• Patto: Waxaan Jeclahay Ciyaarta Barcellona

Wareysi  uu ciyaartooyga Milna Pato siiyay wargeeska ka soo baxa dalka Talyaaniga ee la yiraahdo Gazzetta dello Sport  ayaa wuxuu kaga hadlayaa arrimo dhoor ah. Wareysigan oo aad u dheer ayaa waxaan u soo koobnay sida tan:

Su’aal: Ilaa iyo imminka heerka ay gaarsiisan tahay  kooxda Milan 1 ilaa 10 maxaad siin lahayd?
Jawaab: 8

Su’aal: sow leyisma oran karo 8 waa dhibco aad u badan adigoo  ogsoon in kooxdan ay ka hartay tartanka  koobka   Uefa  iyo inaaney weliba rajo ka qabin hanashada  horyaalka Talyaaniga.
Jawaab: waa sax in 8 ay badan tahay laakin ciyaarta aan soo bandhigno ayaa u qalanta 8. Haddii aan weli ka mid ahaan lahayn kooxaha u tartamaya koobka Uefa waxaan siin lahaa 10.

Su’aal:Adigane ciyaartaadi sannadkan immisa dhibcood ayaad isa siin lahayd?
Jawaab: Waxaan filayaa ilaa iyo imminka inaan dhaliyay 12 gool. Dhanka dhibcaha idinka ayaan idin daayay.

Su’aal: Ma aragtay in Ronaldo uu ku soo laabtay inuu gool dhaliyo?
Jawaab: Haa maalintaa telivisionka ayaan hor fadhiyay aad ayaana ugu farxay inuu dhaliyo laba gool oo qurux badan. Runtii dhibaatooyin badan ayuu soo maray wuuna u qalmaa labadan gool.

Su’aal:Sow uma aragtid inuu aad u buurnaaday?
Jawaab: Isagoo buuran haddii uu dhalinaayo goolashan. Ka waran markii uu catoobo?. Roni kun dhaawac ayuu la kulmay oo weliba badidoodi ay halis yihiin haddan wuu ka soo wadagudbay. Markaa waxaan oran lahaa Roni waa ciyaartooy ku dayasho mudan.

Su’aal:Ma jeclaan lahayd inuu ku soo laabto xulka qarnka Brasile?
Jawaab: Haa tabcan Ronaldo waxbadan ayuu u qabtay xulka, welina u qaban karaa. xulka Brasile waxaa ku jira ciyaartooy aad u heer sareeya laakin Ronaldo oo keliya ayaa mucjiso ah.

Su’aal:Aan u soo laabano Milan. Waa maxay sababta sannadkan ay kooxda ula kulantay dhibatooyinkan tirade badan?
Jawaab: Jawaabta wey sahlan tahay waxaa dhacday in dhowr kullan oo ahayd inaan badino aan bar bardhac galnay tusaale ahaan ciyaartii aan la yeelanay  Lecce,  Torino,  iyo Genoa kama faa’iideysan goolashii aan kaga hormarnay iyo weliba fursadihii aan helnay.

Su’aal: Sannadkan waxaad ku fikireysaan oo keliya inaad ka mid noqotaa kooxaha ka qeyb gali doona  ciyaarta Champions League ee soo socda. Marka koox aad u weyn sida Milan sow lama oran karo waa wax aad u yar iney intaa un ku qanacdo?
Jawaab: Milan waxay ku guuleysatay koobab aad u tiro badan. Dadka wax naga sheega iyo taageereyasheenaba waxay u barteen inaan markasta guul soo hooyno. Waa wax caadi ah in mararka qaar  aysan arrinta sidaad rabtay noqon. Waxaan filayaa in aan ka mid noqon doono kooxaha ka qeybgalayaa tartanka Champions League ee soo socda waan hubaa inaan guul ka gaari doonno.

Su’aal: Kooxaha Talyaaniga wey ka wada hareen tartanka Champions League. Arrintani maxaad ku macnayn lahayd?
Jawaab: Kooxihii ingiriiska ee la kulmay Inter, Juventus iyo Roma waa kooxo kawada awood sareeya   marka jawaabta taasi ayay noqon kartaa.

Su’aal: Saaxibkaadi Balotelli ma is maqasheen kadib guul darradii uu kala kulmay kooxda Manchestre?
Jawaab: Maya, laakin waxaan qiyaasayaa inuu aad uga xun yahay.


Su’aal:
Mourinho ma yahay qof laga heli karo(Simpatico).
Jawaab: Waxaan la kulmay ciyaartii aan la yeelanay Inter kadib.Aniga wuxuu iigu muuqday Simpatico laakin si fiican uma aqaano.

Su’aal: Yaa ku guuleysan doonaa Champions League?
Jawaab: Barcellona ama Man.United

Su’aal: Kooxdeed  jeceleysataa inaad daawato ciyaarteeda?
Jawaab: Qaab ciyareedka kooxda Barcellona ayaan aad uga helaa.

Su’aal: Kol haddii aad tahay ciyaartooy da’ yar. Maxaad jeclaan lahayd inaad kaga dayato ciyaartooyda kala ah: Kakà, Inzaghi, Ronaldinho e Beckham?
Jawaab: Haddaan ku bilaabo Inzaghi waxaan isku dayaa inaan ka barto boos qaadashada isagoo goor kasta diyaar ku ah goolka hortiisa kana faa’iideesto kubad kasta. Kakà waxaan ka jeclestaa siduu kubadda ula cararaayo iyadoo aan ka fogaan. Beckham wuxuu awood u leeyahay inu kubadda soo laado” karooso” meelkasta ee uu garoonka ka jog. Sidoo kale waxaa looga deysan karaa laadka xurta ah “punizioni”. Ronaldinho waxaa mucjiso ah qaabka uu kubadda kugu soo gudbinayo “baaskiisa” Marka ay kubadda ku jirto lugtiisa waxaan isku dayaa inaan diyaar ku noqda meesha iyo waqtiga saxda ah “Nel posto giusto al momento giusto”.

Su’aal: Waxan maqalnay inaad gaariga(baabuurka) aad is xad dhaaf ah u wado arrinta maxaa ka jiro?
Jawaab: Waxba kama jiraan. Tankale weligeey leyguma ganaaxin.

Su’aal: Haddaba maxaa lagugu ganaaxay?
Jawaab: Inta badan waxaa leygu ganaxaa inaan gaariga meel qaaldan dhigo. Waxaa dhacdo mararka qaar inaan kaga taga garoonka diyaaradda “Airport”  markaan soo laabtana waxaan u imadaa gaarigii oo la jiitay.

Su’aal Maxaa fariin ah ee aad u direysaa tagereyaasha Milan?
Jawaab: Waxaan uga mahadcelinayaa sida diiran ee ay goorkasta inoo garab taaganyihiin. Innagoo aan weliba sannadkan gaarin heerkii ay naga filayeen. Aniga waxaan u ballan qaadayaa inaan ka mid noqon doono kooxaha ka qeybgali doona tartanka  Champions Leagu sannadka soo socda isla markaan aan heer fiican ka gaari doono.

Su’aal: Ma Ancelotti ayaa weli noqon doonaa tababaraha kooxda misse tababare kale?
Jawaab: Waad kaftameysaa baan filayaa. Tababare isaga ka fiican ma arko.

 Waxaa tarjumay Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca

 

 


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line

  ;