• XAFADII FURITAANKA OHIO CUP 2016

Magaalada Columbus, OHIO ee dalka Mareykanka, ayaa waxaa Khamiistii ka furmay todobaadka cayaaraha Soomaalida, oo ah tartan kubadda cagta & kolayga isugu jira oo ay ku loolamayaan kooxo ka kala socda gobolada Mareykanka iyo dalka dariska la ah ee Canada.

Bahiir Geele oo ah Madaxa qaban-qaabada Cayaarahaan, ayaa HOL u sheegay in Tartanka Sannadkan, oo ah kii 16-aad ay kasoo qayb-galeen 16-kooxood oo ah Cayaartoyda Dhexe iyo Shan koox oo ah caruurta da’doodu ka yar tahay 11 jirka. Waxaana barbar-socdo tartan kubadda kolayga ah oo dhex-maraya dhallinyaro kala duwan.

Xalay ayaa lagu qabtay mid ka mid ah hoteelada waawaayn ee Columbus, Ohio xaflad lagu xusayo cayaarahan, iyadoo ay ka qaybgaleen shacab, cayaartoy kala duwan, macallimiintii, khubaradii isboortiga iyo shacabka ku nool Waqooyiga America, waxaana khudbado kasoo jeediyey marti-sharaf kala duwan.

Sidoo kale, Sannadkan waxaa kala soo qayb-galay mas’uulka ka Soomaaliyeed ee ka tirsan baarlamanka dalka Canada, Axmed Xuseen Diriri; isagoo ka jeediyay khudbad aad u qiimo badan oo uu kaga hadlay horumarka Sooomaalida Canada ku nool, is-kaashiga Jaaliyadaha iyo isku-xirnaantooda, taasoo uu ku sheegay inay Soomaali wadajirta ka shaqaysay inuu ku guulaysto Xilkan uu hayo, isagoo guul u rajeeyay tartankan isboorti ee ka socda Columbus, Ohio

.

Russel Flickinger oo ah Qareen deggen Gobolka Ohio, mar walbana cayaarahaan taageera ayaa sannadkan ugu deeqay kooxaha ka Qayb-galaya tartanka oo dhan Funaanadaha ay ku Cayaarayaan, mar uu la hadlay xalay Dadkii goobta ku sugnaa ayuu sheegay inuu aad ugu farxsan yahay Wada-shaqanta Xafiiskiisa iyo Soomaalida Ohio, isagoo xusay inay sii wadi doonaan dhiirri-gelinta Soomaalida ee isboortiga iyo waxbarashadda

Dhanka kale, Waxaa iyadana xalay Abaal-marinno la Guddoonsiiyay cayaartoy ka tirsanaa Naadiyadii heerka koowaad iyo xulkii Qaranka Somalia xilligii Sideetanaadkii Dr. Yuusuf Shaqaaq doorkii uu ka qaatay horumarinta isboortiga iyo difaaca magaca Qaranka Somalia, waxaana gudoonsiiyay abaal-marinta macallin Qariidi, tababarahii hore ee kooxdii gobolka Jubadda Hoose.

Ugu dambeyn, waxaa xalay kulanka looga sheekeeyay dhallinyaro Soomaaliyeed oo heerar Sare ka galay Cayaaraha Kubadda Cagta ee Dugsiyadda Gobollada iyo kuwo Dadaalkooda Cayaareed ku helay Waxbarasho Jaamacadeed.

Souce Hiiraan.com

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line