• Mukhtar Cuti "Aniga Facebook ma lihi ee waa leeyga been abuuray"
u

Xiddigihii hore ee kooxda Batroolka iyo xulka qaranka k/cagta Mukhtar Maxamed Axmed "Mukhtar Cuti" ayaa sheegay inuusan lahayn facebook, balse uu jiro qof isticmaalaya magaciisa iyo sawiradiisa.

Mukhtar Cuti oo la soo xiriiray shabakadan xiddigaha.ca ayaa sheegay inuu la yaaban yahay qofkani waxa ku kalifayo inuu isaga iska dhigo isagoo isticmaalaya magaciisa iyo weliba sawiradiisa.

Mukthar oo hadaladiisa sii wata ayaa yiri waxaan ka codsanayaa inuu qofkani iska daayo kana waantoobo waxyaabaha anshax xumid ah ee uu ku kacayo, haddii kale waxay dantu igu qasbeysaa inaan sharciga la tiigsado.



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line