankeena soo martey iyo kooxihii wadanka lahaa.

Markii aan tagey Puntland oo biloowney aniga iyo macalin Tuke inaan dib u habeyn ku sameyno isboortiga run ahaantii guul weyn ayaan ka gaarney, taasoo sababteedu noqotey in lagu qabto magaalada Garoowe cayaarihii gobalada Soomaaliya, aniga dadkii lagu casumey ayaan ka mid ahaa tusaale yar aan idin sheego waxay aheyd markii ugu horeysay gobalada dalka ay isku yimadaan cayaarahaas si siman uga wada qayb galaan, kama hadlaayo siyaasiyiin dhalinyaradii halkaasi timid iyo dadkii daawanayay ee u badnaa dhalinyarada waxaan arkey gobal walbo inuu halkaasi ka sameystey dad taageersan oo garab taagan marka ay dheelayaan, taas weeye isboortiga saxda iyo is dhexgalkiisa loona baahan yahey inaan abuurno jawigaas oo kale, si is dhexgalka bulshadeena loo helo, waana qabaa in isboortiga wadankeena mideyn karo dhalinyaradiisa waase hadii hogaamin wanaagsan oo daacad ah oo isboorti jecel soo baxo, kaasoo danta guud kale weyn tahey dantiisa gaarka ah ayuu yiri Maxamed Xaaji Aaden.

Ma doonayo inaan waqti badan isaga dhumiyo kuwa sheeganaya Olambikada iyo xiriirada isboortiga ee hadane aan dooneynin inay gobalada dalka wax u qabtaan, marka anaga hada waxaan dhisaney xiriiradeenii oo dhan, hadii ay ahaan laheyd Kubad cag, Koleyga, Oradada iwm ah, Olambikadii Gobaladaas nabada ah oo haatan maamulka ka jira ee hadane leh kooxo badan oo ka kale socda 8 gobal,marka gobalada kalena sidaasi ayaa laga rabaa inay isboortigooda soo dhistaan, kadibna la isku wada yimaado isboortiga maamulkiisa la isku xiro lagana dhigo mid qaranka Soomaaliya looga daafaco garoomada caalamka.

Waxaan ka xumahay in dadkii isboortiga ahaa ee wadanka deganaa ama ku harey ee leh rag iyo dumar inaysan ka muuqan maamulka isboortiga xiriirada kale duwan, hadane meesha ay qabsadeen dad aan la aqoonin oo maamulka dhan moodey mid iyaga u gaar ah, aniga shaley Qaranka ayaan ka faaidey maanta waxaan doonayaa inaan u shaqeeyo qaranka anigoo ka soo bilaabayo meel la iga ogal yahay oo aan ku faraxsan nahey, kuwaasoo u bahan inay helaan dad ay ka faaideystaan oo isboortigooda soo dhisa.

Halkaasna wuxuu naga tusey gabagabadii film ku saabsan mashaariic horumarineed oo ka socda gobaladaas iyo kooxa ka jira, kuwaasoo aan aad ula yaabney markii aan aragney heerkooda, waayo ma aynan ku fekerin in isboorti sidaasi u habeysan ka jiro magaalada Gaalkacyo.

Waxaana halkaasi lagu gudoonsiiyay shahaado sharaf loogu soo dhaweeynayay oo bixiyay ciyaaryahan Bilkheyr.

Xafladii waxay ku soo dhamaatey si wanaagsan iyadoo fanaaniinta iyo ciyaartooydii hore ay saanta iskula qaadayeen heeso qatar ah oo ay ku luqeynaayay fanaanka caanka ah ee Heelo laas Qorey, iyadoo aad ka daawan doontaa Somalichannel TV & SSPAMEDIA online TV Insha Allah.

W/D: Yusuf Yusuf

sspamedia.com

London

 

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line