• 2015 March Break Cup Champions

Waxaa magaalada Toronto lagu soo gab gabeeyay tartankii kubadda cagta ee la magac baxay March Break Cup 2015.

Tartankani ayaa waxaa kasoo qeybgalay 4 kooxood oo kala ah Semcy, Horseed, Muqdisho iyo Xiddigaha.

Ciyaarihii Finalka ayaa waxay u dhaceen sida tan:

U12(Ciyaartooyda ay da' dooda ka yar tahay 12 jir) Waxaa finalka isugu soo haray Xiddigaha iyo Semcy. Ciyaartani ayaa waxay labad kooxood isla dhaafi wayeen 1-1. Intaa kadib waxaa loo dhigay rigooreyaal (Penalties). Rigooreyaashan ayaa waxaa ku guuleysatay kooxda Semcy sidaa ku qaadatay koobkii U12.

U14(Ciyaartooyda ay da' dooda ka yar tahay 14 jir) Semcy iyo Xiddigaha ayaa mar kale Final isugu soo haray iyagoo ay kasoo kala badiyeen Horseed iyo Muqdisho.

Ciyaartani oo aad u xiiso badnayd ayaa waxay guusha raacday xiddigaha kadib markii ay 1-0 ku macasalameyaan Semcy. sidaana ku noqday Champions U14.

U16(Ciyaartooyda ay da' dooda ka yar tahay 16 jir) Xiddigaha iyo Semcy ayaa tartankani ku muujiyay iney kooxihii oo kale oo dhan ay ka awood sareyaan iyagoo mar seddexaad final isugu soo haray. Labdan kooxood ayaa waqtigii loogu talo galay isla dhaafi waayey 0-0. Garsoorihii ciyaarta ayaa sheegay inuu ku dari doono 10 daqiiqo oo dheeri ah si labdan kooxood uu midkooda ay guusha u raacdo. 10kani daqiiqo ee dheerida ah (Extra Time) ayaa waxaa ka faa'iideysatay kooxda Xiddigaha iyadoo laba gool oo daran doori ah ka dhalisay Semcy.

Ciyaartani ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay 2-0 ay ku badisay Xiddigaha sidaana ay koobkii ula hooyatay.

Isku soo wada duuboo tartankani ayaa kusoo dhamaaday Xiddigaha oo ku guuleysatay laba koob oo kala ah U14 iyo U16. Semcy waxay iyaduna qaadatay koobkii U12. Maalintii jimcaha ayaa waxaa koob u gaar ah loo dhigay U10 Ciyaartooyda ay da'dooda ka yar tahay 10 jir. Waxaana koobkani lagu sharay iney wada ciyaraan Xiddigaha iyo Semcy.

MVP U12 waxaa ku guuleystay Anis Mohamed(Semcy).

MVP U14 Waxaa isagana loo doortay Ahmed Abudukadir (Xiddigaha)

Faa'faahinta tartankani oo maqal iyo muuqaal ah xagga sare ka daawo.

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line