• Oday oo loo magacaabay ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha guud ee XSKK

Guddoomiyaha xiriirka soomaaliyeed ee kubadda Koleyga Mudane Ibraahim Xuseen Cali (Roombe) ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa waxaa uu u magaacabay mudane Faarax Jaamac Nuur (Faarax Oday) ku xigeenka xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga.

Farax Oday ayaa waxaa uu ka mid ahaa ciyaaryahannadii qaranka soomaaliyeed ee kubadda koleyga iyo naadiyada heerka 1aad, waxaana uu ahaa shakhsi magac aad u wayn ku leh bulshada isboortiga gaar ahaan ciyaarta kubadda koleyga.

Haddii aan isku dayno inaan wax yar dib u jaleecno oo soo koobno taariikh nololeedkiisa Isboortiga ayaa ahayd sidan:

Faarax jaamac Nuur (Faarax Oday) waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sannadku markuu ahaa 1964kii,waxaana uu ku soo barbaaray isla magaalada Muqdisho halkaasoo uu kaga dhamaystay waxbarashadiisa dugsi quraanka iyo midda aasaasiga intaba.

1980 kii ayuu markiisii ugu horraysay u saftay ciyaarihii degmooyinka gobolka Banaadir isaga oo markaasi u cayaarayay degmada Xamarjajab.1980-1981kii wuxuu u ciyaaray dugsigii hore ee Raage Ugaas oo ciyaartii kama dambaysysta ay isugu soo hareen dugsigii sare ee 15 MAY.

1981 kii ayaa loo xulay xulka gobolka Banaadir, hase yeeshee nasiib uma uusan helin inuu ka mid noqdo ciyaartooydii gobolka Banaadir taasoo ugu wacnayd isaga oo loo qaatay ciyaaryahannadii heerka 1aad ee naadiga Batroolka oo iyagu ka mid ahaa naadiyadii ugu xoogga badnaa ee ka dhisnaa dalka.

1981 iyo 1982 kii ayuu kooxda batroolka kala qayb qaatay guulihii ay ku hantiyeen koobkii Jeneraal Daauud iyo Horyaalka dalka. 1984 kii ayuu u wareegay naadigii Waxool oo ka tirsanaa naadiyada heerka 1aad ee kubadda koleyga dalkeena iyada oo arrintaasi wareejinta uu iska lahaa macallinkii qaranka Allaha u naxariistee Ibraahim Jimcaale Cabdi “Buruko”.

1986kii ayuu misna ku biiray naadigii kubadda koleyga ee Jeenyo oo uu ka tirsanaa ilaa 1990kii. Kooxdii kubadda koleyga ee Jeenyo wuxuu la qaybsaday oo uu la qaaday hal horyaal 1987kii.

1988 kii ayuu ciyaaryahankaasi Faarax Jaamac Nuur “faarax Oday” nasiib u helay inuu ka mid noqdo ciyaaryahannadii xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga isaga oo markaasi xulkii qaranka kala qaybgalay cayaaro saaxiibtinimo oo ka dhacay Kenya.

Sidoo kale ciyaaryahanku waxaa uu ka qaybgalay Tartankii caanka ahaa ee xiddigaha kubadda koleyga isaga oo u saftay kooxda Sepcom oo ku guulaysatay kaalinta 1aad.

1988 kii Faarax jaamac Nuur waxaa uu ka mid ahaa Macallimiinta gabdhaha kubadda koleyga heerka 1aad ee naadigii Jeenyo oo ay isla wadeen Allaha u naxariistee macallin Yuusuf “Ajaako”.

Muddadii dagaalada sokeeye ay ka socdeen dalka soomaaliya Faarax Jaamac Nuur “faarax Oday” kama uusan caajisin inuu sii wado horumarinta Isboortiga jaaliyadda dibadda, waxaana uu kaalin weyn ka soo qaatay horumarinta cayaaraha kala gaddisan ee xerada qaxootiga Utange, gaar ahaan kubadda koleyga, waxaana uu ka mid ahaa guddigii isboortiga ee xerada qaxootiga Utange.

Waxaa iyaduna xusid mudan in haatan Faarax uu yahay Guddoomiyaha ururka Today ee ka dhisan dalka Canada, waana madaxa ururka dhallinyarada ee kubadda koleyga(Basketball Youth Programme).

Bahda isboortiga kubadda koleyga ee ku kala firirsan daafaha dunida waxaa ay hambalyo u dirayaan mudane Faarax Jaamac Nuur (Faarax Oday) iyaga oo ugu hambalyeynaya mas’uuliyadda loo soo magacaabay, waxaana ay u rajaynayaan in Xilkaasi loo magacaabay Eebe u fududeeyo.

W/D: Shiikha


 


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line