• Mucjisada Aduunka u Dheereysa Maxaa u Qarsoon?

     

London-July-27-2012-xiddigaha.com-Asxaabtaay todobaadkan iyo ciyaaraha waxaynu ku miliqsaneynaa mucjisada aduunka ugu dheereeya 100 iyo 200 ee meter Suain Bolt oo bilihii aynu soo dhaafney la daalaa dhacayey xanuun ka hayey dhabarka iyo lugta oo yidhi diyaar baan ahay.

Hadaba warbaahinta aduunka iyo umadda ciyaaraha idhaindheeya iyo dacan dadweynaha ciyaaraha jacel ayaa waayadan oo dhanba isla dhexmarayey inuu laacibkan mucjisada ahi ka qeyb galidoono iyo inkale,laakiin taa waxa xqiijiyey inuu ka qeybgali doono dakhtirkiisa Winston Dawes.

Suain Bolt ayaa Jimcihii aynu soo dhafney ka maagay tartanka lagu magacaabo Monaco Diamond League ordi lahaana 200 meter dhaawac yar awgii sidaana waxaa ka dhawajiyey tababarihiisa Geln Mills.

Sanku neeflayaasha ku nool aduunkan ilaahay abuurtey waxay isweydiinayaan mucjisadan aduunka u dheereysa haystana saddxda biladood ee dahabka ah ayaa ka walaacsan inuu difaacan karo horyaalnimadiisa Olombikada,waayo taraayalkii bishii aynu soo dhaafney lagu qabtey waddankiisa waxaa laba jeer dhagaha ka garaacay oo ka badiyey Yohan Blake.
Saaxiibayaal Suain Bolt oo 25-jir ah ayaa doonaya inuu difaacdo 100 meter uu ku ordey 9.58 seconds  iyo 200 ee meter 19.19 seconds (World Record).

Akyaartay Dhakhtarkiisa ayaa xqiijiyey inuu 99% per diyaaryahay ee bal aynu aragno Augest 4-da oo la ordi doono 100 meter haddii Alla inagu simo.

W/D Jaahuur
xiddigaha.com




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line