• Toronto Oo Kala Dirtay Ottawa

     

Ottawa-Xiddigaha.com-Akhyaartay barnaamijkeena ciyaaraha waxaynu maanta ku soo qaadadeynaa wafdi balaadan oo iskugu jira odayaashii isbortiga,ciyaartooydii cuslaatey ee baradsamaadkii iyo ciyaartooy aad u dayar oo runtii mustaqbal ku leh kubadda koleyga ayaa soo gaadhay magaaladan Ottawamaalintii jimcaha ahayd iyaga oo ka soo boqooley Toronto.



Waxaana halkaa ku soo dhaweeyey ciyaartoodii hore ee baresamaadkii oo aay ka mid yihiin Abuukar Shiinmo,Aweys Waxool,Abdi Yare,Daahir Sabto,Hadi,Jaahuur iyo qaar kale oo fara badan.



Haddaba wafdigan oo cagacageenayey ilaa kontameeyo hadeyna kaba badney ayaan waxaan jeclahay anoona halkan ku soo koobin kari inaan ka xuso owdayaashii isboortiga sida Tuke,Macalin Cumar,xagga ciyaartooydii cuslaatey ee berisamaadkii Canter Jeenyo,Muqtaar Cuti,Yuusuf Shaqaaq,Cabdi Samed,Baashe,Xassan Tuke,Nuur,Cabdi Xakiim,Busuri,Owdey haddii aan wax ka tegey raali iga ahaada.



Ciyaarihii dhexmarey Kooxdii kubadda koleyga ee socotey Toronto (ILMOS) iyo kooxdii kubadda koleyga Ottawa ayaa si rasmi ah uga biloodey garoomada Jaamicadda ee Carleton University waxaana la kala qabtey Sabtidii iyo Axaddii runtiina waxay ahaayeen ciyaaro aad u xiisa badan soona jiitey dadkii ka soo qeybgaley ciyaartooydan oo iskugu jirey under 20,17, iyo 12 runtii ciyaartii ugu xiisha badneyd ee soo jiidatey dadweynihii ka soo qeybgaley waxayd ahayd under 17 ee labada dhinac si xalad lehna waxaa badeyey kooxdii Toronto,Ottawana waxay si xalad leh ugu badisey Toronto under 20.



Waxaa kale oo xusid mudan ciyaartooydii cuslaatey ahaana xiddigihii qaranka ee ka socdey Toronto sida Cantar Jeenyo,Muqtaar Cuti,Yuusuf Shaqaaq,Cabdi Samed,xagga kalena Abuukar Shiino,Aweys Waxool,Daahir Sabto,runtii waxay ahayd ciyaar aad u xiisa badan gabagabadiina waxaa 5-2 ku guuleystey Toronto,waxaana halkaa lagu bixiyey abaalmarino iskugu jira koobab iyo bilado.

Habeenimadiina waxaa wafdigii ciyaartooyda casho si fiican loo soo habeeyey loogu qabtey Ottawa Islamic School waxaana halkaa ka hadley owdayaashii isboortiga ku lahaa qiimaha iyo qaayaha lahaa sida Hadi,Tuke,iyo Maclin Cumar kana waramey qiimaha uu isboortigu leeyaha iyo taariikhda dheer uu soo marey iyo sida loogu baahan yahay dhalinyarada yar-yar ee soo koraya sidii loogu soo dabaali lahaa isboortiga iyo is dhexgelkoodaba si looga joojiyo wixii u daran naftooda.



W/D-Jaahuu-Ottawa

xiddigaha.com




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line