• QABANQAABADDA TARTANKA NOVEMBER EE ATLANTA.

Ka qeyb galka Isboortiga waxa laga hela caafimaad taam ah,waxa mar kastaba lagu abaabiyaa dhaalnka soo koraayo,waxa laga helaa sumcad oo aan waligaa kaa hareynin,waxa uu horseedaa is dhexgel ,waxaana laga bartaa is maqal iyo kala dambeyn,Ispoortiga dhaqankiisa koowaad waxa weeyey in uu diiradda saaro in la unko ciyaar ku wajahan wanaag iyo akhlaaq san,waxa kaloo isboortiga saldhig u ah dhaqan wanagsan oo aad u muujiso kooxdaada iyo kooxda kaa soo horjeeda iyo ugu dambeyntii in aad si edboon ku aqbashid Guusha iyo Guuldaradda waxa erayadaasi afkooda laga hayaa Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka Mudana Aweys Muse Arbow(Aweys Fuundi) iyo Xoghayaha Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka Mudane Cabdulqaadir Xasan cadde(Caydiid Jeenyo).


Mudane Aweys Fuundi iyo Caydiid Jeenyo waxa ka warbixiyeen taarikhda ma guurtada ah oo uu Guddiga Isboortiga soo maray,waxaana ay sheegeen in udubadda loo taagay muddo haatan laga joogo 15 sano,waxaana mudadaasi la soo qabtay Tartamo kala duwan oo ay ka soo qeyb galeen Goboladda oo uu Mareykanka ka kooban yahay qaarkood,waxaana mar kastaba diiradda la saaraayey in Isboortiga laga soo bilaabo gunta hoose taa oo runtii ku socota dhabihii loogu talo galay,waxaana maanta dhalinta yaryarka ah lagu Tababarayaa Magaalooyinka kala ah Atlanta,Tennesse,Mineapolis.Ohio.Maine,Toronto iyo qaar kale oo ka tirsan Waqooyiga America,iyadoo aanu fuileyno in aan goor dhaw miraheeda gurano.


Mudane Aweys Fuundi iyo Caydiid Jeenyo waxay carabka ku dhufteen in Magaaladda Atlanta ay leedahay Aqonyahano Isboorti oo u heelan diyaarinta noocyadda kala duwan ee Isboorti ee sanad kastaba lagu qabto magaaladda Atlanta kuwaa oo kala ah Dr. Cali Cusmaan,Cabdirashiid Blastiko,Aweys Fuundi,Caydiid Jeenyo,Cali Mataan,Jaamacey,Cabdirashiid Dheere,Ciise Jaamac,Cali Yuusuf,Cabdulaahi Dheere iyo Cali Bay,oo runtii qabanqaabadda ay u sameyaan Isboortiga Atlanta mar kastaba noqota mid aan ka go'in qulubta ka soo qeybgalayaasha taa oo maanta Magaaladda Atlanta ay ku heshay qadarin aan la koobi karin.


Mudane Aweys Fundi iyo Caydiid Jeenyo waxay kaloo sheegeen in iskuduubnida Aqonyahanadda Isboorti ee reer Atlanta ay keentay in maanta ay Atlanta safka hore ka jirto Goboladda USA iyo Canada,waxaana taa daliil kaaga ah in ay Atlanta soo booqdeen Halyeeyadda qiimaha iyo qaayaha ku leh Isboortiga Soomaaliyeed oo kala ah,Macalin Ibraahim Suudaani,Macali Qariidi,Garsoore Caalami Maxamed xasan Qolof,Shiikha,Maxamuud Ciise,Madaxey,Cabdi Yuusuf,Aaman,Cabdirisaaq,Nuune,Marwo Geni,Fartuun Cali Dheere,Axmed Daahir,Bashiir Geele,Axmed Weli,Cabdulaahi Africano,Nuur Dheere,Cabdulaahi Amiigo,Cali Dhagey,Cabdicasiis Axmed Mahdi,Xamza,Macalin Tuke,Maxamed Faarax,Axmadey Baldi,Xarbi,Cabdisamad,Mukhtaar Cuti,Khaliif Riiko,Cabdulqaadir caraale,Ciise.Soomaliyow,Khaldaan,Xantule,Soleymaan,Qoraa sare Najiib Ciise,Abukar shiino iyo qaar kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin,waxaana ka soo qeyb galkooda uu kor u qaaday sumcadda Magaaladda Atlanta oo dad badan ay siiyeen naaneys ah HOYGII ISBOORTIGA QURBAHA.


Ugu dambeyntii Aweys Fundi iyo Caydiid Jeenyo waxay u mahadceliyeen Gudoomiyaha Jaaliyadda Inj Cumar Shekhey iyo Xubnaha Jaaliyadda oo runtii dadaal la garab istaagay Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka,waxa kaloo halkaan ay Mahad uga celiyeen Xawaaladaha kala ah Dahabshiil,Amal,Kaah,sidoo kale waxay Mahad u celiyeen Xalaal Biza,Maqaayadda Daalo,Maqaayadda Xamdi iyo Maqaayadda Madiina oo runtii dhamaantood garab istaagay Isboortiga Atlanta,waxa Kaloo halkaan uga mahadcelineynaa Qaran Raadiyo oo door aan la iloobi karin qaatay.


Ugu dambeyntii waxaan dadweynaha reer Atlanta loo sheegayaa in maanta Atlanta ay Gaartay heerkaa oo aad hore markhaati uga noqoteen,iyadoo sanadkaan la qabn doono Festifaal aad u weyn oo ay ka soo qeyb galyaan dhamaan Halyeeyo isboortiga Soomaaliyeed Taarikh ku leh,iyadoo la doonaayo in qof kastaba uu ka soo qeyb galo abaabulka haatan bilaabanaayo si uu u najaxo tartankaasi qiimaha leh.waxaana warkii ku soo gabagaboobay GUUL ISBOORTIGA ATLANTA.

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line