• Rochester NY oo u soo gudubtay wareega 2aad

TODAY Somali week 2015. Ciyaarihii la ciyaaray shalay ayaa kooxaha waxay isu arkeen sida tan:

Ohio United 1-3 Windsor: Kooxda Windsor ayaa 3-1 ku garaacday Ohio United, sidaana ugu soo gudbtay wareega 2aad, iyadoo hore bar bardhac 1-1 la soo gashay Seif. Windsor ayaa iminka qeybta C (Group C) ku hogaamineysa 4 dhibcood.

Maanta ayaa waxaa wada ciyaari doonaa Seif oo leh 1 dhibic iyo Ohio United oo taagan 0 . Seif waxaa ku filan oo keliya bar bardhac. Halka Ohio ay ku qasban tahay iney badiso si ay ugu soo gudubto wareeega 2aad.

Rochester NY 3-1 Dixon: Rochester NY ayaa si xarago leh uga badisay Dixon iyadoo 3-1 ku dharbaaxday. Qeybtan (Group A) ayaa waxaa wareega 2aad usoo gudbay Rochester oo leh 6 dhibcood iyo Hilac 3 dhibcood.

Ohio TMT 3-1 Banadir: Kooxda Ohio TMT ayaa 3-1 ku soo martay Banadir. Qeybtani (Group D) ayaan weli la hubin ciddii usoo gudbi lahayd wareeega 2aad. Banadir iyo Ohio waxay leeyihiin min 3 dhibcood. Halka Hamilton United ay leedahay 0. Banadir labadeedi ciyaar wey dhameysatay. Hamilton iyo Ohio ayaa maanta wada ciyaari doonaa markaa ayaa la ogaan doonaa labada kooxood ee usoo gudba wareega 2aad iyo kooxda harta.

Group A

TEAM MP W D L GF GA PTS
ROCHESTER NY 2 2 0 0 6 2 6
HILAC FC 2 1 0 1 2 3 3
DIXON FC 2 0 0 2 1 4 0

Group B

TEAM MP W D L GF GA PTS
XIDDIGAHA FC 2 1 1 0 5 1 4
OTTAWA STARS 1 0 1 0 1 1 1
KITCHENER 1 0 0 1 0 4 0

Group C

TEAM MP W D L GF GA PTS
WINDSOR 2 1 1 0 5 3 4
SEIF FC 1 0 1 0 2 2 1
OHIO UNITED 1 0 0 1 1 3 0

Group D

TEAM MP W D L GF GA PTS
TMT OHIO 1 1 0 0 3 1 3
BANADIR FC 2 1 0 1 3 4 3
HAMILTON UNITED 1 0 0 0 1 2 0
 

Isku aadka kooxaha

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line